Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Rooma 13 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Xaakimada oo la adeeco

1 Qof kasto ha adeeca maamulka xukuma. Waayo ma jiro awood aan ahayn tan uu Illaahey aasaasay. Awood kasta oo jirta waa inuu Illaahey aasaasay.

2 Dadka ka hor yimaada xaakimyadooda waxey ka hor yimaadeen qorshaha Illaahey, waana la ciqaabi doonaa.

3 Dadka wanaagsan kama cabsadaan xaakimyada ee kuwa xumaanta wada ayaa ka cabsada xaakimyada. Waxa wanaagsan samee waadna ka amaan heleysaa xaakimyada.

4 Waayo xaakimyadu waa Illaahey adeegayaashiisa, waxaana loo soo diray wanaagaaga. Laakiin haddaad qalad sameyneysid waad cabsaneysaa, waayo waxey awood u leeyihiin iney ku ciqaabaan. Xaakimyadu waa adeegayaashii Illaahey waxaana loo soo diray iney ciqaabaan kuwa waxa xun sameeya.

5 Haddaba waa waajib in aad iyaga adeecdid, mana aha inaad ciqaab ka badbaadid oo kaliya laakiin inuu damiirkaagu nadiif ahaado.

6 Sidoo kale canshuurta bixi, waayo shaqaalaha dowladu waxey u baahanyihiin mushahar, shaqada ey hayaanna waxey ugu adeegayaan Illaahey.

7 Wax walboo lagugu leeyahay iska bixi, bixi canshuurta iyo waxyaalaha ey dowladu kaa rabto, xushmad iyo qadarinna sii kuwa ku xukuma.


Jaceylka ayaa ka dhabeeya sharciga

8 Jaceylku ha noqdo deynta kaliya ee la idin ku leeyahay! Hadduu qaarkiin qaarka kale jecel yahay waxaad sameyseen wax walboo sharcigu idin ka rabay.

9 Sharcigu wuxuu leeyahay amarro badan sida, “Gogol dhaaf ha sameynin. Ha dilin. Ha xadin. Dadka kale waxooda ha damcin.” Laakiin intan oo dhan waxey kusoo urureen amarka dhahaya, “Dadka kale u jeclow sidaad naftaada u jeceshahay.”

10 Qofku hadduu dadka jecel yahay ma dhibaateynayo. Sidaa darteed jaceylku waa waxa kaliya ee uu sharcigu kaa rabo.


Maalinta Masiixu soo laabanayo

11 Sidaasna sameeya idinkoo og in saacaddu dhowdahay. Hadda waa waqtigii hurdada laga kici lahaa, badbaadadeenuna haddey ka dhowdahay maalintii aan Rabbiga aaminnay.

12 Habeenku wuu dhamaan rabaa, mar dhowna maalintii ayaa bilaabaneysa. Waa inaan joojinaa dhaqanka sida dadka mugdiga ku jira, ee gashanaa hubka dhalaalaya ee nolosha saxda ah.

13 Haddaba waa inaan u dhaqannaa sida ey dadka iftiinka joogaa u dhaqmaan. Ha aadina meelaha ey dadka xun xun iskugu yimaadaan cabtoyna ha noqonina, yeydaan noqon ciyaal suuq iyo kuwo sineysta. Hana noqonina kuwa qilaaf iyo maseyr leh

14 Beddelkii isku dabool Ciise Masiixna. Hana ka fikirina sidaad u qancin laheyd damaca jirka.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan