Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 17 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Jir ka ganacsato weyn iyo bahalka

1 Mid ka mid ah toddobadii malaa’ig ee heysay toddobada baaquli ayaa ii imaaday oo igu yiri, “Kaalay, waxaan ku tusi doonaa ciqaabta tan jirka ka ganacsata taas oo u talisa biyo badan.

2 Boqorrada aduunka wey la sineysteen, xitaa dadka aduunku waxey ku sumoobeen khamrada sinadeeda.”

3 Kadibna malagii ayaa xagga ruuxi ahaan i qaaday oo i geeyay meel cidlo ah. Waxaanna arkay naag ku fadhido bahal guduudan oo leh toddobo madax iyo toban gees kaasoo magacyo caay ah ku qoran yihiin.

4 Naagtana waxey qabtay dhar guduudan, dahab, dhagaxyo qaali ah iyo luul. Waxeyna gacanteeda ku heysay koob dahab ah, waxaana ka buuxay waxyaalaha karaahiyada ah iyo wasakhda sinadeeda.

5 Magaca wejigeeda ku qornaa waa mid cajiib ah kaasoo dhahaya, Waxaa Weyn Baabuloonta Hooyada kuwa kasta ee jirka ka Ganacsada taas oo ah hooyada aasaastay waxyaalaha karaahiyada ee dhulka.

6 Waxaanna arkay naagtu iney ahayd qof ku sarqaamay dhiigga dadka Illaahey, dhiigga dadka u marqaatifura Ciise. Markaan iyada arkayna aad ayaan ula yaabay.

7 Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Maxaad ula yaabantahay? Waan kuu sharixi doonaa sirta ka dambeyso sheekada naagta iyo bahalka ey wado, kaasoo leh toddobo madax iyo toban geesood.

8 Bahalka aad aragtay wuu noolaan jiray, laakiin hadda ma noolo. Mar dhow ayuuna ka imaan doonaa bohosha oona tagi doonaa halka lagu burburin doono. Dadka dunidan ku nool oo aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ka hor abuurka, wey la yaabi doonaan markii uu bahalka soo baxo kaasoo horey u dhintay.

9 “Tani waxey u baahantahay caqli iyo xigmad. Toddobada madax ee bahalka wuxuu u taagan yahay toddobada buur ee ey naagtu u taliso. Waxaa kale uu u taagan yahay toddobada boqor.

10 Shan boqor wey dhinteen, midka lixaadna hadda ayuu taliye yahay, midka toddobaadna weli ma uusan imaanin, laakiin xukunkiisu wuu gaabanyahay.

11 Bahalki horey u jiray ee aan hadda nooleyn, waana boqorka siddeedaad. Sida toddobada kale, isagana waxaa u dambeeya burbur.

12 “Tobanka geesood aad aragtay waa toban boqor oo aan weli helin boqortooyada, laakiin hal mar ayaa waqti gaaban la siin doonaa boqortooyo si ey iskula taliyaan bahalka.

13 Iyagoo dhan ayaa go’aansan doona iney awoodooda iyo xukunkooda siiyaan bahalka.

14 Iyaguna waxey la dagaalami doonaan Wanka, laakiin Wanku wuu ka guuleysan doonaa waayo isagu waa Sayidka sayidyada iyo Boqorka boqorrada. Waxaa la jiri doona kuwiisa aaminka ah ee uu doortay una yeeray.”

15 Kadibna malagii wuxuu igu yiri, “Biyaha aad aragtay, kuwaas oo ey naagtu ku fadhiday waa dad badan oo ka mid ah quruumaha iyo luuqado badan.

16 Bahalka aad aragtay iyo tobanka gees wey nici dooonaan naagta. Wey qaawin doonaan oo hilibkeeda ayey cuni doonaan, oo wixii soo harana dab ayey ku gubi doonaan.

17 Waayo Illaahey qorshe ayuu niyadooda geliyay, qorshe ah inuu ujeedadiisa sameeyo. Waxey ogolaan doonaan iney awoodooda siiyaan bahalka guduudan, sidaas ayaana ereyada Illaahey lagu fulin doonaa.

18 Naagta aad aragteyna waxey u taagan tahay magaalada weyn ee u talisa boqorrada aduunka.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan