Yacquub 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubXakameynta carrabka 1 Walaalayaalow, waa in aanan dhamaanteen isku dayin inaan macalimiin noqono. Runtii macalimiinta waxaa loo xukumi doonaa si ka adag kuwa kale. 2 Dhamaanteen waxaan sameynaa waxyaalo badan oo khaldan. Laakiin haddii aad carrabkaaga xakameyn karto, waad kortay oo jirkaaga oo dhanna waad maamuli kartaa. 3 Markeynu fardaha lijaan afka u gelino si ey noo adeecaan, waxaan leexin karnaa xayawaanka oo dhan. 4 Waxaa loo baahanyahay dabayl xoog leh si loo dhaqaajiyo markab weyn, laakiin naakhuuduhu wuxuu isticmaalaa isteerin yar oo kaliya si uu jiha kasta ugu wado. 5 Carrabkeenu wuu yaryahay, haddana waxyaalo waaweyn ayuu ku faanaa. Waxey qaadataa dhimbil kaliya si dabku uu uga bilowdo keynta. 6 Carrabku waa sida dhimbil oo kale. Waa duni shar ah oo qaribta jirka oo dhan, oo qofka noloshiisa ku shida olol, oo naftiisa isku shida naarta. 7 Dadku waxey xakameyn karaan dhamaan noocyada xayawaanka, shimbirraha, xamaaratada, iyo kalluunka badda ku jira. 8 Laakiin qofna ma xakameyn karo carrabka. Waa wax shar ah oo aan nasan oo ey ka buuxaan sun wax disha. 9 Mar mar carrabkeena waxaan ku ammaannaa Rabbigeen iyo Aabaheen, marna waxaan ku habaarnaa kuwa Illaah muuqaalkiisa laga sameeyay. 10 Sidaa darteed isku af ayaa ammaan iyo habaar kasoo wada baxaan. Hubaal, walaalayaalow, arintani sax ma aha. 11 Biyo macaan iyo biyo dhanaan kama soo wada qulquli karaan isku il? 12 Walaalayaalow, geed berde ah miyuu dhali karaa mirro saytuun ah, canabkuna miyuu soo saaraa mirro berde ah? Biyaha macaanka ah miyey ka yimaadaan ceel ey ka buuxaan biyo dhanaan ah? Xikmadda runta ah xagga Illaahey ayey ka timaadaa 13 Haddaad caqli leedahay oo aad jidadka Illaahey garato, waa inaad si wanaagsan u noolaataa, oo aad camallo wanaagsan ku sameyso is hooseysiinta ka timaada xigmadda. 14 Laakiin haddii qalbiyadiinu ey ka buuxaan maseyr xun iyo is jeclaysi, haku faanina, beenna ha sheegina si aad runta u qarisaan. 15 Xigmaddan oo kale kama soo degto samada laakiin waxey ka timaadaa aduunka, ruuxiyan ma aha waana shaydaanimo. 16 Waayo meel alla meeshii maseyr iyo damac ka jiro, waxaad ka heli doontaan qas iyo xumaan nooc kasta leh. 17 Laakiin xigmadda Illaahey ka timid waxey nagu hogaamisaa inaan noqono kuwo daahir ah, nabad jacel, degan, kala dambeeya, naxariis badan iyo camal wanaagsan leh, kuwo aan eexasho aqoon oo daacadna ah. 18 Kuwa nabadda ka shaqeeya waxey beeran doonaan miraha nabadda, oo waxey goosan doonaan miraha xaqnimada. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.