Muujintii 7 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubDadka Illaahey waa la dhowri doonaa 1 Kadibna waxaan arkay afar malaa’ig oo taagan afarta dhinac ee aduunka, iyagoo ka joojinaya dabeyshu in eysan ku dhicin dhulka, badda iyo geedaha. 2 Waxaanna arkay malag kale oo ka imaanaya xagga bariga, isaga oo wada shaabadda Illaaha nool. Wuxuuna cod weyn ugu yeeray afarta malaa’ig ee la siiyay awoodda ey dhulka iyo badda ku wax yeeleeyaan. 3 Wuxuuna yiri, “Dhulka, badda iyo geedaha ha wax yeelina illaa aan shaabad ka saarno wejiga adeegayaasha Illaaheena.” 4 Kadibna waxaan maqlay tirada kuwa la shaabadeeyay, 144,000 waxeyna ka kala yimaadeen qabiilada Israa’iil oo dhan. 5 Qabiilka Yahuudah waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Ruubeenna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Gaadna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, 6 qabiilka Aasheerna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Naftaalina waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Manasehna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, 7 qabiilka Simecoonna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Laawina waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Isaakaarna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, 8 qabiilka Sebulunna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Yuusufna waxaa laga shaabadeeyay 12,000, qabiilka Benyaamiinna waxaa laga shaabadeeyay 12,000. Ammaan ka timid dadka badan 9 Waxyaalahaas kadibna waxaan arkay dad badan oo aan la xisaabi karin, waxey ka kala yimaadeen aduunka oo dhan, iyagoo iskugu jira qabiil walba, qowmiyad walba iyo luuqad walba waxeyna taagnaayeen carshiga iyo Wanka hortiisa. Waxeyna gashanaayeen maryo cad oo gacantana waxey ku hayeen caleen timireed. 10 Waxeyna cod dheer ku yiraahdeen, “Badbaadada waxey ka timaadaa Illaaheena xaggiisa, kaasoo ku fadhiya carshiga, iyo Wanka.” 11 Malaa’igtii carshiga agtaagneyd oo dhan iyo odayaashii iyo afartii xayawaanba intey carshiga ku hor sujuudeen ayey caabudeen Illaahey, 12 iyagoo leh, “Aamiin! Barako iyo ammaan xigmad iyo mahadcelin iyo sharaf iyo awood iyo xoog ha u ahaadaan Illaaheena weligeedba. Aamiin!” 13 Kadibna mid ka mid ah odayaasha ayaa i weydiiyay, “Kuwaas gashan dharka cad yeey yihiin, halkee ayey ka yimaadeen?” 14 Aniguna waxaan ugu jawaabay, “Mudane waad garaneysaa.” Wuxuu igu yiri, “Kuwaas waa kuwii silaca weyn soo maray. Waxey dharkooda ku dhaqeen dhiigga Wanka kaasoo iyaga ka dhigay caddaan. 15 Sidaa darteed, “Waxey joogaan carshiga Illaahey hortiisa oo habeen iyo maalin ayey macbadka uga adeegayaan, kan carshiga ku fadhiyana wuxuu hooy uga dhigi doonaa agjoogidiisa. 16 ‘Mar dambana ma gaajoon doonaan, mar dambana ma haraadi doonaan. Qoraxduna ma gubi doonto,’ kuleylkuna ma gubi doono. 17 Waayo Wanka dhex taagan carshiga ayaa u ahaan doona arijir. Wuxuuna iyaga ku hogaamin doonaa isha biyaha nool ah. Illaaheyna indhahooda ayuu ka tiri doonaa ilinta.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.