Muujintii 20 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubKun sanadood 1 Haddana waxaan arkay malag ka imaanaya samada, wuxuuna gacanta ku hayay furaha bohosha iyo silsilad culeys ah. 2 Wuxuuna qabtay masduulaagii, maskii duqa ahaa, kaasoo ah ibliiska, ama Shaydaanka wuxuuna ku xirxiray silsiladii kun sanadood. 3 Wuxuu ku tuuray bohoshii wuuna xiray oo ku dul shaabadeeyay si looga reebo inuusan khiyaanin quruumaha mar dambe illaa ey kun sano ka dhamaato. Kadibna waa in muddo yar la soo daayaa. 4 Kadibna waxaan arkay carshi, dadkii ku fadhiyayna waxaa la siiyay awood ey wax ku xukumaan. Haddana waxaan arkay nafihii kuwii madaxa laga jaray marqaatifurkoodi Ciise ku saabsanaa iyo wacdinta ereyga Illaahey dartiis. Ma eysan caabudin bahalkii iyo sawirkiisaba, oo mana aqbalin in calaamadiisi la saaro wejigooda ama gacantooda. Iyagoo dhan nolosha ayey kusoo laabteen oo kun sano ayey Masiixa wax la xukumayeen. 5 (Kuwii kale ee dhintay nolol kuma soo laabanin illaa kunka sanadood ka dhamaadeen.) Tani waa sarakicidi koowaad. 6 Waxaa barakeysan oo quduus ah kuwa Ciise la wadaagay sarakicidda koowaad. Waayo dhimashada labaad iyaga kama awood badineyso, laakiin waxey noqon doonaan wadaaddada Illaahey iyo kuwa Masiixa, weyna la xukumi doonaan kunka sanadood. Shaydaanka oo laga adkaaday 7 Kunka sanadood markey dhamaato, Shaydaanka xabsiga ayaa laga soo saari doonaa. 8 Wuu tagi doonaa oo aduunka afartiisa gees oo dhan ayuu khiyaani doonaa kuwaas oo ah Juuj iyo Maajuuj. Wuu isku keeni doonaa si ey u dagaalamaan, iyagoona ah ciidan badan sida carada xeebta. 9 Waxaanna arkay iyagoo kasoo baxaya dhulka oo dadka Illaahey iyo Yeruusaalem magaaladii uu jeclaa ku wareegsaday. Laakiin waxaa samada ka yimid dab gubay ciidankii oo dhan. 10 Ibliiskii iyaga khiyaanayna waxaa lagu tuuray warta baaruudda holceysa ah, isaga oo ku biiraya bahalka iyo nebiyada beenta ah. Habeen iyo maalin ayaana la silcin doonaa weligood. Xukunkii ugu dambeeyay 11 Kadibna waxaan arkay carshi weyn oo cad iyo kan ku fadhiyo. Dunida iyo samadaba wey ka carareen joogitaankiisa, laakiin wey waayeen meel ey isku qariyaan. 12 Waxaan arkay kuwo dhintay, yar iyo weynba iyagoo hor taagan carshiga Illaahey. Buugaagtana waa la furay xitaa buugga nolosha. Kuwii dhintayna waxaa lagu xukumay wixii ey sameeyeen, sida buugga ku qoran. 13 Kuwii badda ku dhintay wey kasoo baxeen, kuwii kale ee ku jiray meelaha dhimashada iyo xabaalahana wey kasoo baxeen, qof walbana waxaa lagu xukumay wixii uu sameeyay. 14 Kadibna Illaahey wuxuu amray in dhimashada iyo qabriga lagu tuuro warta dabka ah. Warta dabka ah waa dhimashada labaad. 15 Qof walboo uusan magaciisu ku qorneyn buugga nolosha waxaa lagu tuuray warta dabka ah. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.