Rooma 1 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Waxaa warqaddan qoraya Bawlos oo ah adeegihii Ciise Masiix, Illaaheyna u doortay inuu rasuul noqdo, loona diray inuu wacdiyo warka wanaagsan. 2 Illaahey warkan wanaagsan waqti hore ayuu ballanqaaday sida ey nebiyadiisu ku sheegeen qorniinka Quduuska ah. 3 Warkaas wanaagsan oo ku saabsan wiilkiisa, kaasoo xagga jirka ahaa farcankii Daa’uud. 4 Laakiin Ruuxa Quduuska ah ayaa cadeeyay inuu yahay Wiilka Illaahey ee awoodda leh markii uu kasoo sarakacay dhimashada, waana Sayidkeena Ciise Masiix. 5 Dartiis ayaan ku helnay nimcada iyo shaqada rasuulnimo aan dadka aan Yuhuudda ahayn ugu yeerno adeecidda ku timaada iimaanka magaciisa dartiis. 6 Idinkuna waxaad ka mid tihiin dadkaas aan Yuhuudda ahayn kuwaasoo loogu yeeray inuu doortay Ciise Masiix. 7 Waan idin salaamay dhamaan kuwa Rooma degan ee uu Illaahey jecel yahay uuna ugu yeeray dadkiisa quduuska ah. Waxaan Illaaha Aabaheen ah iyo Sayid Ciise Masiix ka baryayaa inuu idin siiyo nimco iyo nabad. Bawlos oo aad u rabay inuu booqdo Rooma 8 Ugu horeyn waxaan magaca Ciise Masiix Illaahey ugu mahadcelinayaa idinka dartiin, sababtoo ah iimaankiina waxaa laga ogaaday aduunka oo dhan. 9 Illaaha aan ruuxdeyda ugu adeego si ey u faafiso warka wanaagsan ee Wiilkiisa, ayaa marqaati iiga ah sida aan mar walba ducada idin kugu xasuusto. 10 Mar walbana waxaan Illaahey ka baryaa iney ii suurto gasho inaan idin soo booqdo. 11 Waxaan u xiisa qaaba inaan idin arko oo aan idin la wadaago hadiyadaan mid la mid ah taas oo uu Illaahey Ruuxiisa i siiyay. Kadib iimaankiinu wuu xoogeysanayaa. 12 Waxaan idin ku leeyahay waa inaan isku dhiirigelinaa iimaankeena. 13 Walaalayaalow, waxaan rabaa inaad ogaataan inaan wax badan qorshaynayay inaan idin soo booqdo. Laakiin mar walba wax ayaa iga celinayay inaan sameeyo. Waxaan rabaa inaan ku guuleysto inaan idin ka dhex helo xer badan oo raacsan Masiixa, sidii aan uga dhex helay dadka aan Yuhuudda ahayn ee meelaha kale jooga. 14 Waxaa igu waajib ah inaan u wacdiyo Gariigga iyo kuwa aan Gariigga ahayn, kuwa caqliga leh iyo kuwa doqomada ah. 15 Waa sababta aan ugu dhiiranahay inaan idiin wacdiyo warka wanaagsan kuwiina jooga Rooma. 16 Kumana dareemayo ceeb warka wanaagsan, sababtoo ah waa awoodda Illaahey ee keenta badbaadada uu helo qof walboo aaminsan, ugu horayn Yuhuudda kadibna dadka aan Yuhuudda ahayn. 17 Waayo warka wanaagsan ayaa lagu muujiyay xaqnimada Illaahey, xaqnimadaas oo ah iimaan bilowgii illaa dhamaadkii, sida uu qorniinku inoo sheegayo, “Kuwa xaqa ah waxey ku noolaan doonaan iimaan.” Illaahey wuu u careysanyahay dembiilayaasha 18 Carada Illaahey ayaa samada laga muujiyay iyadoo ku socota sharta iyo waxyaalaha xumaanta ah oo ey dadka dembiilayaasha ah sameeyaan, si ey u qariyaan runta. 19 Waayo wey garanayaan runta Illaahey, sababtoo ah Illaahey ayaa u cadeeyay. 20 Illaahey awooddiisa weligeed ah iyo dabeecadiisa lama arki karo. Laakiin illaa bilowgii dunida la abuuray, Illaahey awooddiisa iyo dabeecadiisa rabaaniga ah waxaa laga dhex arki karaa waxyaalaha uu sameeyay, taasina waa sababta eysan dadku cudur daar u lahayn. 21 Waayo Illaahey wey garanayaan, laakiin ma ammaanaan mana u mahadceliyaan. Waxey ku fikiraan wax aan qiimo lahayn qalbiyadooda aan garashada lahaynna wey madoobaadeen. 22 Inkastoo ey isku sheegaan kuwo caqli leh laakiin waa doqomo. 23 Ammaanta Illaahey ee weligeed ah ayey ku beddeleen sanamyo loo ekeysiiyay binu aadan aan waareyn, shimbirro, xayawaan iyo xamaarato. 24 Haddaba Illaahey wuxuu u ogolaaday iney damacooda raacaan. Wax walboo ey rabeen ayey sameeyeen, fikradahoodi xumaana waxey ku kalifeen iney waxyaalo xun midkood midka kale jirkiisa ku sameeyo. 25 Runta Illaahey ayey been ku badasheen, waxeyna caabudeen waxyaalo uu Illaahey abuuray intey Illaahey caabudi lahaayeen. Kaasoo weligiis ammaanan. Aamiin. 26 Sidaa darteed Illaahey wuxuu u ogolaaday iney damacooda xun raacaan. Xitaa dumarkoodu waxey galmadii dabiiciga ahayd ku beddesheen mid aan dabiici aheyn. 27 Sidoo kalana nimankii waxey ka tageen galmadii dabiiciga ahayd ee dumarka waxeyna damac xoog leh u qaadeen niman kale. Waxey isku sameeyeen ficilo ceeb ah, waxa ku dhacayna waa ciqaabtii ficiladoodi doqonnimada ahaa. 28 Haddaba markey u maleeyeen in eysan qiimo laheyn in Illaahey laga fikiro, ayuu Illaahey u ogolaaday in caqligooda aan garashada laheyn uu maamulo. Waana sababta ey u sameeyaan waxyaalo aan loo baahneyn in la sameeyo. 29 Waxaa ka buuxsamay shar oo dhan, xumaan, hunguri weyni iyo naceyb. Waxey rabaan waxyaalaha ey dadka kale heystaan, wax ayey dilaan, wey dood badan yihiin, wax ayey khiyaanaan in lala macaamilana wey adagtahay. 30 Wax ayey xantaan, wax xun ayey dadka ka sheegaan, Illaaheyna wey neceb yihiin, waa dad rabshad badan oo isla weyn, wey madax adagyihiin oo wey faanaan. Waxey ka fikiraan wado cusub oo ey xumaan ku sameeyaan dadkani waalidkood ma ixtiraamaan. 31 Wax ma fahmaan, la iskuma haleyn karo, jaceyl iyo naxariisna ma lahan. 32 Inkastoo ey garanayaan qeynuunka xaqa ah ee Illaaha kuwa waxyaalahaas sameeya waxey mudanyihiin dhimasho. Ma sameeyaan oo kaliya waxyaalahaas laakiin waxey ansaxiyeen kuwa ku dhaqma. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.