Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Wankii wuxuu furay shaabaddii toddobaad

1 Markii uu Wanku furay shaabaddii toddobaad waxaa samada ka jiray aamusnaan ku dhowaad nus saac.

2 Waxaan arkay toddobadii malaa’ig ee hor taagnaa Illaahey oo la siiyay toddobo buun.

3 Malag kale oo hayay idin dahab ah ayaa imaaday oo soo istaagay meesha allabariga horteeda. Waxaa la siiyay foox badan si uu ula bixiyo ducada dadka Illaahey oo dhan si uu ugu bixiyo allabariga dahabka ah ee ku hor yaala carshiga.

4 Qiiqa fooxa iyo ducada dadka Illaahey ayaa waxey ka baxeen gacanta malaga oo waxey kor ugu aadeen Illaahey.

5 Kadibna malagii wuxuu qaaday idinkii oo dab kaga buuxiya halka allabariga, oo wuxuu kusoo tuuray aduunka, kadibna waxaa dhacay onkod iyo hilaac waxaana jiray dhul gariig daran.


Buunkii

6 Kadibna toddobadii malaa’ig ee haysay toddobada buun waxey isku diyaariyeen iney dhawaajiyaan.

7 Malagi koowaad wuxuu ka dhawaajiyay buunkiisi, waxaana yimid dab weyn oo uu dhiig ku jiro oo dhulka lagu soo tuuray. Saddex meelood meel dunida ka mid ahna wey gubatay, saddex meelood meel geedaha ka mid ahna wey gubteen, cawskii cagaarnaa oo dhanna wuu gubtay.

8 Malagii labaadna wuxuu ka dhawaajiyay buunkiisi, kadibna wax sida buur holceysa oo kale ah ayaa lagu tuuray badda. Saddex meelood meel badda ka mid ahna waxey noqotay dhiig.

9 Saddex meelood meel xayawaanka badda ku nool ayaa dhintay oo saddex meelood meel markabyada badda ku dhex safraayeyna wey burbureen.

10 Malagii saddexaad ayaa buunkiisi ka dhawaajiyay, markaas ayaa waxaa cirka kasoo dhacay xiddig weyn oo u ifaya sida toosh wuxuuna ku dhacay saddex meelood meel ka mid ah wabiyada iyo ilihii biyaha ahaa.

11 Magaca xiddigaas waa qaraar. Waayo wuxuu saddex meelood meel biyaha ka dhigtay qaraar, oo dad badan ayaa dhintay markey biyahaas qaraarka ah cabeen.

12 Malagii afaraad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, markaas ayaa saddex meelood meel qoraxda, dayaxa iyo xiddigaha lagu dhuftay oo waxey noqdeen madow. Saddex meelood meel maalinta waxey noqotay iftiin la’aan, sidoo kalana saddex meelood meel habeenka.

13 Kadibna waan fiiriyay oo waxaan arkay gorgor hawada ku duulaya isaga oo dhahaya, “Hoog! Hoog! Hoog ha u sugnaado kuwa aduunka jooga oo dhan, waxa dhici doono markey saddexda malaa’ig buunka ka dhawaajiyaan dartiis.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan