Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Warqaddii loo diray kaniisadda Efesos

1 “Fariin u qor malaga kaniisadda Efesos. Waxaadna ku dhahdaa, aniga ayaa waxyaalahan ku dhahaya, aniga ayaana toddobada xiddigood gacanteyda midig ku haya. Aniga ayaa ku dhex socda toddobada laambadood.

2 Waan garanayaa camalladiina, dadaalkiina iyo dulqaadkiina. Waana ogahay in eydan u dulqaadaneyn dadka sharta leh, waadna baarteen kuwa rasuullada iskugu yeera oo aan rasuullo ahayn, waxaadna ogaateen iney yihiin beenaalayaal.

3 Magaceyga dartiis ayaad ugu sabarteen dhibaato idinka oo aan quusanin.

4 Laakiin halkan wax ayaan idin ku haystaa, waxaad iska dayseen inaad i jeclaataan oo iskuma jeclidiin sidii markii hore aad ahaydeen.

5 Bal xasuusta sidaad wax u jeclaan jirteen. Toobadkeena oo sameeya wixii aad horey u sameyn jirteen. Haddii aad toobadkeeni weysaan, waan idiin imaanayaa oo laambadiina ayaan halkii ey taalay ka qaadi doonaa.

6 Laakiin waxyaalaha aad sameysaan oo wanaagsan waa, inaad necebtihiin wax barida Nikolas taas oo aniguna aan necbahay.

7 Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siinayaa xaqa uu ku cuno geedka nolosha ee ku yaala jannada Illaahey.


Warqaddii loo diray kaniisadda Simurna

8 “Fariin u qor malaga kaniisadda Simurna. Kuwani waa ereyada kan horey u jiray iyo kan ugu dambeeyo, kaasoo dhintay oona soo noolaaday.

9 Waan ogahay dhibaatada iyo duruufta aad ku jirtaan, laakiin xagga ruuxa waxaad ka tihiin taajiriin. Waan ogahay caayda ey idin caayaan dadka Yuhuudda iska dhiga oo aan ahayn, laakiin sunagogyadoodu waa kan Shaydaanka.

10 Haka cabsanina dhibaatada idiin soo socota. Waxaan idin ku leeyahay ibliisku wuxuu qaarkiin dhigi doonaa xabsiga si uu idiin jarribo, toban maalmood ayaad silac la kulmi doontaan. Noqda kuwa aamin ah, xitaa illaa dhimasho, waxaanna idin siin doonaa taajka nolosha.

11 Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta dhimashada labaad wax yeeli mayso.


Warqaddii loo diray kaniisadda Bergamos

12 “Fariin u qor malaga kaniisadda Bergamos. Kuwani waa ereyada kan leh seef soofeysan oo laba af leh.

13 Waan ogahay halka aad degantihiin, halkaas oo Shaydaanku carshi ku leeyahay. Inkastoo ey sidaas tahayna magaceyga waad xijiseen. Iimaanka kama eydan tagin xitaa maalmihii Antibas kaasoo ahaa marqaatigeyga aaminka ah oo lagu dilay magaaladiina halkaas oo Shaydaanku ku noolaa.

14 Haba ahaatee dhowr waxyaalo ayaan idin ku haystaa. Qaar idin ka mid ah ayaa haysta wax baritaanka Balcaam, kaasoo baray Baalaaq inuu ku khiyaano dadka Israa’iil iney dembaabaan si ey u cunaan cuntada loo bixiyay sanamyada oo eyna sineystaan.

15 Sidoo kalana waxaa dhexdiina ku jira kuwa haysta wax barida Nikolas.

16 Sidaa darteed toobadkeena! Haddii kale mar dhow ayaan idiin imaan doonaa oo aan la dagaali doona iyaga aniga oo isticmaalaya seefta afkeyga.

17 Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha. Midka guuleysta waxaan siin doonaa qaar ka mid ah maannada qarsoon. Sidoo kale waxaan qofkaas siin doonaa dhagax cad kaasoo magac cusub ku qoran yahay, magacaas oo qof kale uusan garaneyn waxaan ka ahayn midka loo qoray.


Warqaddii loo diray kaniisadda Tu’ateyra

18 “Fariin u qor malaga kaniisadda Tu’ateyra. Kuwani waa ereyada Wiilka Illaahey, kaasoo indhihiisu u holcayaan sida dabka oo cagihiisuna u dhalaalayaan sida maarta.

19 Waan ogahay camalkiina, jaceylkiina iyo iimaankiina, adeegiina iyo dulqaadkiina, inaad hadda sameyneysaan wax ka badan wixii aad horey u sameyn jirteen.

20 Si kastaba ha ahaatee wax ayaan idin ku haystaa. Waxaad u dulqaadateen naagtaas Yesebeel, taas oo iskugu yeerta nebiyad. Wax barideeda ayey adeegayaasheyda ku lumisay iney sineystaan oo eyna cunaan cuntada loo bixiyay sanamyada.

21 Waxaan siiyay waqti ey ku toobadkeento, laakiin ma dooneyso iney kasoo laabato sinada.

22 Sidaa darteed waxaan u keeni doonaa xanuun daran oo ey sariirta la gesho, kuwii iyada la sineysteyna silac weyn ayaan u keenayaa haddii eysan ka toobadkeenin waxyaalahaas sharta leh.

23 Waxaan dili doonaa caruurteeda. Kadibna kaniisadaha oo dhan wey ogaan doonaan inaan ogahay waxa ku jira qalbiyada iyo maanka, oo qof walbana waxaan ugu abaalgudi doonaa camalkiisa.

24 Haddaba waxaan idin ku leeyahay idinkan jooga Tu’ateyra, idinka oo aan raacin baritaanka beenta ah, oo aan baranin sirta Shaydaanka taas oo ey ugu yeeraan sirta weyn, culeys kale ma idin saarayo,

25 waxaan ka ahayn inaad ku adkeystaan waxaad horey u haysateen illaa aan ka imaado.

26 Midka guuleysta oona doonisteyda sameeya illaa dhamaadka, waxaan siin doonaa amar uu ku xukumo aduunka.

27 Waxey aduunka ku xukumi doonaan ul bir ah, waxeyna u burburin doonaan sida digsi caro laga sameeyay oo kale, sida aan awoodda uga helay Aabahey.

28 Aniguna waxaan siin doonaa xiddiga waaberi.

29 Mid walboo dheggo leh ha maqlo waxa Ruuxa Quduuska ah u sheegayo kaniisadaha.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan