Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 5 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Buugga iyo Wanka

1 Kadibna waxaan gacanta midig ee kan ku fadhiya carshiga ku arkay buug labada dhinac wax uga qoran yihiin waxaana lagu shaabadeeyay toddobo shaabadood.

2 Waxaanna arkay malag weyn oo cod dheer ku dhahaya, “Yaa u qalma inuu kala bixiyo buugga oona furo shaabadda?”

3 Laakiin ma jirin qof ku jira jannada ama dhulka ama dhulka hoostiisa oo furi karay buugga ama xitaa akhrin karay.

4 Aad ayaan u ooyay waayo ma uusan jirin qof u qalma inuu furo buugga oo akhriyo.

5 Kadibna mid ka mid ah odayaasha ayaa igu yiri, “Ha ooyin! Balse fiiri Libaaxa qabiilka Yahuudah, kii asalkiisu kasoo jeeday Daa’uud, wuu guuleystay. Wuuna awoodaa inuu furo buugga iyo toddobadiisa shaabadood.”

6 Kadibna waxaan arkay Wan, kaasoo u eg mid la soo gowracay oo carshiga bartankiisa taagnaa, waxaana isaga ku wareegsanaa afarta xayawaan iyo odayaasha. Wankuna wuxuu lahaa toddobo geesood iyo toddobo indhood, taas oo ah toddobada ruux ee Illaah oo loo diray aduunka oo dhan.

7 Wuu tagay oo wuxuu buugga kasoo qaaday gacanta midigta ee kan carshiga ku fadhiya.

8 Kadib markii uu soo qaaday buugii, afartii xayawaan iyo labaatan iyo afartii odayaal ayaa Wankii u sujuuday. Mid walbana wuxuu heystay kataarad, waxeyna gacanta ku hayeen baaquli dahab ah oo foox ka buuxo, taas oo ah ducooyinka dadka Illaahey.

9 Waxeyna heeseen hees cusub oo dhahaysa, “Waad istaahishaa inaad buugga qaadid oo aadna furtid shaabadiisa, waayo waa lagu gowracay, dhiigaada ayaad Illaahey ugu soo madax furatay dad ka tirsan qabiil walba, luuqad walba, iyo qowmiyad walba.

10 Waxaadna ka dhigtay boqortooyo iyo wadaaddo si ey ugu adeegaan Illaaheena, weyna u talin doonaan aduunka.”

11 Kadibna mar labaad ayaan fiiriyay, waxaanna maqlay malaa’igo badan codkood, iyagoo tiradoodu tahay toban kun oo meelood oo min toban kun ah, iyo kumanaan kun. Waxey ku wareegsadeen carshiga iyo xayawaanadii iyo odayaashii.

12 Cod dheer ayey ku dhahayeen, “Wanka la gowracay ayaa u qalma, inuu helo awood, maal, xigmad iyo xoog sharaf iyo ammaan iyo barako!”

13 Kadibna waxaan maqlay xayawaano walboo ku jira jannada, dhulka, dhulka hoostiis iyo kuwa badda ku jiraba, iyagoo dhahaya, “Barakada iyo sharafta, ammaanta iyo awoodda waxaa leh kan ku fadhiya carshiga iyo Wanka weligiis.”

14 Afartii xayawaan waxey yiraahdeen, “Aamiin,” Kadibna labaatan iyo afartii odayaal intey jilbaha dhigteen ayey caabudeen Wankii.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan