Tiitos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubInjiilka dartiis oo wanaag loo sameeyo 1 Tiitos adigu waa inaad bartaa wax baritaanka saxda ah. 2 Bar nimanka waaweyn iney is ilaaliyaan, oo ey ku noolaadaan nolol xigmad iyo sharaf leh. Waa iney leeyihiin iimaan sugan oo jaceyl ka buuxo dulqaadna leh. 3 Sidaas oo kalena u bar dumarka waaweyn iney ku noolaadaan nolol Illaahey sharaf u keeneyso. Waa in eysan caayin kuwa kale ama noqonin kuwa khamri adoon u ah. Laakiin waa iney dadka kale baraan waxa wanaagsan. 4 Dumarkan waaweyn waa iney ku tababaraan dumarka da’da yar iney jeclaadaan nimankooda iyo caruurtooda. 5 Waa iney ku noolaadaan nolol xigmad leh oo saafi ah, waa iney naxariis lahaadaan oo ey nimankooda ka dambeeyaan. Kadibna ceeb uma keeni doonaan ereyga Illaahey. 6 Sidaas oo kale wiilasha dhalinyarada ah ku dhiirigeli iney si xigmad leh u noolaadaan. 7 Wax walboo aad sameysid waa inaad u noqotaa tusaale adigoo sameynaya waxyaalaha wanaagsan. Wax baridaada tus iney tahay daacad iyo dhab. 8 Runta bar si aan loo ceebeynin wax baridaada. Si kuwa na hor joogsaday ey u ceeboobaan oo eysan anaga wax xun nooga sheegin. 9 Bara adoomada iney ka dambeeyaan mudanayaashooda oo wax walbana ku dadaalaan, oo isku dayaan iney ka farxiyaan, waana in eysan doodin, 10 waa inaanan iyaga wax ka xadin, laakiin waa iney muujiyaan in si buuxdo loo aamini karo, haddaba si kasta ayey uga dhigi doonaan waxbaridda ku saabsan Illaaha Badbaadiyeheenna mid soo jiidasho leh. 11 Waayo Illaah wuxuu muujiyay nimcadiisa taas oo badbaadisa dadka oo dhan. 12 Nimcadaasi waxey na bareysaa inaan ka tagno nolosha aan cibaadada lahayn iyo damaca aduunka, oo aan dunidan sharta leh ugu noolaanno xigmad iyo xaqnimo Illaaheyna isu dhiibno. 13 Intaan sugeyno rajada barakeysan muuqashadii ammaanta Illaaheena weyn iyo badbaadiyaheena Ciise Masiix. 14 Isagu wuxuu nafsadiisa u bixiyay inuu anaga naga madax furto wax kasta oo shar leh iyo inuu qalbiyadeena nadiifiyo, iyaga u hamuun qabo iney sameeyaan waxa wanaagsan. 15 Waxyaalahan bar, adigoo isticmaalaya awoodaada oo dhan si aad dadka u dhiirigeliso oo u saxdo. Hana ogolaan inuu qof ku yaso. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.