Yacquub 1 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubSalaan 1 Warqaddan waxey ka socotaa Yacquub oo ah adeegihii Illaahey iyo Rabbigeena Ciise Masiix. Waxaan warqaddan u qorayaa mu’miniinta aduunka ku kala firdhisan ee kasoo kala jeeda laba iyo tobanka qabiil ee Yuhuudda. Iimaanka iyo dulqaadka 2 Walaalaheyga qaaliga ahaw, u arka fursad farxad weyn leh markii dhibaatooyinku idin ku dhacaan. 3 Waayo waad garaneysaan in markii rumeysadkiina la tijaabiyo uu dulqaadkiinu korayo. 4 Laakiin waa inaad barataan inaad u adkeysataan wax walba si aad u noqotaan kuwa koray oo dhameystiran, waxna eysan ka maqnayn. 5 Haddii mid idin ka mid ah u baahanyahay xikmad, waa inuu Illaahey ka baryaa, waana la siin doonaa. Lagumana canaanan doono inuu weydiisatay. 6 Laakiin markaad wax weydiisataan, waa inaad iimaan leedihiin oo eydan shaki lahayn. Qof kastoo shakiya waa sida hirka badda weyn oo duufaan wata. 7 Dadka noocaas ah ma aha iney Rabbiga wax ka helaan. 8 Daacadnimadooda waxey u kala qeybsan tahay Illaahey iyo aduunka, wax kastoo ey sameeyaanna ma xasiloona. 9 Masiixiyiinta la yaso waxey leeyihiin wax ey ku faanaan, waayo Illaahey ayaa iyaga sharfay. 10 Kuwa taajiriinta ahna haku faanaan inuu Illaah hooseysiiyay. Waxey u baabi’i doonaan sida ubaxyada duurka oo kale. 11 Markey qoraxdu kulushahay cawskana wuu qalalaa, ubaxa baalashiisa ayaa ka daata oo quruxdooduna wey baaba’daa. Sidaas oo kalana taajiriintu wixii ey sameeyeen oo dhan wey lumi doonaan. 12 Illaahey wuu barakeeyaa kuwa u samra imtixaanada iyo jarribaadda. Qofkaas wuxuu heli doonaa taajka nolosha ee Rabbigu ka ballan qaaday kuwa isaga jecel. 13 Illaahey ha eedeynin markii lagu jarribo, Illaahey xumaan kuma jarribmo, oo isagu xumaa uma isticmaalo inuu dadka kale jarribo. 14 Laakiin qof walba waa la jarribay, markey jiitaan damacyadiisa sharta leh ee dembiga geliya. 15 Damacyadan waxey ka dhashaan falal dembiyeed. Dembiga markii la ogolaado inuu weynaado, wuxuu dhalaa dhimasho. 16 Sidaas oo kale walaalayaal yaan la idin khiyaanin. 17 Hadiyad kastoo wanaagsan oo kaamil ah waxey ka timaadaa Aabaha abuuray dhamaan nuurka samada. Isaga mar walba waa isku mid oo weligiis iskuma bedbedelo sidii harka oo kale. 18 Wuxuu doortay inuu na siiyo nolosha weligeed ah markaan rumeysanay ereygiisa runta ah. Si aan u noqono miraha ugu horeeya ee abuurkiisa cusub. Dhegeysiga iyo sameynta 19 Walaalaheyga qaaliga ahaw, xasuusta inaad si degan wax u dhegeysataan oo hadalka iyo xanaaqa gaabisaan. 20 Xanaaqa binu aadanku ma keeno xaqnimada uu Illaahey doonayo 21 Haddaba iska saara dhamaan wasakhda iyo xumaanta noloshiina ku jirta, oo is hooseysiiya oo aqbala ereyga Illaahey qalbigiina ku beeray, waayo wuxuu leeyahay awood uu naftiina ku badbaadiyo. 22 Adeeca fariinta Illaahey, hana noqonina doqomo markaad maqashaan. 23 Waayo haddaad ereyga maqashid oo aadan adeecin, waxey la mid tahay adiga oo muraayad ku fiiriyay wejigaaga. 24 Waxaad iloobeysaa sida aad u egtahay isla markaad baxdid. 25 Laakiin haddaad u fiirsato sharciga kaamilka ah ee idin xoreeya, oo aad sameysaan wuxuu idin sheegayo, oo eydan illoobin waxaad maqasheen, Illaahey ayaa kugu barakeyn doona inaad sameysid. 26 Haddaad diin sheegato oo aad carrabkaaga xakameyn weydo, adiga ayaa naftaada khiyaaneeyay, diintaaduna qiimo ma leh. 27 Diinta Illaaha Aabaheena ka farxisa waa iney ahaato mid nadiif ah oo aan qalad lahayn. Waa inaad caawisaa agoonta iyo carmalada baahan, oo yaaney dunidu idin qaribin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.