Rooma 11 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubIllaahey oo u naxariistay reer binu Israa’iil 1 Haddaba waxaan idin weydiinayaa, Illaahey miyuu diiday dadkiisa? Maya lagama yaabo! Aniguba waxaan ahay Israa’iili, farcankii Ibraahim, waxaanna kasoo jeedaa qabiilka Benyaamiin. 2 Illaahey ma diidin dadkiisa kuwaasoo uu bilowgii doortay. Miyeydan ogayn waxa qorniinku ka leeyahay markii uu Eliyaas Illaahey uga dacwooday reer binu Israa’iil isaga oo leh, 3 “Rabbiyow waxey dileen nebiyadaadi waxeyna burburiyeen meelihii allabariga. Waxaanna ahay qofka kaliya ee haray, waxeyna isku dayayaan iney i dilaan.” 4 Laakiin Illaahey wuxuu Eliyaas ugu jawaabay, “Waxaan weli haystaa toddoba kun oo kale oo aan weligood u sujuudin Bacal.” 5 Maantana waa sidoo kale, waayo weli waxaa haray wax yar oo reer binu Israa’iil ka mid ah oo uu Illaahey nimcadiisa ku doortay. 6 Haddaba haddey tahay nimcada Illaahey, kuma dhisna shaqo wanaagsan oo ey qabteen. Waayo haddii Illaahey dadka ku dooran lahaa camalladooda, nimcadiisu nimco dhab ah ma ahaan lahayn. 7 Haddaba wixii ey dadka reer binu Israa’iil sida dhabta ah u raadinayeen ma eysan helin. Waxaana helay in yar oo uu Illaahey doortay, inta soo harteyna Illaahey qalbigooda ayuu adkeeyay. 8 Kitaabka waxaa ku qoran, “Illaahey wuxuu siiyay ruux hurudda, caqli aan wax fahmin, indho aan wax arkin iyo dhaggo aan wax maqlin, illaa maantadan la joogo.” 9 Daa’uudna wuxuu yiri, “Miisaskoodu ha noqdaan dabin iyo wax dabra, hana turunturoodaan oo ha la ciqaabo. 10 Indhahooda ha madoobaadaan si eysan wax u arkin, dhabarkooduna weligiis ha qaloocnaado.” Dadka aan Yuhuudda ahayn waa la badbaadin doonaa 11 Waxaan kale oo idin weydiinayaa, dadka reer binu Israa’iil miyey u dhaceen si eysan weligood kor ugu soo kicin? Maya! Dembigooda dartiis badbaadadu waxey u timid dadka aan Yuhuudda ahayn si ey reer binu Israa’iil u maseyraan. 12 Haddaba haddii dembaabida Yuhuudda ey aduunka u keentay barako, ruux yaridoodana ey dadka aan Yuhuudda ahayn u keentay barako. Haddaba intee ka badan oo barako ah ayey keeneysaa markey Yuhuudda oo dhan Illaahey u laabtaan! 13 Idinkan aan Yuhuudda ahayn ayaan la hadlayaa. Illaahey wuxuu rasuul iiga dhigay dadka aan Yuhuudda ahayn, shaqadeydana waan ku faanayaa. 14 Waxaanna rajeynayaa in qaar dadkeyga ka mid ah iney maseyraan oo ey badbaadaan. 15 Waayo haddii diidmadooda ey keentay dib u heshiisiinta aduunka, ogolaanshahooduna wuu ka sii wanaagsan yahay. Wuxuu nolol u noqon doonaa kuwa dhintay! 16 Haddii inta ugu horeysa ee burka uu quduus yahay burkoo dhanna waa quduus, xididku hadduu yahay quduus laantuna waa quduus. 17 Qaar ka mid ah laamaha geedka saytuunka ayaa la jabiyay, laan saytuun duureed ah ayaana lagu talaalay. Idinkan aan Yuhuudda ahayn waa sida xididka geed saytuun, haddana waxaad qaar ka mid ah Yuhuudda la wadaagtaan nolol awood badan oo ruuxiyan ah. 18 Haddaba ha iska weyneysiinina kuwii sida laamaha loo jaray. Sidee ayaad isku weyneysiin kartaa? Waxaa tahay laan, ma sidid xididka ee xididka ayaa ku sida. 19 Haddaba waxaad dhihi doontaa, “Laamaha waxaa loo jaray si aniga laygu dhex talaalo.” 