Rooma 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubAaminnimada Illaahey 1 Haddaba maxey tahay faa’iidada ku jirta inaad ahaato Yuhuudi? Guditaankuna wax qiima ah ma leeyahay? 2 Haa, waxey leedahay faa’iidooyin waaweyn! Ugu horeyn, fariimaha Illaahey waxaa lagula aaminay Yuhuudda. 3 Waa run in qaarkood eysan aaminin fariintii Illaahey. Laakiin taasi miyey macnaheedu tahay inaan Illaahey la aamini karin, iimaan daridooda darteed? 4 Dabcan maya! Illaahey run ayuu sheegaa xitaa haddii dadka oo dhan been sheegaan. Sida qorniinka ku qoran, “Ereyadaada ayaa lagu cadeyn doonaa inaad tahay mid xaq ah markaad wax xukuntidna waad ku guuleysan doontaa.” 5 Laakiin haddii xaq daradeenu ey u keeneyso xaqnimada Illaahey si cad, haddaba maxaan dhihi karnaa? Ma qalad ayaa inuu Illaahey ahayn mid xaq ah markii uu caradiisa noo keeno? Arintan waa aragti binu aadan. 6 Laakiin jawaabtu waa maya! Haddii arintaas run tahay sidee ayuu Illaahey aduunka xaq ugu xukumi karaa? 7 Waxaa laga yaabaa inuu qof ku doodo, “Haddii ficiladeyda xun ey dadka tusayaan runta Illaahey korna u qaadayaan ammaantiisa, haddaba maxaa la iigu xukumayaa dembiile?” 8 Dadka qaarna wey nagu been abuurtaan iyagoo dhahaya waxaan niraahnaa, “Kaalaya aan xumaan sameynee si wanaag uga yimaado!” Laakiin Illaahey waa xaq wuuna xukumi doonaa iyaga. Qof xaq ah ma jiro 9 Haddaba miyaan kusoo gunaanadnaa in anagan Yuhuudda ah aan ka fiicannahay dadka kale? Maya, sidaas ma aha, waayo horay ayaan u sheegnay in dadka oo dhan Yuhuud iyo dadka aan Yuhuudda ahaynba ey ku hoos jiraan awoodda dembiga. 10 Sida uu qorniinku leeyahay, “Qof xaq ah ma jiro, xitaa hal qof. 11 Qof wax fahmaa ma jiro, qof Illaahey doondoonana ma jiro. 12 Dhamaan wey lumeen, waxeyna noqdeen qiimo la’aan. Qof wax wanaagsan sameeyaa ma jiro, xitaa hal qof.” 13 “Hungurigoodu waa xabaal furan, carrabkooduna khiyaano sameeyaa.” “Bishimahooda waxaa saaran sunta abeesada.” 14 “Afafkooda waxaa ka buuxa habaar iyo naceyb.” 15 “Cagahoodu waxey u ordaan iney dhiig daadiyaan, 16 meel walba waxey geeyaan burbur iyo hoog, 17 mana garanayaan sida nabad loogu noolaado.” 18 “Illaahey kama cabsadaan.” 19 Haddaba waxaan ognahay wax walboo sharcigu sheego, wuxuu u sheegaa kuwa sharciga ku hoos jira. Sharcigu wuxuu waxyaalahan u sheegaa si dadku eysan cududaar u helin, aduunka oo dhanna loo tuso iney dembiile Illaahey hortiisa ku yihiin. 20 Waayo qofna xaq kuma noqon karo sameynta wuxuu sharcigu amrayo. Sharcigu wuxuu na tusaa sida aan dembiile u nahay. Xaqnimada iimaanka lagu helo 21 Laakiin hadda wuxuu Illaahey na tusay wado aan xaq ku noqon karno inagoo aan sharciga marayn, sidii mar hore loogu marqaatifuray kitaabadii Muuse iyo nebiyada. 22 Illaahey wuxuu xaq nooga dhigay aaminaadaan aaminnay Ciise Masiix darteed. Farqina ma laha haddaad tahay Yuhuudi iyo haddii kale. 23 Waayo dadka oo dhan wey dembaabeen, weyna gaari waayeen ammaanta Illaahey. 24 Laakiin waxaa kuli xaq looga dhigay nimcada Illaahey taas oo ku timid furashada Ciise Masiix. 25 Waayo Illaahey wuxuu soo diray Ciise si uu noogu noqdo allabariga dembidhaafka. Dadka waxaa xaq laga dhigaa markey aaminaan in Ciise iyaga u bixiyay naftiisa isaga oo dhiigiisa daadiyay. Illaaheyna wuxuu sidan u sameeyay si uu u muujiyo xaqnimadiisa markii uu samray oo uusan ciqaabin kuwii horey u dembaabay. 26 Illaahey wuxuu sidoo kale sidan u sameeyay si uu u muujiyo inuu xaq yahay illaa waqtigan la joogo, xaqna ka dhigo qof walboo Ciise aamina. 27 Haddaba miyaan ku faani karnaa inaan sameynay wax aan xaq ku noqon karno? Maya, furashadeenu kuma xirna adeecitaanka sharciga, waxey ku xirantahay rumeysi. 28 Sidaa darteed waxaa xaq nalooga dhigay rumeysad dartiis ee ma aha inaan sharciga adeecnay. 29 Illaahey ma Illaaha Yuhuudda oo kaliyaa? Miyuusan sidoo kale ahayn Illaaha dadka aan Yuhuudda ahayn? Haa, wuu yahay Illaaha dadka aan Yuhuudda ahayn. 30 Hal Illaah oo kaliya ayaa jira, wuxuuna kuwa gudan xaq kaga dhigaa rumeysad, sidoo kale dadka aan Yuhuudda ahaynna isla iimaankaas. 31 Haddaba miyaan rumeysadka ku burinnaa sharciga? Maya lagama yaabo! Runtii markaan rumeysad heysano ayaan xooggeynaa sharciga. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.