Rooma 8 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubRuuxda Illaahey oo lagu noolaado 1 Haddaba lama xukumayo kuwa Ciise Masiix ku dhex jira. 2 Waayo Ruuxa Quduuska ah ayaa idin siin doona nolol taas oo ka timaada Ciise Masiix, oona idin ka xoreyn doonta sharciga dembiga iyo dhimashada. 3 Sharciga Muuse sidan ma sameyn karo, waayo damaceena sharta leh ayaa daciif ka dhigaya. Laakiin Illaahey ayaa xor idin ka dhigay markii uu soo diray Wiilkiisa inuu noqdo dembiile sideena oo kale ah una dhinto dembiyadeena. Illaahey wuxuu isticmaalay jirkii Ciise si uu dembiga u xukumo. 4 Si waxyaalaha sharciga xaqa ee loogu baahanyahay si buuxdo na looga helo, kuwa aan ku nooleyn tixgelinta jirka laakiin ku nool tixgelinta Ruuxa. 5 Dadka ey damacyadoodu u taliyaan waxey ka fikiraan oo kaliya nafsadooda. Laakiin dadka uu Ruuxa Quduuska ah u taliyo waxey ka fikiraan waxyaalo ruuxi ah. 6 Maanka maamula jirka wuu dhintaa. Laakiin haddii Ruuxu u taliyo, waxaan heleynaa nolol iyo nabad. 7 Maskaxda jirku maamulo waxey col la tahay Illaahey, waayo ma adeeci karaan sharciga Illaahey. 8 Haddaan raacno damacyada jirkeena Illaahey ma raali gelin karno. 9 Laakiin hadda damacyadiina idiin ma taliyaan. Waxaa idiin taliya Ruuxa Illaahey, kaasoo idin ku dhex nool. Kuwa uusan Ruuxa Masiixu ku jirin, kama tirsana xerta Masiixa. 10 Laakiin Masiixa ayaa idin ku dhex nool, sidaa darteed inkastoo ey waajib tahay in jirkiinu dhinto dembigiina dartiis, Ruuxa ayaa idin siinaya nolol, waayo waxaa la idin ka dhigay xaq. 11 Ruuxii Illaahey ee Ciise dhimashada kasoo sarakiciyay ayaa idin ku dhex nool. Sidii uu Illaahey dhimashada uga soo sarakiciyay Ciise Masiix, ayuu jirkiinana nolol idiin ku siin doonaa isla Ruuxan idin ku dhex nool. 12 Sidaa darteed, walaalayaalow waajib ayaa na saaran, laakiin ma ahan tan jirka oo ah inaan ku noolaano sida jirku rabo. 13 Haddaad raacdo damacyada jirka waad dhimaneysaa. Laakiin haddii adiga oo uu ku caawinayo Ruuxa Illaahey aad diido damacyadaada waad noolaaneysaa. 14 Dhamaan kuwa Ruuxa Illaahey haggaa waa caruurta Illaahey. 15 Ruuxa Illaahey nagama dhigo adoomo isaga ka cabsada. Laakiin wuxuu naga dhigaa caruurtiisa waxaanna ugu yeernaa “Aaba, Aabbe.” 16 Waayo Ruuxa Illaahey ayaa noo cadeynaya inaan nahay caruurtiisa. 17 Haddaba maadaama aan nahay carruurtiisi, waxaan nahay kuwa dhaxalka leh. Xaqiiqdii waxaan Masiixa la wadaagnaa dhaxalka ammaanta Illaahey. Laakiin haddii aan ammaanta dhaxalkeeda la wadaageyno waa inaan sidoo kale silacana la wadaagnaa. Ammaanta soo socota 18 Waxaan hubaa in silaca aan hadda ku jirno aan la barbardhigi karin ammaanta noosoo socota. 19 Abuurka oo dhanna waxey sugi la’yihiin intuu Illaahey ka muujinayo caruurtiisa. 20 Haddaba uunku waxuu ku jiraa walaac, ma ahan doorashadiisa, laakiin waa doonista kan ku dul saaray rajada. 