Muujintii 9 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub1 Kadibna malagii shanaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaanna arkay xiddigtii cirka kasoo dhacday oo dhulka ku dhacday. Xiddigtaas waxaa la siiyay furaha bohosha. 2 Markii uu furay bohoshii, waxaana kasoo baxay qiiq u eg qiiq ka imaanaya dab weyn. Qoraxda iyo cirkaba qiiqaas ka yimid bohosha ayaa modow ka dhigay. 3 Kadibna qiiqii waxaa kasoo dhex baxay anyax oo dhulka ku degtay, iyagana waxaa la siiyay awood ey wax ugu qaniinaan sida dibqallooca. 4 Waxaa lagu yiri ha wax yeelina cawska dhulka, dhirta ama geedaha, laakiin ciqaaba kuwa aan shaabadda Illaahey wejigooda ku lahayn. 5 Loomana ogolayn iney dilaan laakiin iney dhibaateeyaan muddo shan bilood kaliya ayaa loo ogolaaday. Waxeyna dareemi doonaan xanuun sida qaniinyada dibqallooca oo kale markii uu qaniino. 6 Maalmahaas dadku waxey raadin doonaan dhimasho laakiin ma heli doonaan. Waxey jeclaan lahaayeen iney dhintaan laakiin dhimashadu wey ka carari doontaa. 7 Anyaxu wuxuu u egyahay sida faras diyaar u ah dagaal. Madaxyadooduna waxey ku wateen wax u eg sida taaj dahab ah, wejigooduna wuxuu u qaab ekaa kan binu aadanka. 8 Timahoodu waa sida timaha dumarka, ilkahooduna waa sida ilkaha libaaxa. 9 Waxey xirnaayeen laabdhawr sida laabdhawrka birta ah oo kale, dhawaaqa baalashooduna waa sida sawaxanka farasyo badan oo dagaal u socda iyagoo gaari faraskooda wata. 10 Waxey lahaayeen seyn ey wax ugu qaniinaan sida dibqalloocyada, shan biloodna waxey lahaayeen awood ey dadka ku silciyaan. 11 Boqorkoodi wuxuu ahaa malag ka yimid bohosha, af Cibraaniga magaciisu waa Abaddoon, af Gariigana waa Abolyoon. Taas oo macnaheedu yahay Burburiyaha. 12 Hoogga koowaad wuu dhaafay, laba kale ayaana soo socota. 13 Malagii lixaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaanna maqlay cod ka imaanaya afarta gees ee meesha allabariga oo ah dahab taas oo Illaahey hortiisa ku taalo. 14 Codkiina wuxuu malagii buunka hayay ku yiri, “Soo daa afarta malaa’ig ee ku xiran webiga weyn ee Yufraad.” 15 Kadibna afartii malaa’ig ee loo diyaariyay waqtigan iyo maalintan iyo bishaan iyo sanadkaan waa la soo daayay si ey u dilaan dadka saddex meelood meel. 16 Waxaan maqlay tirada ciidankooda ee fardooleyda ah iney yihiin 200 milyan. 17 Fardihii iyo kuwii waday ee aan riyada ku arkay sidan ayey u ekaayeen, laabdhowrkoodu wuxuu lahaa midab guduud, buluug iyo jaale ah. Fardihiina waxey lahaayeen madax sida libaaxa oo kale ah, afkooda waxaa ka baxayay holac, qiiq iyo baaruud. 18 Dadka Saddex meelood meel waxaa dilay saddexdan balaayo, dab, qiiq iyo baaruud oo afkooda kasoo baxayay. 19 Xoogga farduhu wuxuu ku jiray afkooda iyo seyntooda, waayo seyntoodu waxey lahayd madax u eg sida mas oo kale, taas oo lahayd awood ey dadka ku dhaawacdo. 20 Dadkii soo haray kuwaas oo aan balaayadu dilin weli kama toobadkeenin camalkoodii sharta lahaa, mana joojinin iney caabudaan ibliiska, sanamyada dahabka, qalinka iyo naxaaska ah, dhagaxyo, geedo kuwaas oo aanan hadli karin waxna maqlaynin oona socon karin. 21 Xitaa wax dilkooda, sixiryadooda, sinadooda iyo tuugnimadoodaba kama toobadkeenin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.