Rooma 12 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubQurbaanka nool 1 Sidaa daraadeed, walaalayaal waxaan idin ka baryayaa, idinka oo eegaaya naxariista Illaahey, jirkiina u bixiya qurbaan nool, quduus ah oo ka farxinaaya Illaahey, tani waa runta iyo cibaadadiina saxda ah. 2 Ha raacina dabeecadaha iyo dhaqamada aduunka, laakiin u ogolaada inuu Illaahey fikirkiina beddelo si uu dad cusub idiin kaga dhigo. Markaas ayaad ogaan doontaan wuxuu Illaahey idin la rabo, taas oo ah wax wanaagsan oo dhameystiran. Sida dabacsan ee loogu shaqeeyo jirka Masiixa 3 Nimcada Illaahey i siiyay aniga oo isticmaalaya, ayaan mid walboo idin ka mid ah uga digayaa in uusan u maleyn in qiimahiisu intan ka badan yahay. Daacad ahaada oo naftiina ku qiyaasa iimaanka Illaahey idin siiyay. 4 Sida jirku uga kooban yahay qeybo badan qeyb walbana ey u leedahay shaqo u gaar ah. 5 Sidaas oo kale ayaan anaguna ku nahay jirka Masiixa, qeybo kala duwan oo hal jir isku ah. 6 Illaahey nimcadiisi wuxuu nagu siiyay hadiyaddo kala duwan oo aan ku sameyno waxyaalo kala duwan. Haddaba hadduu Illaahey ku siiyay hadiyada wax sii sheega, wax sii sheeg intuu iimaankaagu gaaro. 7 Hadiyadaadu hadday tahay inaad kuwa kale u adeegtid, si wanaagsan ugu adeeg. Hadiyadaadu hadday tahay inaad wax barto, si fiican wax u bar. 8 Haddii ey tahay dhiirigelin, haddaba dhiirigeliya, haddii ey tahay siismo, haddaba deeqsinimo ku bixiya, haddii ey tahay hogaamin, hawlkarnimo ku sameey, haddii ey tahay inaad naxariisataan, sameeya idinka oo faraxsan. Jaceylka oo ficil lagu muujiyo 9 Ha iska dhigina inaad dadka jeceshihiin ee si dhaba u jeclaada. Waxa qaldan naca, waxa wanaagsanna jeclaada. 10 Midkiin midka kale ha u jeclaado sida walaashiis iyo walaalkiis, kuwa kalana sharfa intaad naftiina sharaftaan in ka badan. 11 Weligiin xamaasad la’aan ha ahaanin. Si dhiiranaan ku jirto Ruuxa Quduuska ah ugu hogaansanaada Rabbigana u adeega. 12 Rajadiinu farxad ha idin siiso. Dulqaata waqtiga dhibaatada ducadana ha joojinina. 13 La wadaaga dadka Illaahey ee baahan, qariibkana guryihiina kusoo dhaweeya. 14 Illaahey weydiiya inuu barakeeyo kuwa idin xumeeya, oo weydiiya inuu barakeeyo oo uusan inkaarin. 15 Markey dadka kale faraxsanyihiin la farxa, markey murugeysanyihiinna la murugooda. 16 Nabad ku wada noolaada. Ha isla weynaanin si rabitaan ku jiro kula xiriira dadka hooseeya. Ha kibrina. 17 Si xun ha ula dhaqmina kuwa sida xun idin kula dhaqma. Laakiin isku daya iney dadku idin xushmeeyaan, 18 iskuna daya inaad qof walba nabad kula noolaataan. 19 Saaxiibayaalow, ha aarsanina, u daaya Illaahey ha idiin aargudee. Waayo Illaahey wuxuu kitaabka ku leeyahay, “Waa aniga kan idiin aargooya oo idiin abaalguda.” 20 Sidoo kale kitaabku wuxuu leeyahay, “Cadowgaagu hadduu gaajeysanyahay, wuxuu cuno sii, hadduu haraadsanyahayna, wuxuu cabo sii. Markaad sidaas sameysid waxey ula mid tahay adiga oo madaxooda dhimbil dhuxul ah ku hurinaya.” 21 Ha u ogolaanina iney sharta idin ka adkaato, laakiin sharta wanaag kaga adkaada. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.