Rooma 4 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubIbraahim waxaa xaq looga dhigay iimaan 1 Haddaba Ibraahim wuxuu u hadlayay sida binu aadan caadi ah, kaasoo ah midka dadka Yuhuudda ka imaadeen. Haddaba muxuu ogaaday oo ku saabsan la heshiiska Illaahey? 2 Haddii uu Ibraahim xaq ku noqon lahaa shaqooyin uu sameeyay, wuxuu haysan lahaa wax uu ku faano. Laakiin Illaahey hortiisa kuma uusan faani karin. 3 Waayo qorniinku wuxuu na leeyahay, “Ibraahim wuxuu aaminay Illaahey, iimaankiisa dartiis ayaana xaq looga dhigay.” 4 Haddaba midka shaqeeya mushaharkiisu hadiyad ma aha, laakiin waa sida qan. 5 Laakiin Illaahey kuguma aqbalayo shaqo wanaagsan oo aad sameysay. Illaahey wuxuu dembiilayaasha xaq uga dhigaa iimaankooda oo kaliya. 6 Daa’uudna arintan wuu ka hadlay markii uu sharaxayay barakadii kuwa Illaahey xaqa ka dhigay iyagoo aan shaqeysan, 7 “Waxaa barakeysan kuwa caasinimadooda la cafiyay, dembiyadooduna la daboolay. 8 Waxaa barakeysan kuwa uusan Illaahey dembiyadooda u xisaabin.” 9 Haddaba barakadaan ma waxaa leh kuwa la guday oo kaliya mase sidoo kale dadka aan Yuhuudda ahaynna wey leeyihiin? Waxaan dhahnaa Ibraahim iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay. 10 Laakiin goormay arintaasi dhacday? Ma waxey ahayd markii la guday kadib mise intaan la gudin? Gudniinka kadib ma ahayn ee waxey ahayd gudniinka ka hor! 11 Wuxuu gudniinka ku helay calaamad, shaabadda xaqnimada taas oo u ku lahaa iimaan inta aan weli la gudin. Sidaa darteed waa aabaha dhamaan kuwa aaminay laakiin aan gudneyn, si ey xaqnimada u helaan. 12 Sidoo kale Ibraahim waa aabaha kuwa gudan oo ma aha kaliya iney gudanyihiin laakiin waa iney iimaan leeyihiin, sidii uu Ibraahim iimaanka u lahaa intaan la gudin ka hor. 13 Wey cadahay Illaahey inuu Ibraahim iyo farcankiisa ka ballan qaaday iney dhaxli doonaan aduunka oo dhan. Ballan qaadkan kuma imaan in Ibraahim adeecay sharci, laakiin Ibraahim iimaankiisa ayaa xaq ka dhigay. 14 Haddii Ibraahim iyo farcankiisa lagu siiyay ballankan sharci ey adeeceen dartiis, haddaba iimaanku muhiim ma aha ballan qaadkuna qiimo ma laha. 15 Waayo sharcigu wuxuu keenaa caro. Haddaba meel uu sharci ka jiro dembina wuu ka jiraa. 16 Sidaa darteed ballan qaadku wuxuu ku yimaadaa iimaan, waxaana na loo siiyay nimco ahaan. Ballan qaadkan ma laha Ibraahim farcankiisa ee sharciga haysta oo kaliya, laakiin sidoo kale waxaa leh kuwa leh iimaankii Ibraahim. Ibraahim waa aabaha kuwa iimaanka leh. 17 Sida kitaabku leeyahay, “Waxaan kaa dhigay aabaha dad badan.” Ballan qaadkan waxaa la siiyay Ibraahim waayo wuxuu rumeysnaa Illaaha soo nooleeya kuwa dhintay wax aan jirinna ka abuura waxyaalo cusub. 18 Xitaa markii uu rajo la’aanta ahaa, Ibraahim wuxuu aaminay inuu noqon doono aabaha quruumo badan. Waayo Illaahey ayaa ku yiri, “Farcankaagu sidan oo kale ayey u badan doonaan.” 19 Ibraahim iimaankiisuna weligiis ma daciifin. Wuxuu ku tagay xaqiiqdii jirkiisa oo ahaa sida meyd mar hadduu jiray boqol sano, minka Saarana sidoo kale meyd ahaa. 20 Laakiin Ibraahim weligiis kama shakinin su’aalna kama keenin ballanqaadka Illaahey. Iimaankiisuna wuu sii xooggeystay, ammaanta oo dhanna wuxuu siiyay Illaahey. 21 Wuxuu hubay in Illaahey awoodo inuu ballankiisa oofiyo. 22 Waana sababta loo yiri, “Iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay.” 23 Qoraalkan “Iimaankiisa dartiis ayaa xaq looga dhigay” Ibraahim oo kaliya looma qorin. 24 Sidoo kale anagana waa na loo qoray, waxayna noo xaqiijineysaa in Illaahey xaq naga dhigi doono haddii aan rumeyno, kan dhimashada kasoo sarakiciyay Sayidkeena Ciise. 25 Illaahey wuxuu Ciise dadka ugu gacangeliyay inuu dembiyadeena u dhinto, wuxuuna u soo sarakiciyay si uu xaq nooga dhigo. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.