Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 18 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Baabuloontii dhacday

1 Waxyaalahan oo dhan kadib ayaan arkay malag kale oo ka imaanaya samada. Wuxuuna lahaa awood weyn, dhulkuna wuxuu la iftiimay ammaantiisa.

2 Isaga oo cod weyn ku qaylinaya ayuu yiri, “ ‘Baabuloontii wey burburtay! Magaalada weyn ee Baabuloon wey burburtay!’ Waxey hooy u noqotay ibliis, hooyga ruuxyada wasakhda leh, hooyga shimbirraha wasakhda. Hooyga wax walboo aan saafi ahayn iyo xayawaanada karaahida ah.

3 Waayo quruumaha oo dhan wey dembaabeen, sida naagta jirkeeda ka ganacsata oo nimanka siisa khamri si ey ula seexato. Sidoo kale ayeyna boqorrada dunidu ula sineysteen, kuwa aduunka wax ku iibiyana wey ka taajireen sidii ey wax qaali ah uga gadaneysay.”


Digniinta ah iney ka baxsadaan xukunka Baabuloon

4 Kadibna waxaan maqlay cod kale oo ka imaanaya samada oo dhahaya, “ ‘Dadkeygiyow bal kasoo baxa,’ si eydan ula qeybsanin dembigeeda, si eydan ula wadaagin balaayadeeda,

5 waayo dembigeedu xagga samada wuu isku ururay, Illaaheyna wuu xasuutay dembigeeda.

6 Ku sameeya wixii ey idin ku sameysay. Ka aarsada laba jibaar wixii ey idin ku sameysay. Silciya laba jabaar inta ey dadka kale silcisay.

7 Silac iyo murugo u keena, waxey isi siisay ammaan iyo nolol sareysa. Qalbigeeda ayeyna ka kibirtay oo waxey tiri, ‘Carshigeyga ayaan ka ahay boqorad. Mana ihi carmalad. Weligeyna ma murugoon doono.’

8 Sidaa darteed maalin ayey balaayadan oo ah, dhimasho, murugo iyo abaar daran iyada ku dhici doonaan. Dab ayaana iyada wada gubi doona, waayo waxaa weyn Illaaha Rabbiga ah kaasoo iyada xukumi doona.”


Saddex hoog oo Baabuloon ku dhici doona

9 “Boqorrada aduunka ee iyada la sineystay oona la raaxeystay ayaa u murugoon doona markey arkaan iyadoo la gubayo.

10 Iyagoo taagan meel xoogaa u jirta ayey la yaabi doonaan cadaabta weyn ee ey mareyso. Weyna u ooyi doonaan iyagoo dhahaya, “Hoog! Hoog hakuu ahaado magaalada weyney, adigan ah magaalada weyn ee Baabuloon! Hal saacad gudaheed ayuu burburkaagu dhici doonaa.

11 “Kuwa aduunka wax ku iibinayay wey u ooyi doonaan weyna u murugoon doonaan, waayo ma jiri doono qof soo haray oo alaabtooda ka gadan doona.

12 Waxey gadan jirtay dahab qiimo leh, qalin, dhagaxyo qaali ah, luul, dhar fiican oo ah guduud iyo xariir, alwaax qaali ah oo carfayo, waxyaalo ka sameysan iliga maroodiga, alwaax qaali ah, maar iyo bir.

13 Waxaa kale oo ey gadatay qorfe, dhir carfoon, foox, malmal, khamri, saliid seytuun, bur iyo sarreen fiican, lo’ iyo ido, fardo iyo gaarifardood iyo dad sida adoon ahaan loo iibiyay.

14 “Waxey dhihi doonaan, ‘Mirihii aad u xiisa qabtay wey kaa dhamaadeen. Dhamaan Raaxadaadi, iyo ammaantaadi wey baaba’een, weligoodna dib uma soo noqon doonaan.’

15 Kuwii alaabtaas ka iibin jiray oo iyada maal ku helay meel fog ayey ka istaagi doonaan, iyagoo la yaaban cadaabta ey mareyso. Wey ooyi doonaan weyna u murugoon doonaan.

16 Waxeyna dhihi doonaan, “Hoog! Hoog hakuu ahaado magaalada weyney, adigoo gashan dhar fiican oo guduudan, laguna qurxiyay dahab, dhagax qaali ah iyo luul!

17 Hal saacad gudaheed ayaa maalkan badan lagu burburin doonaa! “Kabtan walba ee badda, kuwo walboo ku safra markabka, iyo kuwo walboo ka ganacsada badda meel fog ayey ka istaagi doonaan.

18 Markey arkaan qiiqa ka baxaya markii la gubayo, waxey is weydiin doonaan, ‘Miyay jirtay magaalo ka weyn magaaladan?’

19 Intey ooyaan oona murugoodaan ayey carro madaxa marsan doonaan iyagoo leh, “Hoog! Hoog hakuu ahaato magaalada weyney, halkii ey kuwo markabyo badda ku leh taajir ku noqdeen maalkeeda dartiis! Hal saac gudaheed ayaa wax walba lagaa burburin doonaa.”

20 “Samooyinkow ku farxa waxa iyada ku dhacay! Dadka Illaahey idinkana ku farxa! Rasuullada iyo nebiyadow idinkuna farxa! Waayo Illaahey wuxuu xukumay iyada xukunkii ey isu keentay.”


Ugu dambeytii burburka Baabuloon

21 Kadibna malag ayaa qaaday dhagaxshiid weyn oo ku tuuray badda, wuxuuna yiri “Sidaas oo kale ayaa hoos loogu tuuri doonaa magaalada weyn ee Baabuloon, mar dambana lama arki doono.

22 Dhawaaqa kataaralayda iyo kuwa heesa, iyo kuwa biibiilaha ka dhawaajiya, kuwa buunka yeerinayayna ma lagaa dhex maqli doono. Shaqaalaha nooc kastaba ma lagaa dhex heli doono. Dhawaaqa dhagaxshiidkii ma lagaa dhex maqli doono.

23 Iftiinka feynuusta, weligeed ma kaa dhex iftiimi doono. Codka ninka caruuska iyo naagta aroosada weligood ma lagaa dhex maqli doono. Kuwa wax kugu iibiya waxey ahaayeen kuwo aduunka magac ku leh. Khiyaanadaada darteed quruumaha oo dhan ayaad lumisay.

24 Waxaa iyada lagu arkay dhiigga nebiyada iyo dadka Illaahey ee quduuska ah, iyo kuwo walboo dunidan lagu gowracay.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan