Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Carshiga samada

1 Waxyaalahan kadib waxaan helay muujin waxaanna samada ka arkay albaab furan. Codkii aan markii hore maqlay ayaa ila hadlay sida buun isaga oo dhahaya, “Kaalay halkan, waxaan ku tusi doonaa waxa dhaci doona waxyaalahan kadib.”

2 Isla markiiba waxaan ku jiray Ruuxa, oo samadana waxaan ku arkey carshi kaasoo uu qof ku fadhiyay.

3 Kii ku fadhiyayna wuxuu lahaa muuqaalka yasbid iyo dhagaxa sardiyos. Carshigana waxaa ku wareegsanaa qaansoroobaad u ifeysa sida dhagax sumurud ah.

4 Carshigaasna waxaa ku wareegsanaa labaatan iyo afar carshiyo oo kale, kuwaas oo labaatan iyo afar odayaal ku fadhiyeen. Waxey gashanaayeen dhar cad oo madaxana waxey ku wateen taajaj dahab ah.

5 Carshigana waxaa kasoo baxayay hillac, codad iyo onkod. Carshiga hortiisa waxaa yaalay toddobo laambadood oo shidan. Kuwaasi waa toddobada ruux ee Illaahey.

6 Sidoo kale carshiga hortiisa waxaa ku yaalay wax u eg bad laga sameeyay muraayad dhalaal cad leh. Carshiga dhexdiisa iyo agagaarkiisa waxaa ku jiray afar xayawaan, meel walbana indho ayey ku lahaayeen horey iyo gadaalba.

7 Xayawaanki ugu horeeyay wuxuu u ekaa libaax, midki labaadna wuxuu u ekaa dibi, kii seddexaadna wuxuu u ekaa sida binu aadan, kii afaraadna wuxuu u ekaa gorgor duulaya.

8 Afartaas xayawaan mid walba wuxuu lahaa lix baalal oo meel walba ayey indho ku lahaayeen, xitaa baalasha hoostooda ayey indho ku lahaayeen. Habeen iyo maalin waxey yiraahdaan, “ ‘Quduus, quduus, quduus waa Rabbiga Illaaha Qaadirka ah,’ kan jiray, kan jira iyo kan imaan doona.”

9 Mar walboo xayawaanadaas ey Illaahey ammaanaan, sharfaan oo ey u mahadceliyaan kan ku fadhiya carshiga kaasoo weligiis noolaanaya,

10 labaatan iyo afartii odayaal intey hortiisa ku dhacaan ayey caabudayeen kan weligiis nool. Intey taajajkooda carshiga hor dhigaan ayey dhahayeen.

11 “Waad istaahishaa, Rabbigeena iyo Illaaheenow, inaad hesho ammaan, xushmad iyo awood, waayo waxaad abuurtay wax walba, doonistaada ayeyna ku abuurmeen oona ku sii noolaadeen.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan