Muujintii 6 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubShaabadihii 1 Waan fiirsanayay markii uu Wanku furayay middii ugu horeysay toddobada shaabadood. Kadibna waxaan maqlay mid ka mid ah afartii xayawaan oo ku dhahaya cod u eg onkod, “Kaalay!” 2 Markaan fiiriyayna waxaan arkay faras cad oo i hor taagan. Midka wadana wuxuu hayay qaanso, waxaana la siiyay taaj, wuuna tagay si uu ugu soo guuleysto dagaallo badan oo uu guusha u helo. 3 Markii uu Wanku furay shaabaddii labaad, waxaan maqlay xayawaanka labaad oo dhahaya, “Kaalay!” 4 Kadibna waxaa soo baxay faras kale oo midab guduudan leh. Kan wadana waxaa la siiyay awood uu nabadda uga qaado dadka aduunka oo ey isku dilaan. Waxaana la siiyay seef weyn. 5 Markii uu Wanku furay shaabaddii saddexaad, waxaan maqlay xayawaanki saddexaad oo dhahaya, “Kaalay!” Waan fiiriyay oo horteydana waxaa taagnaa faras madow! Midka wadana wuxuu gacantiisa ku hayay miisaan. 6 Kadibna waxaan maqlay wax u eg cod ka imaanaya afarta xayawaan oo dhahaya, “Rubac sarreen ah wuxuu ahaan doonaa mushaharka maalinta oo dhan, saddex rubacna waxey ahaan doonaan isla lacagtii, sidaa darteed ha haleynina saliid seytuunta iyo khamriga.” 7 Markii uu Wanku furay shaabaddii afaraad, waxaan maqlay codka xayawaanka afaraad oo dhahaya, “Kaalay!” 8 Waan fiiriyay, horteydana waxaa taagnaa faras leh midab dambas ah! Midka wadana waxaa loo bixiyay Dhimasho, gadaashiisana aduun xabaalo ayaa ka jiray. Waxaa la siiyay awood ey afar meelood oo aduunka ka mid ah ey seef ku dilaan, abaar, dhimasho iyo xayawaan duureed. 9 Markii uu furay shaabadda shanaad, waxaan meeshii allabariga hoosteeda ka arkay nafihii kuwii ereyga Illaahey dartiis loo dilay iyo sida ey aamin ugu noqdeen marqaatifurkooda. 10 Waxeyna ku qayliyeen cod dheer iyagoo leh, “Ilaa goorma Rabbiga Weynow, midka quduuska oo runta ah, oo aad xukumi doontaa dadka aduunka oona nooga aargudi doontaa dhiigeena?” 11 Kadibna mid walba waxaa la siiyay maro cad, waxaana lagu yiri in yar suga, illaa dhamaan kuwa adeegayaasha, walaalaha iyaguna sidooda la soo dilo. 12 Waan fiirsaday isaga oo furaya shaabaddii lixaad. Waxaana jiray dhul gariir weyn. Qoraxdi waxey isku beddeshay madow sida dhar jawaan ah, dayaxuna wuxuu noqday guduud sida dhiig. 13 Kadibna xiddigihii samaduna waxey kusoo daateen dhulka, sida geedka berdaha ah markey dabeeshu ruxdo uu mirihiisa u soo daadanayaan. 14 Samada waxaa loo duuduubay sida buug, buuraha iyo jasiirad walbana meeshooda ayaa laga qaaday. 15 Kadibna boqorrada aduunka, taliyaasha, saraakiisha sare, taajirada, midka weyn iyo mid walba, midka xorta ah iyo kan adoonka ah waxey isku qariyeen godadka iyo dhagaxyada buuraha. 16 Waxeyna dhagaxyada buuraha ku yiraahdeen, “Bal nagu soo dul dhaca oo naga qariya wejiga kan carshiga ku fadhiya iyo carada Wanka! 17 Waayo maalinta weyn ee caradoodu wey timid, yaana u adkeysan kara?” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.