Muujintii 22 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubBeertii Eeden oo dib loo soo celiyay 1 Kadib malagii wuxuu i tusay webi biyo nolol ah leh, kaasoo sida muraayad u cad, wuxuuna kasoo qulqulayay xagga carshiga Illaahey iyo xagga Wanka. 2 Wuxuuna qulqulayay jidka weyn ee magaalada. Dhinac walboo webiga waxaa ka baxayay geedka nolosha, isaga oo dhalaya toban iyo laba mirro, oo bil walbana mirro ayey bixiyaan. Caleemihiisana waxaa loo isticmaalaa in quruumaha lagu bogsiiyo. 3 Wax habaaranna ma jiri doono. Waayo carshiga Illaahey iyo kan Wankaba magaaladaas ayey joogaan, adeegayaashiisa ayaa u adeegi doona. 4 Waxeyna arki doonaan wejigiisa, magaciisa ayaana lagu qori doonaa wejigooda. 5 Habeenna ma jiri doono, iftiinka feynuusta ama qoraxdu ma jiri doonaan, waayo Illaaha Rabbiga ah ayaa siin doona iftiin. Weyna xukumi doonaan weligood. Yooxanaa iyo malagii 6 Malagii ayaa igu yiri, “Ereyadan waa kuwo lagu kalsoon yahay oo run ah, Illaahii ruuxyada nebiyada dhiirigeliyay ayaa malagiisi soo diray si uu u tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona.” 7 “Bal fiiri, mar dhow ayaan imaan doonaa! Waxaana barakeysan kan xajiya ereyada la sii sheegay ee buugga ku qoran.” 8 Aniga Yooxanaa ah ayaa maqlay oona arkay waxyaalahan oo dhan. Markaan arkay oona maqlay ayaan ku dhacay lugaha malagii waxyaalahan i tusayay oo aan caabuday. 9 Laakiin wuxuu igu yiri, “Bal sidan ha sameynin! Waxaan ahay adeege sidaada oo kale iyo sida nebiyada iyo kuwo walboo xajiya ereyga ku qoran buuggan. Illaahey kaliya caabud!” 10 Kadibna wuxuu igu yiri, “Haka shaabadeynin ereyadan wax sii sheegida buuggan ku jirto, waayo waqtigu wuu soo dhowaaday. 11 Daa kan sharta sameynayo ha sii wadee, kan xumaanta sameeyana ha sii wado, kan waxa saxda ah sameeyana ha sii wado, kuwa xaqa ahna ha sii ahaadaan kuwo xaq ah.” Ugu dambeyntii: Martiqaad iyo digniin 12 “Fiiri, mar dhow ayaan imaanayaa! Waxaan keenayaa abaalmarinteyda, qof walbana wuxuu sameeyay ayaa lagu abaalmarin doonaa. 13 Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan ugu horeeya iyo kan ugu dambeeya, bilowgii iyo dhamaadkii.” 14 “Waxaa barakeysan kuwa maradooda dhaqda, si ey u helaan xaqa ey geedka nolosha ku cunaan oo ey magaaladana albaabkeeda uga soo galaan. 15 Banaanka waxaa jooga eeyaha, kuwaas oo sameeya waxyaalaha sixirka ah, sinada, dilka, sanam caabudida iyo kuwa walboo jecel iney been ku noolaadaan. 16 “Aniga oo ah Ciise, waxaan idiin soo diray malageyga si uu idiin siiyo marqaatifurkaan kaniisadda darteed. Waxaan ahay xididka iyo farcanka Daa’uud, waxaan ahay xiddigii waaberi ee dhalaalayay.” 17 Ruuxa Quduuska ah iyo aroosadu waxey yiraahdeen, “Kaalay!” Ha noqoto in mid walboo arintan maqlo yiraahdo, “Kaalay!” Kan haraadsan ha yimaado, kan rabo inuu si xor ah uga cabo biyaha nolosha ha yimaado. 18 Waxaan u digayaa mid walboo maqla ereyada sii sheegida ee buuggan, haddii uu qof ku daro wax intan qoran, Illaahey wuxuu qofkaas u keeni doonaa balaayada buuggan lagu sheegay. 19 Haddii uu qof wax ka saaro wax sii sheegida buuggan, Illaaheyna wuu ka saari doonaa qeybtii uu ku lahaa geedkii nolosha iyo magaalada quduuska ah ee lagu soo sharaxay buuggan. 20 Mid walboo waxyaalahan u marqaatifuraya ha dhaho, “Haa mar dhow ayaan imaanayaa.” Aamiin. Kaalay, Sayid Ciisow. 21 Nimcada Rabbi Ciise ha la jirto dhamaan dadka Illaahey. Aamiin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.