Muujintii 21 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubSamo iyo dhul cusub 1 Kadibna waxaan arkay, “Samo iyo dhul cusub,” waayo samadii iyo dhulkii hore wey dhamaadeen, xitaa bad ma jirin. 2 Waxaanna arkay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem cusub taas oo samada xagga Illaahey ka imaaneyso, iyadoo u diyaarsan sida aroosad oona u labisan ninkeeda. 3 Waxaan maqlay cod dheer oo ka imaanayay xagga carshiga oo dhahaya, “Fiiri! Hadda meeshuu Illaahey joogay waxaa la keenay dadkiisa dhexdooda. Wuuna ku dhex noolaan doonaa, iyaguna waxey noqon doonaan dadkiisa. Illaahey ayaa iyaga la jiri doona oo Illaahooda noqon doona. 4 ‘Ilin walbana wuu ka tirtiri doonaa. Dhimashana ma jiri doonto’ sidoo kalana murugo, oohin iyo xanuun. Waxyaalahaas oo dhan wey dhamaadeen.” 5 Kan carshiga ku fadhiyana wuxuu yiri, “Wax walba ayaan cusbooneysiinayaa!” Haddana wuxuu yiri, “Waxyaalahan qor, waayo waxaan kuu sheegayo waa ereyo lagu kalsoon yahay oo run ah.” 6 Waxaa kale uuna yiri, “Wey dhamaatay. Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, bilowga iyo dhamaadka. Kuwa haraadsan waxaan hadiyad ahaan uga waraabin doonaa isha biyaha nolosha ah. 7 Dhamaan kuwa guuleystay barakadaan ayey dhaxli doonaan, waxaanna noqon doonaa Illaahooda iyaguna waxey noqon doonaan caruurteyda. 8 Laakiin waxaan idiin sheegayaa waxa ku dhacaya, kuwa fulayaasha ah, kuwa aan rumeysaneyn, kuwa sameeya waxa xun, kuwa dadka dila, kuwa sinada sameeya, kuwa sixirka sameeya, kuwa sanamka caabuda, kuwa beenta sheega, waxaa lagu tuuri doonaa warta dabka iyo baaruudda ololeysa. Tani waa dhimashada labaad.” Yeruusaalemta cusub iyo aroosada Wanka 9 Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee hayay toddobada baaquli oo ey balaayada ka buuxday ayaa yimid oo igu yiri, “Kaalay, aan ku tusee aroosada, xaaskii Wanka.” 10 Ruuxdeyda ayuu qaaday oo saaray buurta weyn oo dheer, wuxuuna itusay magaalada quduuska ah, Yeruusaalem oo ka imaaneyso samada xagga Illaahey. 11 Waxey la ifeysay ammaanta Illaahey, oo nuurkeeduna wuxuu ahaa sida dhagax aad qaali u ah, sida yasbidka u cad. 12 Waxeyna lahayd darbi weyn oo dheer oona leh toban iyo laba albaab, iyo laba iyo toban malag oo albaabada taagan. Albaabadana waxaa ku qornaa magacyada toban iyo labada qabiil ee Israa’iil. 13 Saddex albaab ayey ku lahaayeen xagga bariga, saddexna waqooyiga, saddexna koonfurta, saddex kalana galbeedka. 14 Darbiga magaalada waxaa aasaas looga dhigay toban iyo laba dhagax, mid walbana waxaa ku qornaa magacyada toban iyo labada rasuul ee Wanka. 15 Malagii aniga ila hadlayay wuxuu hayay ul dahab ah oo lagu cabbiro magaalada, albaabadeeda iyo darbiyadeeda. 16 Magaaladu waxey u dhisneyd si afar gees ah, dhirirka iyo balaca. Wuxuu ku cabbiray ul dhirirkeeda, balaceeda iyo sarajoogeeduba waxey noqdeen 2,200 oo kiilo mitir. 17 Kadibna wuxuu cabbiray darbigii, cabbirkiisuna wuxuu ahaa 65 mitir (Haddii cabbirka binu aadan la isticmaalo taas oo malagu isticmaalay). 18 Darbigu wuxuu ka sameysnaa yasbid, magaaladu waxey ahayd dahab saafi ah, saafina u ah sida muraayada. 19 Aasaaskii darbiga magaalada waxaa lagu sharaxay mid walboo dhagaxyada qaaliga ah. Aasaaskii koowaad waa yasbid, kan labaadna waa safayr, kan saddexaadna waa khalkedoon, kan afaraadna wuxuu ahaa sumurud, 20 kan shanaadna waa sardonug, kan lixaadna waa sardiyos, kan toddobaadna waa khirusolitos, kan sideedaadna waa berullos, kan sagaalaadna waa tobasiyos, kan tobanaadna waa khirusobrasos, kan toban iyo koowaadna waa yakintos, kan toban iyo labaadna waa ametustos. 21 Laba iyo tobanka albaabood waxey ka sameysanyihiin luul, albaab walbana wuxuu ka sameysanyahay hal luul. Jidka weyn ee magaaladana wuxuu ahaa dahab, saafi u ah sida muraayad la iska dhex arkayo. 22 Wax macbad ah magaaladaas kuma aanan arag, waayo Illaaha Rabbiga Weyn ah iyo Wanka ayaa ah macbadkeeda. 23 Magaaladu uma eysan baahneyn qorax ama dayax ifaya, waayo ammaanta Illaahey ayaa iftiin siisa, Wanka ayaana u ah feynuus. 24 Quruumaha oo dhan waxey ku socon doonaan iftiinkiisa, boqorrada aduunka oo dhanna magaaladaas ayey soo geli doonaan iyagoo ammaantooda oo dhan wata. 25 Albaabadeedana weligood lama xiri doono, waayo halkaas habeen kama jiro. 26 Quruumaha oo dhan waxey magaalada u keeni doonaan ammaantooda iyo sharaftooda. 27 Wax wasaq ah ma loo ogolaan doono iney galaan, xitaa kuwa sameeyay waxyaalaha karaahiyada ah ama khiyaanada, laakiin waxa kaliya ee galaya waa kuwa magacyadoodu ku qoran yihiin buugga nolosha ee Wanka. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.