Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 19 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Heesta guusha xagga samada

1 Waxyaalahan kadib waxaan maqlay wax u eg cod dad badan oo jooga samada oona qeylinaya iyagoo leh, “Halleeluuya! Badbaadada iyo ammaanta iyo awoodda Illaahey ayaa leh,

2 waayo xukunkiisu waa mid xaq ah oona run ah. Wuxuu xukumay tii jirkeeda ka ganacsan jirtay taas oo aduunka ku khiyaantay sinadeeda. Wuu u aarguday dhiigga adeegayaashiisa.”

3 Haddana waxey ku qeyliyeen, “Halleeluuya! Qiiqa magaaladaas ka baxayo weligiis ayuu kor aadi doonaa.”

4 Labaatan iyo afartii oday iyo afartii xayawaan wey sujuudeen oo Illaahey caabudeen, kaasoo carshiga ku fadhiyay. Waxeyna yiraahdeen, “Aamiin, Halleeluuya!”

5 Kadibna cod ayaa ka yimid carshiga isaga oo leh, “Aan ammaanno Illaahey, dhamaan kuwa adeegayaashiisa ah, dhamaan kuwa isaga ka cabsada, mid weyn iyo mid yarba!”

6 Kadibna waxaan maqlay wax u cod eg cod dad badan iyo guux weyn oo hirarka badda iyo wax sida onkod oo kale u yeeraya, oo leh, “Halleeluuya! Waayo Illaaha Rabbigeena ah ayaa wax xukuma.

7 Bal aan raynrayno oo faraxno, aan siino ammaan! Waayo arooski Wanka waa la gaaray, aroosadina wey is diyaarisay.

8 Waxaana la siiyay dhar cad fiican oo nadiif ah si ey u gashato.” (Waayo dharka fiican wuxuu u taagan yahay camallada wanaagsan ee dadka Illaahey ee quduuska ah.)

9 Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Arintan qor. Waxaa barakeysan kuwa laga casuumay dabaaldegga arooska Wanka.” Wuxuuna ku daray, “Kuwani waa ereyada runta ah ee Illaahey ka yimid.”

10 Kadibna intaan sujuuday ayaan isaga caabuday, laakiin wuxuu igu yiri, “Maya, ha i caabudin. Anigu waxaan ahay adeegaha Illaahey, sida adiga iyo walaalahaa kuwaas oo u marqaatifuraya wax ku saabsan iimaanka ey Ciise ku qabaan. Illaahey kaliya caabud. Waayo ruuxa wax sii sheegida waa inuu marqaatifur cad oo ku saabsan Ciise bixisaa.”


Midka faraska cad wada

11 Waxaan arkay samada oo furan oo horteydana waxaa taagnaa faras cad, kaasoo midka wada lagu magacaabay midka aaminka iyo runta ah. Si xaqnimo ayuuna ku xukumaa si xaq ah ayuuna u dagaalamaa.

12 Indhihiisuna waxey u ekaayeen sida holac dab ah, madaxiisana wuxuu ku watay taajaj badan. Waxaana isaga ku qornaa magac uusan qofna aqoonin waxaan isaga ka ahayn.

13 Wuxuu gashanaa dhar dhiig la geliyay, magaciisuna waa Ereyga Illaah.

14 Ciidankiisi samada joogay ayaa isaga raacay, iyagoo wada faras cad oona gashan dhar cad oo fiican nadiifna ah.

15 Afkiisana waxaa kasoo baxay seef af leh oo uu ku weerari rabo quruumaha. “Wuxuu ku xukumi doonaa ul bir ah.” Carada Illaahey Qaadirka waxey u burburin doonaa cadowgiisa sida canabka loogu dhex cadaadiyo meesha canabka lagu shiido.

16 Dharkiisa iyo bowdadiisa waxaa ku qoran magacan. Boqorka Boqorrada iyo Sayidka Sayidyada.

17 Kadibna waxaan arkay malag dhex taagan qoraxda, kaasoo cod dheer ugu qeyliyay shimbirraha hawada ku duulaya isaga oo dhahaya, “Bal kaalaya, iskugu imaada cashada weyn ee Illaahey darteed,

18 si aad u cuntaan hilibka boqorrada, kuwa madaxda ah, kuwa magaca leh, fardaha iyo kuwa wada, hilibka dadkoo dhan, kuwa xor ah iyo kuwa adoon ah, masaakiinta iyo taajiriintaba.”

19 Kadibna waxaan arkay bahalkii iyo boqorrada aduunka iyo ciidankooda oo isku imaaday si ey dagaal ugu bilaabaan kan faraska wada iyo ciidankiisa.

20 Bahalkiina waa la qabtay, waxaana la jiray nebigii beenta ahaa ee calaamadaha waaweyn u sameeyay bahalka, mucjisooyinkii khiyaanay dadka oo dhan kuwa aqbalay calaamada bahalka iyo kuwa sawirka bahalka caabudayba. Bahalkii iyo nebigii beenta ahaaba iyagoo nool ayaa lagu tuuray haro dab iyo baaruud ah.

21 Kuwa kalana waxaa lagu dilay seeftii kasoo baxeysay afka kan wada faraska, shimbirrihii dhanna wey cuneen hilibkoodi.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan