Muujintii 16 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubToddobada baaquli ee carada Illaahey ah 1 Kadibna waxaan maqlay cod weyn oo ka imaanaya macbadka oo toddobadii malaa’ig ku dhahaya, “Taga oo toddobada baaquli ee carada Illaahey ku daadiya aduunka.” 2 Malagii ugu horeeyay ayaa macbadka ka tagay oo baaquligiisi aduunka ku daadiyay, waxaana dadkii lahaa calaamaddii bahalka iyo kuwa sawirkiisa caabudayay kasoo baxay boogo daran oo xanuun badan. 3 Kadibna malagii labaad ayaa baaquligiisi ku daadiyay badda, baddiina waxey isku beddeshay dhiig ah kan sida qof dhintay oo kale. Wax walboo badda ku noolna wey dhinteen. 4 Malagii saddexaadna wuxuu webiga iyo ilaha biyaha ku daadiyay baaquligii, iyagiina waxey noqdeen dhiig. 5 Kadibna waxaan maqlay malagii masuulka ka ahaa biyaha oo dhahaya, “Xaq ayaad ku tahay xukunadan, kan Quduuska ahow, adigan jira ee jiray, 6 waayo waxey daadiyeen dhiigga dadkaaga quduuska ah iyo nebiyada, waxaadna siiyay dhiig si ey u cabaan weyna u qalmaan.” 7 Waxaanna maqlay cod ka imaanaya meesha allabariga oo dhahaya, “Haa, Rabbiga Illaaha ah, kan Weynow, xukunkaagu waa kan runta iyo xaqa ah.” 8 Malagii afaraad ayaa baaquligiisa ku daadiyay qoraxda, qoraxdana waxaa la siiyay awood ey dadka ku gubto. 9 Qof walbana kuleyl daran ayaa gubay, waxeyna inkaareen magaca Illaahey, kaasoo xukuma balaayadan oo dhan, laakiin wey diideen iney toobadkeenaan oo ey Illaahey ammaanaan. 10 Malagii shanaad wuxuu baaquligiisi ku daadiyay carshigii bahalka, boqortooyadiisina wey madoobaatay. Dadkana xanuun dartiis ayey ilkaha iskugu jiririqsadeen, 11 waxeyna inkaareen Illaaha samada boogtoodi iyo xanuunka dartiis. Laakiin wey diideen iney ka toobadkeenaan wixii ey sameeyeen. 12 Kadibna malagii lixaad ayaa baaquligiisi ku daadiyay webiga weyn ee Yufraad, biyihiisi ayaa guray si uu wadada ugu diyaariyo boqorka ka imaanaya Bariga. 13 Waxaanna arkay saddex ruux oo wasakh leh oo u eg rah, waxeyna kasoo baxeen afka masduulaagii, bahalka iyo afka nebiyada beenta ah. 14 Waxey ahaayeen ruuxyo wasakh leh kuwaas oo sameynaya calaamado, waxeyna u tagaan boqortooyada aduunka oo dhan si ey iskugu keenaan, dagaalka ey Illaahey la leeyihiin dartiis maalinta weyn ee xukunka Illaaha weyn. 15 “Bal fiiri, waxaan u imaan doonaa sida tuug! Waxaana barakeysan dhamaan kuwa i sugaya, oona dharkoodi gashan si eysan u soconin iyagoo qaawan oo ceeb dareemaya.” 16 Ruuxyadii wasakhda lahaana waxey boqorradi iyo ciidamadoodi iskugu keeneen meel af Cibraaniga lagu yiraahdo Armageddoon. 17 Malagii toddobaadna wuxuu baaquligiisi ku daadiyay hawada, waxaana carshigi macbadka yaalay xaggisa ka yimid cod dheer oo dhahaya, “Wey dhamaatay!” 18 Kadibna waxaa dhacay onkod, hilaac iyo dhul gariir daran, taas oo aan weligeed la arkin illaa iyo abuuristii dadka. 19 Magaalada weyn ee Baabuloon ayaa saddex meel u kala qeybsantay, magaalooyinkii dadka badan lahaa wey dumeen. Illaaheyna wuxuu xusuustay dembigii Baabuloon, wuxuuna siiyay koob khamri laga buuxiyay carada xanaaqiisa. 20 Jasiirad walba wey baaba’day, buur walbana waa la waayay. 21 Cirka waxaa da’ay roob sida dhagaxyo baraf ah, dhagaxyadaas oo uu culeyskoodu u dhowaa afartan iyo shan kiiloogaraam ayaa dadka kusoo dul dhacayay. Balaayadaan darteed ayey Illaahey u inkaareen, waayo balaayadu wey darneyd. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.