20 Waa run, laakiin waxaa loo jaray iimaan la’aantooda, adigana iimaankaaga ayaa meesha lagugu talaalay. Haddaba ha isla weynaanin ee ka fikir waxa kugu dhici kara. 21 Waayo haddii uusan Illaahey u naxariisan laamihii dabiiciga ahaa adigana kuu naxariisan maayo. 22 Ogaada sida uu Illaahey u yahay mid naxariis badan ayey ciqaabtiisuna u adagtahay. Waxey ciqaabtiisu ku adagtahay kuwa caasiya, laakiin wuu idiin naxariistaa haddaad naxariistiisa ku xirnaataan. Laakiin haddaad naxariistiisa ku xirnaan weysaan wuu idin jari doonaa. 23 Haddii ey reer binu Israa’iil iimaan la’aantooda ka toobadkeenaan, dib ayaa geedka loogu talaali doonaa, waayo Illaahey wuxuu leeyahay awoodda uu dib geedka ugu talaalo iyaga. 24 Idinkan aan Yuhuudda ahayn waxaa tihiin laantii saytuun duureedka ahayd ee lagu beeray geedkii saytuunka ahaa. Yuhuudduna waa laantii saytuunka ahayd ee jabtay weyna kasii fududahay in booskeedi dib loogu talaalo. Dadka reer binu Israa’iil waa la badbaadin doonaa 25 Walaalayaalow waxaan rabaa inaad arintan fahantaan si eydan isku weyneysiin. Haddaba dadka reer binu Israa’iil wey qalbi adkaadeen, qalbi adeegooduna wuxuu dhamaan doonaa marka dadka aan Yuhuudda ahayn oo dhan Masiixa u yimaadaan. 26 Sidaas ayeyna reer binu Israa’iil oo dhan ku badbaadi doonaan. Sida kitaabku leeyahay, “Badbaadiyuhu wuxuu ka imaan doonaa Siyoon wuxuuna caruurta Yacquub kasoo jeedin doonaa sharta. 27 Waxaanna la gali doonaa axdigan markaan dembiyadooda tirtiro.” 28 Qaar badan oo dadka reer binu Israa’iil ka mid ah hadda cadow ayey ku yihiin warka wanaagsan, taasina idinkan aan Yuhuudda ahayn ayey dan idin kugu jirtaa. Laakiin weli iyagu waa dadka Illaahey jecel yahay waayo wuxuu horey u doortay awoowayaashood Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub. 29 Waayo Illaahey ma ceshado hadiyaduu bixiyo mana ilaawo ciduu doorto. 30 Waxaa jirtay mar idinkan aan Yuhuudda ahayn aad Illaahey caasi ku ahaydeen, laakiin markey dadka reer binu Israa’iil caasiyeen Illaahey idinka ayuu idiin naxariistay. 31 Hadda iyaguna wey caasiyeen, naxariista Illaaheyna idinka ayey idiin timid si iyaguna ey naxariista Illaahey wax uga helaan. 32 Waayo Illaahey wuxuu qof walba mariyay waqti caasinimo si uu dhamaantood ugu naxariisto. Ammaanta Illaahey 33 Aad ayey u weyn tahay hodantinimada, xigmadda iyo aqoonta Illaahey! Wey nagu adagtahay inaan ogaano xukunkiisa, iyo jidadkiisa aan la raadin karin! 34 “Yaa ogaaday fikrada Rabbiga? Yaana lataliyayaashiisa ka mid noqday?” 35 “Yaa weligiis Illaahey wax deymiyay, oo raba in Illaahey deyntiisi dib ugu celiyo?” 36 Waayo wax walba xaggiisey ka yimaadaan, awoodiisa ayeyna ku yihiin, ammaantiiseyna ku yihiin. Ammaan oo dhanna isaga ayey weligiis u sugnaatay! Aamiin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.