Rooma 10 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Walaalayaalow, qalbigeyga wuxuu rabaa inaan Illaah u baryo reer binu Israa’iil iney badbaadaan. 2 Waayo waan u marqaatifuri karaa iney Illaahey u qiireysanyihiin, laakiin qiiradoodu aqoon kuma dhisna. 3 Ma garanayaan siduu Illaahey dadka xaq uga dhigo. Waxeyna isku dayeen iney xaqnimadooda sameystaan, weyna diideen iney u hogaansamaan wadada Illaahey dadka xaq uga dhigo. 4 Waayo Masiixa ayaa sharciga dhabeeyay, mid walboo isaga aaminana xaq ayaa laga dhigay. 5 Muuse wuxuu qoray wax ku saabsan xaqnimada oo sharciga lagu helayo, “Taas oo ah qofkii waxyaalahan sameeya, sharciga ayuu ku noolaan doonaa.” 6 Laakiin xaqnimada iimaanka ku timaadaa waxey leedahay, “Qalbiga ha iska dhihin, ‘Yaa samada aadaya si uu Masiixa u soo dejiyo?’ ” 7 “Sidoo kalana ha dhihina, ‘Yaa boholaha dhulka hoostiisa ah aadaya si uu Masiixa dhimashada uga soo sarakiciyo?’ ” 8 Laakiin waxey leedahay, “Ereyga Illaahey wuu kuu dhowyahay wuxuu ku jiraa afkaaga iyo qalbigaaga.” Waana fariinta iimaanka ah ee aan wacdineyno. 9 Haddaad afkaaga ka tiraahdo, “Ciise waa Sayidka,” qalbigaagana ka aaminto inuu Illaahey dhimashada ka sarakiciyay, waad badbaadi doontaa. 10 Waayo waxaad ka rumeysateen qalbigiina oo xaq ku noqoteen, afkiina ayaad ka qirateen iimaankiina oo aad ku badbaadeen. 11 Qorniinkuna wuxuu leeyahay, “Qof walboo isaga aaminaa ma ceeboobi doono.” 12 Waayo farqi uma dhaxeeyo Yuhuudda iyo dadka aan Yuhuudda ahayn. Illaahey waa Sayidka dadka oo dhan si weyn ayuuna u barakeeyaa qof walboo caawimaad weydiista. 13 Waayo, “Qof walboo Rabbiga caawimaad weydiista wuu badbaadi doonaa.” 14 Haddaba sidee ayey caawimaad u weydiisan karaan Illaaha eysan aaminsaneyn? Oo sidee ayey u aamini karaan Illaaha eysan wax isaga ku saabsan maqlin? Oo sidee ayey wax isaga ku saabsan u maqli karaan iyagoo uusan qofna u wacdinin? 15 Sidee ayuuse qof ugu wacdin karaa isagoon la dirin? Kitaabku waxaa ku qoran, “Qurux badanaa cagaha kuwa warka wanaagsan dadka u keena!” 16 Laakiin reer binu Israa’iil oo dhan ma aqbalin warka wanaagsan. Waayo Isayos wuxuu yiri, “Rabbiyow yaa fariinteena aaminay?” 17 Sidaa darteed iimaanku wuxuu ku yimaadaa maqlid la maqlo warka wanaagsan ee ku saabsan Masiixa. 18 Laakiin waxaan idin weydiinayaa, ma eysan maqlin miyaa? Haa wey maqleen, “Codkoodu wuxuu gaaray dhulka oo dhan, ereyadooduna waxey gaareen dhamaadka aduunka.” 19 Waxaan mar labaad idin weydiinayaa, reer binu Israa’iil fariinta ma fahmin miyaa? Haa wey fahmeen, waayo waqtigii Muuse Illaahey wuxuu yiri, “Waxaan idin kaga maseyrsiin doonaa kuwo aan qowmiyad ahayn, Waxaanna idin kaga careysiin doonaa qowmiyad aan waxba garaneyn.” 20 Kadibna Isayos ayaan si aan cabsi ku jirin u sheegay in Illaahey yiri, “Waxaa i helay kuwa aan i raadineyn. Waxaanna isku muujiyay kuwo aan i weydiisan inaan isku muujiyo.” 21 Laakiin arinta ku saabsan reer binu Israa’iil wuxuu ka yiri, “Maalintii oo dhan waxaan gacmaheyga u soo fidiyaa dad caasi ah oo muran badan.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.