21 In abuurka laga xoreeyo adoonsiga iyo qurunka oo eyna caruurta Illaahey la wadaagaan xornimada iyo ammaanta. 22 Waan ognahay in abuurka oo dhan ey u taahayaan xanuunna u dareemayaan sidii naag fool heyso. 23 Ruuxa ayaa noo cadeynaya waxaan noqon doonno. Laakiin hadda hoos ayaan ka taaheynaa, inagoo sugeyna inuu Illaahey na tuso inaan caruurtiisa nahay. Taasna wuxuu macnaheedu yahay in jirkeenana sidoo kale la xoreyn doono. 24 Rajadan ayaa na la siiyay markaan badbaadnay. Laakiin rajada la arki karaa rajo ma aha. Yaa rajeeya wax uu heysto? 25 Si kastaba ha ahaatee haddii aan rajeyno wax aanan haysan, waxaan u sugnaa si dulqaad ku jiro. 26 Meelo badan ayaan daciif ka nahay, laakiin Ruuxa ayaa na la jooga si uu noo caawiyo. Tusaale ahaan marka aanan garaneyn waxaan ku duceysano, Ruuxa ayaa noogu duceeya qaab aan ereyo lagu soo koobi karin. 27 Illaahey wuu garanayaa fikiradeena oo dhan. Wuuna garanayaa waxa caqliga Ruuxa ku jira, markii uu Ruuxu u duceynayo dadka Illaahey. 28 Waanna ognahay in Illaahey wax walba wanaag uga dhigo kuwa isaga jecel oo uuna u doortay qorshihiisa. 29 Waayo Illaahey horey ayuu u ogaa dadkiisa kuwa ey yihiin, wuxuuna u doortay si ey u noqdaan muuqaalka Wiilkiisa oo kale, Wiilkiisuna uu u noqdo curadka wiilal iyo gabdho badan oo walaalihiis ah. 30 Illaahey wuxuu aqbalay dadkii uu horey u doortay, Kuwii uu horey u doorteyna xaq ayuu ka dhigay, kuwii uu xaq ka dhigayna wuxuu la wadaagay ammaantiisa. Jaceylka Illaahey 31 Haddaba maxaan arintan ka dhahnaa? Hadduu Illaahey na la jiro, yaa naga soo horjeesan kara? 32 Illaahey nagama lexajecleysan Wiilkiisa, laakiin wuu noo bixiyay. Hadduuba Illaahey sidan sameeyay miyuusan wax walbana na siin doonin? 33 Hadduu Illaahey sheegay in kuwa uu doortay ey xaq yihiin, ma qof eedeyn karaa jira? 34 Haddaba waa kuma kan xukumaya? Qofna ma xukumayo iyaga! Ciise Masiix wuu dhintay waana la soo sarakiciyay, haddana wuxuu fadhiyaa Illaahey dhinaciisa midig, isaga oo noo hadlaya. 35 Ma wax naga fogeyn karaa jira jaceylka Masiixa? Ma waxaa naga fogeyn kara dhibta, silaca, waqtiyada adag, ama gaajada iyo dhar la’aanta? 36 Sida kitaabku leeyahay, “Adiga dartaa ayaan dhimashada u wajahnaa maalin walba, waxaa na laga dhigay ido meesha lagu gowracayo loo wado.” 37 Waxyaalahan oo dhan waxaan uga guuleysanay jaceylka Masiixa. 38 Waanna qanacsanahay in eysan jirin wax naga fogeyn kara jaceylka Illaahey. Nagama fogeyn karaan, dhimasho ama nolol, malaa’igo, taliyayaal, ama waxyaalaha maanta ama waxyaalaha imaan doona ama awoodo kale, 39 xitaa awood oo dhan nagama fogeyn karaan. Ma jiro wax aduunkan saaran oo naga fogeyn kara jaceylka Illaahey ee aan ku helnay Sayidkeena Ciise Masiix. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.