Muujintii 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubWarqaddii loo diray kaniisadda Sardis 1 “Fariin u qor malaga kaniisadda Sardis. Kuwani waa ereyada kan haya toddobada ruux ee Illaahey iyo toddobada xiddigood. Waan ogahay camalkiina, qof walba wuxuu idiin maleeyaa inaad xagga ruuxa ka nooshihiin laakiin xaggaas waad ka dhimateen. 2 Bal kaca oo adkeeya waxa yar ee idiin haray waayo xitaa intaas yar ee idiin hartay wey dhiman rabtaa. Waayo camalladiina uma qalmaan waxyaalihii uu Illaahey rabay. 3 Sidaa darteed xasuusta, waxaad hesheen oo aad maqasheen, adkeeya oo toobadkeena. Laakiin haddii eydan baraarugin, sida tuug ayaan u imaan doonaa, mana ogaan doontaan waqtiga aan idiin imaanayo. 4 Laakiin qaar ka mid ah dadka ka tirsan kaniisadda Sardis oo aan wasaqeyn dharkood, wey ila socon doonaan iyaga oo xiran dhar cad, waayo wey u qalmaan. 5 Kuwa guuleysta iyaga xitaa waxaa loo xiri doonaa dhar cad. Weligeyna magacooda kama tiri doono buugga nolosha, laakiin waxaan ku qiran doonaa Aabahay iyo malaa’igtiisa hortooda iney yihiin kuweyga. 6 Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Warqaddii loo diray kaniisadda Filadelfiya 7 “Fariin u qor malaga kaniisadda Filadelfiya. Kuwani waa ereyada kan ah quduus iyo run, kaasoo haya furihii Daa’uud. Wuxuu furo qofna ma xiri karo, wuxuu xirana qofna ma furi karo. 8 Waan ogahay camalladiina. Bal eega waxaan hortiina dhigay albaab furan oo uusan qofna xiri karin. Waan ogahay inaad leedihiin xoog yar, laakiin weli ereyadeyda ayaad adeecdeen oo magaceygana ma eydan diidin. 9 Kuwa ka tirsan sunagogga Shaydaanka, oo iskugu yeera Yuhuudi inkastoo eysan ahayn, cagahiina ayaan dhigi doonaa oo waxey dhihi doonaan idinka inaad tihiiin kuwii aan jeclaaday. 10 Waayo waxaad xajiseen amarkeyga idinkoo ku samraya, aniguna waan idin ka ilaalin doonaa waqtiga jarribaadda ee u soo socda aduunka oo dhan si loo jarribo waxyaalaha aduunka jooga oo dhan. 11 Mar dhow ayaan imaan doonaa. Ku adkeysta waxaad horey u haysateen, si uusan qofna taajkiina idin kaga qaadin. 12 Midka guuleysta waxaan ka dhigi doonaa tiirka ku yaala macbadka Illaaheyga, weligoodna halkaas kama tagi doonaan. Waxaan iyaga ku qori doonaa magaca Illaahey iyo magaca magaalada Illaahey, Yeruusaalemta cusub, taas oo ka imaan doonta Illaahey xagga samada, sidoo kalana magaceyga cusub ayaan iyaga ku qori doonaa. 13 Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Warqaddii loo diray kaniisadda La’odikiya 14 “Fariin u qor malaga kaniisadda La’odikiya. Kuwani waa ereyada kan runta sheega, kan aaminka ah iyo kan marqaatifurka runta ah, taliyaha abuurkii Illaahey. 15 Waan ogahay camalkiina, in eydan ahayn kuleyl ama qabow. Waxaan jeclaan lahaa inaad midkood ahaataan! 16 Laakiin haddii aad tihiin kuwa qandac ah, oo aan ahayn kuleyl ama qabow, waan idin tufi doonaa. 17 Waxaad dhahdaan waxaan ahay taajir, waxaan leeyahay maal oo waxba uma baahni. Laakiin wax eydan ogayn inaad tihiin kuwa xun, loo naxo, masaakiin ah, indhona lahayn oo qaawan. 18 Sidaa darteed waxaan idin dhahay dahab iga gata, dahab lagu sifeeyay dab, si aad taajir u noqotaan. Sidoo kalana dhar cad iga gata si eydan qaawanaantiina ceeb ugu dareemin, daawo iibsada si aad indhaha u marsataan oo aad wax u aragtaan. 19 Kuwa aan jeclahay waan canaantaa oo waan edbiyaa. Sidaa darteed wax wanaagsan sameeya oo toobadkeena. 20 Bal fiiri albaabkaaga ayaan taaganahay oo garaacayaa. Haddii uu qof maqlo codkeyga oo uu albaabka iga furo, waan soo galayaa oo waan la cunteynayaa, iyaga oo ila jooga. 21 Midka guuleysta, waxaan siin doonaa xaqa uu igula fariisto carshigeyga, sida aan aniguba u ahay midka guuleystay oo aan ula fadhiyo Aabahay carshigiisa. 22 Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.