Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Rooma 15 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Aan is dhiirigelino

1 Hadduu iimaankeenu adagyahay waa inaan u dul qaadanaa walaalaha uu iimaankoodu daciifka yahay. Waa inaan iyaga ka farxinaa intaan nafsadeena ka farxin laheyn.

2 Waa inaan wanaagooda ka fikirnaa, iskuna deynaa inaan ka caawinno waxa iimaankooda dhisaya.

3 Waayo Masiixu nafsadiisa kama farxin, sida kitaabka ku qoran, “Caayda la idin caaynayo aniga ayey igu dhaceysaa.”

4 Qorniinkana waxaa loo qoray inuu na dhiirigeliyo oo uu rajo na siiyo.

5 Illaaha bixiya dulqaadka iyo dhiiranaanta. Ha idin siiyo isla dabeecaddii maanka aan iskula dhaqantaan siduu Ciise Masiixi lahaa.

6 Si aad idinkoo dhan si wadajir ah hal cod ugu ammaantaan Illaaha iyo Aabaha Sayidkeena Ciise Masiix.

7 Illaahey ku ammaana inaad isku aqbashaan siduu Masiixu idiin aqbalay.

8 Waayo waxaan idiin sheegayaa in Masiixu noqday adeegaha Yuhuudda, runta Illaah darteed. Si uu u tuso in Illaahey dhabeeyay ballantii uu ka qaaday awoowayaashood,

9 iyo si kuwa aan Yuhuudda ahayn Illaah naxariistiisa ugu ammaanaan. Sida kitaabka ku qoran, “Waxaan kugu dhex ammaani doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn, magacaagana waan u gabyi doonaa.”

10 Sidoo kale kitaabku wuxuu leeyahay, “Dadka aan Yuhuudda ahaynow la farxa dadkeyga.”

11 Sidoo kale wuxuu leeyahay, “Dadka aan Yuhuudda ahaynow Illaahey ammaana, dadkoo dhanow isaga ammaana.”

12 Sidoo kale nebi Isayos wuxuu yiri, “Waxaa imaan doona mid ka tirsan farcankii Yesay, kaasoo u imaan doona inuu xukumo dadka aan Yuhuudda ahayn, rajadooda ayeyna saaran doonaan.”

13 Waxaan Illaaha rajada bixiya ka baryayaa, inuu idinku barakeeyo farxad dhameystiran iyo nabad iimaankiina dartiis. Waxaan kaloo Illaahey ka baryayaa in awoodda Ruuxa Quduuska ah idin ka buuxiyo rajo.


Bawlos oo adeege u ah dadka aan Yuhuudda ahayn

14 Walaalayaalow, waan hubaa inaad aad u wanaagsantihiin oo aadna leedihiin aqoonta aad wax isku bartaan.

15 Laakiin waxaan idin kula hadlay si cad waxaanna isku dayay inaan waxyaalaha qaar idin xasuusiyo. Waayo Illaahey aad ayuu iigu nimceeyay!

16 Wuxuuna ii doortay inaan noqdo adeegaha Ciise Masiix kaasoo ii diray kuwa aan Yuhuudda ahayn, iigana dhigay wadaad shaqadiisu tahay inuu warka wanaagsan wacdiyo. Wuxuuna sidaas u sameeyay in Ruuxa Quduuska ah ka dhigo dadka aan Yuhuudda ahayn allabari Quduus ah oo Illaahey ka farxiya.

17 Sidaa darteed waxaan ku faraxsanahay shaqada aan Illaahey u hayo oo uu Ciise Masiix iga dhex qabanayo.

18 Xaqiiqdii waxa aan ka hadlayo oo dhan waa sida Masiixu iigu ogolaaday inaan hadlo oo aan shaqeeyo, si dadka aan Yuhuudda ahayn isaga u adeecaan.

19 Waxey ku qanceen awoodda mucjisooyinka waaweyn iyo yaababka, waxey kaloo ku qanceen awoodda Ruuxa Illaahey. Oo sidaas ayaan ugu soo bandhigay warka wanaagsan ee Masiixa Yeruusaalem illaa Illurikon.

20 Laakiin waxaan mar walba isku dayi jiray inaan injiilka ka wacdiyo meel aan Masiixa horey looga maqlin. Waxaanna ahay sida mid wax dhisa oo aanan qof kale aasaaskiis wax ka dul dhisin.

21 Sida uu kitaabku leeyahay, “Kuwii aan horey loogu sheegin wey arki doonaan isaga, kuwii aan horey u maqlinna wey fahmi doonaan.”

22 Tani waa sababta aan idiin kaga soo daahay waayo waxaan ka wacdinayay meelo kale.


Booqashadii Bawlos ee Rooma

23 Laakiin hadda inkastoo eysan harin meela kale oo deegaankaan ka mid ah oo aan ka wacdiyo, oo aan sanado badan jeclaa inaan idin soo booqdo.

24 Waxaan qorsheynayaa inaan sidaas sameeyo markaan Isbaanya u socdo. Waxaan rajeynayaa inaan idin arko intaan dhex maraayo Isbaanya si aad iigu caawisaan safarkeyga, markaan mudo ku raaxeysto wehelnimadiina kadib.

25 Laakiin hadda waxaan u socdaa Yeruusaalem si aan ugu adeego dadka Rabbiga ee halkaas jooga.

26 Waayo walaalaha jooga Makedoniya iyo Akhaya ayaa wax u soo ururiyay walaalaha baahan ee jooga Yeruusaalem.

27 Wey ku faraxsanaayeen iney sidaas sameeyeen, dhab ahaantiina wey ku waajibtay. Waayo haddii dadka aan Yuhuudda ahayn ey la wadaageen Yuhuudda barakada ruuxiga ah, iyaguna waxaa ku waajibtay iney Yuhuudda la wadaagaan barakada maadiga ah.

28 Haddaba markaan hadiyadaan Yeruusaalem geeyo, oo aan hubiyo iney heleen tabarwac, kadib ayaan Isbaanya aadi doonaa oon aan idin soo booqan doonaa.

29 Waan ogahay markaan idiin imaado Masiixu inuu barakeyn doono kulankeena.

30 Walaalaheyga qaaliga ahow waxaan awoodda Sayid Ciise Masiix iyo jaceylka Ruuxa idin ku weydiisanayaa inaad Illaahey ii baridaan.

31 Iigu soo duceya inaan ka badbaado kuwa aan rumeysadka lahayn ee Yahuudiya jooga iyo qaaraanka aan u wado Yeruusaalem iney si wanaagsan u aqbalaan Rabbiga dadkiisa ee halkaas jooga.

32 Kadibna Illaahey idinkiis aniga oo faraxsan ayaan idiin imaan doonaa waanna is dhiirigelin doonnaa.

33 Illaaha nabadda ha idin la jiro kuligiin. Aamiin.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan