Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Rooma 9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Illaahey iyo dadkiisa

1 Run ayaan sheegayaa, Masiixaan ka tirsanahay beenna ma sheego. Damiirkeyga oo uu Ruuxa Quduuska ah hagayo ayaa ii xaqiijinaya in aanan been sheegeen,

2 markaan idin ku leeyahay qalbigeygu wuu dhaawacan yahay murugo weyn ayaana i haysata.

3 Waayo waxaan jeclaan lahaa in ley inkaaro Masiixana leyga saaro dadkeyga dartood.

4 Waayo waa farcankii Israa’iil, waana dadkii uu Illaahey doortay. Wuxuu iyaga tusay ammaantiisa. Axdi ayuu iyaga la galay sharcigiisa ayuuna siiyay. Macbadka wax lagu caabudo iyaga ayaa leh waxeyna heleen ballankuu Illaahey ka qaaday.

5 Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub ayaa awoowayaashood ah, Masiixuna wuxuu kasoo jeeday Israa’iil marka jirkiisa binu aadannimo la fiiriyo. Kaasoo ah Illaaha wax walba maamula, una qalma ammaanta weligeed ah! Aamiin.


Illaahey doorashadiisa dheeraadka ah

6 Ma dhihi karno Illaahey ballantiisi ayuu jabiyay. Waayo farcanka Israa’iil oo dhan ma wada aha dadkii Illaahey.

7 Mana aha in farcanka Ibraahim oo dhan ey yihiin caruurtii Illaahey. Waayo kitaabku wuxuu leeyahay, “Farcanka Isxaaq ayaan ballankeyga kuugu oofin doonaa.”

8 Si kale haddaan u sharaxo, caruurta xagga jirka ka ah farcanka Ibraahim ma aha iney yihiin caruurtii Illaahey. Laakiin waxaa caruurtii Illaahey ah caruurta ballanta ku dhashay.

9 Waayo Illaahey ayaa ballan qaaday oo yiri, “Sanadka dambe xiligan oo kale ayaan soo laaban doonaa Saarana waxey haysan doontaa wiil.”

10 Wiilkaasna waa awoowaheen Isxaaq. Wuxuuna guursaday Rebeqah, waxeyna u dhashay laba wiil oo mataano ah.

11 Laakiin inteysan mataanadu dhalan ka hor ama eysan sameyn wax wanaag iyo xumaan ah, ayey Rebeqah Illaahey fariin ka heshay. Fariintaasna waxey cadeyneysay in Illaahey doorto dadka hadba sida ujeedadiisu tahay.

12 Illaahey dadka kuma doorto wanaag ama xumaan ey sameeyeen. Waayo wuxuu Rebeqah u sheegay in “Wiilkeeda weyn uu u adeegi doono wiilkeeda yar.”

13 Sida kitaabka ku qoran, “Waan jeclaaday Yacquub Ceesawna waan diiday.”

14 Haddaba ma waxaan leenahay Illaahey cadaalad ma sameeyo? Maya lagama yaabo!

15 Waayo wuxuu Muuse ku yiri, “Waxaan u naxariisan doonaa qofkii aan doono, waxaanna u nixi doonaa qofkii aan doono.”

16 Haddaba wax walba waxey ku xiran yihiin Illaahey naxariistiisa, mana ku xirna waxey dadku rabaan ama sameeyaan.

17 Waayo qorniinku wuxuu leeyahay Illaahey wuxuu Fircoon ku yiri, “Waxaan boqor kaaga dhigay si awoodeyda lagaaga dhex arko, dadka aduunka jooga oo dhanna ey ii ammaanaan.”

18 Sidaa darteed Illaahey wuxuu u naxariistaa qofkii uu doono, wuxuuna qalbi adeeg tusaa qofkii uu doono.

19 Laakiin mid idin ka mid ah ayaa laga yaabaa inuu i weydiiyo, “Haddaba muxuu Illaahey dadka u eedeeyaa? Yaana awoodda inuu ka hor tago doonistiisa?”

20 Laakiin yaad isku maleysaa markaad Illaahey ku af celineyso? “Dharigu kuma yiraahdo ninka sameeyay, ‘Maxaad sidan iigu sameysay?’ ”

21 Soo dheri sameeyuhu xaq uma laha inuu baaquli qurux badan iyo baaquli caadi ah ka sameeyo isla carradii?

22 Inkastoo uu Illaahey xaq u leeyahay inuu caradiisa iyo awooddiisa u muujiyo qof walboo istaahila in la baabi’iyo, laakiin wuu u dulqaataa iyaga.

23 Wuxuuna sidaas u sameeyay si uu u muujiyo ammaantiisa xad dhaafka ah, taas oo uu na siiyay inagoo ah dadka uu u naxariistay, uuna u diyaariyay iney ammaantiisa helaan.

24 Waxaan kale oo ka mid nahay kuwa uu doortay, Yuhuud iyo dadka aan Yuhuudda ahaynba.

25 Sida uu Illaahey kitaabkii nebi Hoosheeca ku yiri, “Waxaan ugu yeeri doonaa ‘dadkeyga’ iyagoon dadkeyga ahayn, waxaanna iyada ugu yeeri doonaa ‘tan aan jeclahay’ iyadoon ahayn tan aan jeclahay.”

26 Sidoo kalana, “Isla meeshii lagu dhahay, ‘Dadkeyga ma tihiin,’ ayaa mar labaad loogu yeeri doonaa ‘caruurta Illaaha nool.’ ”

27 Isayosna wuxuu ku qayliyay isaga oo reer binu Israa’iil ka hadlaya, “Inkastoo tirada reer binu Israa’iil ey ka badan tahay carrada xeebta, laakiin in yar ayaa badbaadi doonta.

28 Waayo Illaahey wuxuu dhaqso dhulka ugu sameyn doonaa wixii uu ka digay inuu sameyn doono.”

29 Sidoo kale Isayos wuxuu horey u yiri, “Haddii uusan Rabbiga Weyn badbaadin lahayn qeyb umadeena ka mid ah, waxaan noqon lahayn sidii Sodom, waxaan kaloo noqon lahayn sidii Gomora.”


Rumeysad la’aanta reer binu Israa’iil

30 Haddaba waxan oo dhan maxaa laga wadaa? Waxaa laga wadaa dadka aan Yuhuudda ahayn Illaahey hortiisa xaq iskagama dhigeynin, laakiin waxey ogaadeen in Illaahey aqbalayo haddey iimaan leeyihiin.

31 Laakiin dadka reer binu Israa’iil ee isku dayay iney sharciga ilaalintiisa xaq ku noqdaan, kuma guuleysan.

32 Maxey ugu guuleysan waayeen? Sababtu waxey tahay iney isku dayeen iney camalladooda xaq ku noqdaan oo eysan isku dayin iimaan. Waxeyna ku dul kufeen dhagax weyn.

33 Sida kitaabka ku qoran, “Fiiri, waxaan Siyoon dhex dhigay dhagax ey dadku ku kufaan iyo dhagax weyn oo ey ku dul dhacaan, mid walboo aaminana ma ceeboobi doono.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan