Rooma 6 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubAwooddii dembiga waa la burburiyay 1 Haddaba maxaan niraahnaa? Miyaan ku sii soconaa dembiga si nimcada Illaahey usii badato? 2 Maya lagama yaabo! Waayo waxaa na lagu xukumay dhimasho dembiga dartiis, haddaba sidee ayaan dembi ugu noolaaneynaa? 3 Mise miyeydan ogayn in kuweena lagu baabtiisay Ciise Masiix sidoo kalana lagu baabtiisay dhimashadiisi? 4 Waayo markii na la baabtiisay, waan dhimanay waxaana nalala aasay Masiixa. Sidii uu Ciise dhimashada uga soo sarakacay ammaanta Illaaha Aabaha ah ayaan inaguna hadda ugu noolaaneynaa nolol cusub. 5 Haddii aan Ciise baabtiiska kula wadaagnay dhimashadiisa, sidoo kalana waan la wadaageynaa sarakicidda si aan ula noolaanno isaga. 6 Waayo waan ognahay in nolosheeni hore Ciise lagula qodbay iskutallaabta, si jirkeena dembiga badan loo baabi’iyo, mar dambana aanan dembiga adoon ugu ahaanin. 7 Waayo markaan la dhimanay Masiixa ayaa naga xoreeyay awooddii dembiga. 8 Hadda haddii aan la dhimano Masiixa, waxaan aaminsanahay inaan la noolaan doono isaga. 9 Waan hubnaa in dembigu uusan Masiixa korkiisa awood ku lahayn. Wuu dhintay waana la soo sarakiciyay, isaga oo aan mar labaad dhimaneyn. 10 Markii uu Masiixa dhintay dembiga oo dhan ayuu hal mar u dhintay. Laakiin hadda wuxuu u nool yahay ammaanta Illaahey. 11 Sidaas si la mid ah, idinkuna isku tiriya inaad awoodda dembiga ka dhimateen. Laakiin Ciise Masiix ayaa nolol idin siiyay, waxaadna u nooshihiin Illaahey. 12 Sidaa darteed ha u ogolaanina dembigu inuu u taliyo jirkaaga aan dhimaneyn, oo aad adeecdid damacyadiisa xun xun. 13 Ha u ogolaanina qeyb jirkiina ka mid ah iney noqoto qalab shar ah oo u adeega dembiga. Laakiin si dhameystiran naftiina u siiya Illaahey, waayo waxaad ahaydeen kuwo dhintay, laakiin hadda waxaad hesheen nolol cusub. Haddaba u isticmaala jirkiina sidii qalab waxa xaqa ah loogu sameeyo ammaanta Illaahey. 14 Dembiga sayid idiin ma aha mar dambe, waayo sharciga kuma hoos jirtaan, laakiin waxaad ku hoos jirtaan nimcada Illaahey. Adoomada xaqnimada 15 Haddaba waxan oo dhan muxuu macnahoodu yahay? Miyuu macnahoodu yahay waxaan xor u nahay inaan dembaabno, waayo ma hoos joogno sharciga ee waxaan hoos joognaa nimcada Illaahey? Maya lagama yaabo! 16 Miyeydan ogayn inaad adoon u tihiin qofkii aad adeecdaan? Waxaad adoon u noqon kartaan dembiga kaasoo dhimasho dadka ku haga, ama waxaad noqon kartaan adoomo adeeca Illaahey waxaadna noqoneysaan xaq. 17 Waxaad adoon u ahaan jirteen dembiga. Laakiin waxaan Illaahey ugu mahadcelinayaa inaad qalbigiina ka adeecdeen waxbaridan idin siiyay oo dhan. 18 Hadda waxaad xor ka noqoteen dembiga waxaadna noqoteen adoomo Illaahey oo xaq ah. 19 Jirkiina daciifnimadiisa darteed ayaan u isticmaalayaa tusaalaha adoonnimada si aan idin kaga caawiyo inaad arimahan fahantaan. Horey wuxuu jirkiinu adoon ugu ahaa fikradihiina xun xun. Hadda waa inaad jirkiina u hibeysaan xaqnimada si aad quduus u noqotaan. 20 Markaad dembiga adoomada u ahaydeen, waxaad xor ka ahaydeen xukunka xaqnimada. 21 Haddaba waqtigaas maxaa faa’iido ah oo aad ka haysateen waxyaalaha aad hadda ka xishooneysaan? Kuwaasoo ey natiijadoodu tahay dhimasho! 22 Laakiin hadda oo aad xor ka noqoteen dembiga oo aadna noqoteen adoomadii Illaahey, waxey idin ka dhigeysaa quduus waxeyna idin ku hageysaa nolosha weligeed ah. 23 Waayo abaalgudka dembigu waa dhimasho, laakiin hadiyada Illaahey waa nolosha weligeed ah ee lagu helo Sayidkeena Ciise Masiix. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.