Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Yacquub 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Eexashada lama ogola

1 Walaalayaalow, haddaad rumeysan tihiin Rabbigeena Ciise Masiix ee ammaanta leh, waa in eydan dadka u kala eexan.

2 Kaba soo qaad nin maalqabeen ah oo xiran faraanti dahab ah iyo dhar wanaagsan ayaa yimid kulankiina, sidoo kalana waxaa yimid nin miskiin ah oo dhar duug ah qaba.

3 Waa in aadan kursiga ugu wanaagsan siinin kan dharka wanaagsan qaba, oo kan miskiinka ahna u sheegin inuu dhinac istaago ama dhulka fariisto.

4 Taasi waxey la mid tahay in dadka qaarkiis ey ka wanaagsan yihiin kuwa kale, adiguna waxaad u dhaqmaysaa sidii garsoore xun.

5 Walaalaheyga qaaliga ahow u fiirsada. Dadka masaakiinta ah ee dunidan ku nool Illaah ayaa doortay iimaan badan ayuuna siiyay. Wuxuu kaloo u ballan qaaday inuu siiyo qeyb ka mid ah boqortooyadiisa mid kastoo isaga jecel.

6 Masaakiinta ayaad si xun ula dhaqantaan. Laakiin taajiriinta miyeysan ahayn kuwa idiin taliya oo maxkamadda idin geeya?

7 Miyeysan ahayn kuwa caayaya Ciise Masiix, oo aad magaciisa sharafta leh haysataan?

8 Si wanaagsan ayaad yeeli doontaan, haddii aad adeecdaan sharciga ugu muhiimsan qorniinka. Waa sharciga na amraya, “Inaan dadka kale u jeclaano sida aan nafteena u jecel nahay.”

9 Laakiin haddaad dadka qaarkiis u eexataan dembi ayaad sameyseen, oo qorniinku wuxuu leeyahay, waad dembaabteen sharcigana waad jabiseen.

10 Waayo qofka dhawra sharciyada oo dhan laakiin jabiya hal sharci, wuxuu la mid yahay qof dhamaan jabiyay sharcigii Illaah.

11 Illaahey wuxuu yiri, “Ha sineysanin,” laakiinse wuxuu kaloo yiri, “Qof ha dilin.” Haddaba haddii aadan sineysanin, oo aad qof disho, waxaad noqotay mid sharciga Illaahey jabiyay.

12 Haddaba wax kastoo aad tiraahdo iyo wax kastoo aad sameyso, xasuusnoow in lagu xukumi doono sharciga na xoreeya.

13 Kuwa aan u naxariisanin dadka kale Illaaheyna iyaga uma naxariisan doono. Laakiin haddii aad u naxariisataan, Illaahey wuu idiin naxariisan doonaa markii uu idin xukumayo.


Iimaan iyo camal

14 Walaalayaalow, maxey taraysaa inaad tiraahdaan rumeysad ayaan leenahay, idinkoo aan samaynin wax cadeynaya inaad rumeysateen? Iimaanka noocaas ah ma ku badbaadi kartaan?

15 Kaba soo qaad haddii walaalkaa ama walaashaa eysan haysan dhar iyo cunto,

16 haddii mid idin ka mid ah uu iyaga ku yiraahdo, “Nabad ku taga, diiranaada oo si fiican u quuta!” Laakiin haddii aadan wax ka qaban baahida jirkooda, maxey tareysaa?

17 Haddaba waad aragtaan, rumeysadka aan nagu hogaamineynin camal wanaagsan waa mid aan jirin.

18 Hadda qof ayaa ku doodi kara, “Dadka qaarkood rumeysad ayey leeyihiin kuwa kalana camal wanaagsan ayey leeyihiin.” Laakiin waxaan leeyahay, sidee ayaad ii tusi kartaa rumeysadkaaga haddii aadan camal wanaagsan lahayn? Waxaan ku tusi doonaa rumeysadkeyga iyo camalkeyga wanaagsan.

19 Waxaad aaminsantahay inuu Illaah keli ah jiro. Taasi waa fiican tahay. Xitaa ruuxyada xun wey rumeysanyihiin arintan, oo waxey ka dhigtaa iney cabsadaan.

20 Nacasyahow! Miyaadan arkayn in iimaan aan camal wanaagsan lahayn uusan waxba tarayn.

21 Haddaba awoowgeen Ibraahim ayaa Illaahey ka farxiyay waxaana lagu xisaabiyay mid xaq ah markii uu wiilkiisii Isxaaq saaray meeshii allabariga si uu isaga allabari ugu bixiyo.

22 Hadda waad aragtaan sida rumeysadkii Ibraahim iyo camalkiisu u wada shaqeeyeen. Wixii uu sameeyay wuxuu ku cadeeyay in rumeysadkiisu run yahay.

23 Haddaba qorniinka waa la oofiyay markii uu leeyahay, “Ibraahim wuxuu aaminay Illaahey, iimaankiisa dartiis ayaana xaq looga dhigay,” sidaas ayaana loogu bixiyay saaxiibkii Illaahey.

24 Sidaa darteed bal fiiri, waxaan sameyneyno ayuu Illaahey xaq nooga dhigay, ee ma aha rumeysadka oo kaliya.

25 Tusaale ahaan, Raxab jirkeeda ayey ka ganacsan jirtay laakiin waxaa loo xisaabay midda xaqa ah. Waayo waxey ka farxisay Illaahey markey soo dhaweysay jaajuusiinta oo ey jid kale u dirtay.

26 Sida jirka aan ruuxda lahayn uu u dhintay, sidaas oo kalana iimaanku waa meyd haddii uusan camal wanaagsan lahayn.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan