Yacquub 5 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubDigniin ku socota taajiriinta 1 Bal eega, kuwiinan taajiriinta ahow, ooya oo aad u cabsada dhibaatooyinka xun oo idin kusoo socda aawadood. 2 Maalkiini wuu qurmay, oo dharkiini qurxoonaana aboor ayaa cunay. 3 Dahabkiina iyo lacagtiina waa wax aan waxba tarayn. Maalkii aad ku xisaabtami jirteen ayaa hilibkiina u cuni doona sida dab oo kale. Maalkan aad urursateen wuxuu cadayn idin ku ahaan doonaa maalinta xisaabta. 4 Dhegaysta! Maqla oohinta shaqaalihii beerta ee aad khiyaaneyseen mushaharkooda. Mushaharkii aad bixin weyseen ayaa idin ka cabanaya. Oo oohintii kuwii beertiina goynayay waxey gaartay dhegihii Rabbiga Weyn. 5 Inti aad dhulka joogteen, waxaad ku fikirteen inaad calooshiina buuxisaan oo aad waqti fiican qaadataan. Laakiin hadda waxaad la mid tihiin dibiyo buurbuuran oo la gowraci rabo. 6 Idinku waxaad xukunteen oo disheen dad aan waxba galabsan, oo xitaa is difaaci kari waayay. Samir naxariis iyo duco 7 Walaalayaal sabra inta aad sugeysaan soo laabashada Rabbiga. Bal u fiirsada sida beeraleydu u sugaan inta uu dhulku miro qiima leh u soo saaraayo, iyaga oo sabar ku sugaya roobabka guga iyo dayr. 8 Idinka xitaa samir lahaada. Qalbiyadiina xoogeeya, waayo imaanshada Rabbigu wey dhowdahay. 9 Walaalayaal midkiinba midka kale yuusan ka gunuunicin, haddii kale waa la idin xukumayaa, oo xaakinku albaabka ayuu taagan yahay. 10 Walaalayaalow, ku dayda nebiyadii magaca Rabbiga ku hadlay. Wey samreen, xitaa markii uu dhib ku dhacay. 11 Runtii, kuwii dulqaatay waxaan u aragnaa kuwo barakeysan. Waxaad xusuusan tihiin siduu Ayuub u dulqaadan jiray iyo siduu Rabbigu ugu dambeyntii u caawiyay. Maxaa yeelay, Rabbigu waa mid naxariis iyo raxmad badan. 12 Walaalayaalow, ha dhaaranina. Waa in eydan ku dhaaranin samada, ama dhulka, ama wax kale. “Haa” ama “Maya” waa waxa kaliya ee aad u baahantihiin inaad tiraahdaan. Haddii aad wax ka badan tiraahdaan, waa la idin xukumi doonaa. Awoodda ducada 13 Haddii ey dhibaato idin haysato, waa inaad duceysataan. Haddii aad dareentaan farxad, waa inaad ku heestaan heeso ammaan ah. 14 Haddii aad xanuusan tihiin, weydiiya hogaamiyayaasha kaniisadda iney idiin yimaadaan oo idiin duceeyaan. Weydiiya iney magaca Rabbiga saliid idin kugu subkaan. 15 Haddii aad rumeysad leedihiin markaad u duceysaan dadka xanuusan wey bogsan doonaan. Oo Rabbigu iyaga wuu bogsiin doonaa, oo haddii ey dembaabeen, wuu cafin doonaa. 16 Haddii aad dembaabteen waa inaad isu sheegtaan wixii aad sameyseen. Markaas ayaad isku duceyn kartaan oo aad bogsaneysaan. Qofka xaqa ah baryadiisu wey xoog badan tahay, oo aad ayey waxtar u leedahay. 17 Eliyaas wuxuu ahaa binu aadan anaga oo kale ah. Saddex sano iyo bar ayuu aad ugu duceystay in uusan roob da’in, dhulkana roob kuma da’in. 18 Laakiin markii uu mar kale ku duceystay inuu roob da’o cirkiina roob ayuu soo daayay dhulkiina mirro ayuu dhalay. 19 Walaalayaalow, haddii kuwa Masiixa raacsan ey runta ka leexdaan, lana soo celiyo, 20 waa hubaal in qofkii soo celyay dembiilayaashaas uu iyaga ka badbaadiyay dhimasho una keenay cafiska dembiyo badan. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.