Tiitos 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubWaxaa na loo badbaadiyay si aan wanaag u sameyno 1 Xasuusi dadka iney adeecaan taliyayaasha iyo kuwa amarka leh, waa iney mar walba diyaar u yihiin si ey u sameeyaan wax wanaagsan. 2 Waa in eysan wax xun dadka ka sheegin, waa iney ahaadaan kuwa nabad ah oo una naxariistaan qof walba, mar walbana waa iney ahaadaan kuwa dadka oo dhan u roon. 3 Anaguna sidoo kale waqti ayaan ahayn kuwa nacasyo iyo caasiyiin ah. Waana na la khiyaameeyay oo waxaan adoomo u noqonay damacyo iyo raaxo badan, nolosheena waxaa ka buuxsamay shar iyo xaasidnimo, waana isnacnay. 4 Laakiin markii naxariista iyo jaceylka Illaahey oo Badbaadiyaheena ah soo muuqatay, 5 wuu na badbaadiyay, mana aha waxyaalaha xaqa ah aan sameynay darteed, laakiin waa naxariistiisa darteed. Wuxuu naga dhaqay dembiyadeena, oo wuxuu na siiyay dhalasho iyo nolol cusub isaga oo u maraya Ruuxa Quduuska ah. 6 Kaasoo si deeqsinimo leh noogu shubay isaga oo u maraya Ciise Masiix Badbaadiyaheena. 7 Nimcadiisa darteed ayuu nooga dhigay kuwa xaqa ah oona na siiyay rajada aan ku dhaxli lahayn nolosha weligeed ah. 8 Tani waa fariin run ah, waxaana rabaa inaad ku adkeysataan waxbaridan si kuwa walboo aamina Illaahey ey isku xil saaraan iney sameeyaan waxa wanaagsan. Waxbaridan waa mid wanaagsan oo faa’iido u ah qof walba. 9 Laakiin iska ilaaliya dood nacasnimo ah oo ka timid awoowayaasheen ama muran ku saabsan sharciga Muuse, waayo waxyaalahan qiimo ma laha waqti ayeyna idin ka dhuminayaan. 10 Haddii ey dadku idinku dhex abuuraan kala qeybsanaan, hal mar ama laba mar canaanta. Intaas ka badanna faraha ka qaada. 11 Waayo dadkaas oo kale waxey ka leexdeen runta, oo dembiyadooda ayaana xukumay. Hadalladii ugu dambeeyay ee Bawlos iyo salaantiisi 12 Waxaan qorsheynayaa inaan mar dhow kuu soo diro Artemaas ama Tukhikos. Oo markii midkood yimaado, ku dadaal inaad igula kulanto Nikobolis, waayo waxaan go’aansaday inaan halkaas joogo xiliga qabowga. 13 Samee wax walboo aad awoodid si aad Seenaas oo ah garyaqaan iyo Abolloos uga caawiso safarkooda. 14 Dadkeenu waa iney bartaan iney waqtigooda ku bixiyaan wanaag sameynta, si ey u helaan rabitaankooda degdega ah oo eysan ku noolaanin nolol aan micno lahayn. 15 Mid kastoo halkan ila jooga wuu ku soo salaamayaa. Fadlan iigu salaan kuwa nagu jacel iimaanka. Nimcada Illaahey kuligiin ha idin la jirto. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.