Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 15 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Toddobo malaa’ig oo wada toddobo balaayo

1 Waxaan samada ku arkay calaamad kale oo weyn oo yaab leh, toddobo malaa’ig ayaa hayay toddobadii ugu dambeysay ee balaayo, kuwaasoo xanaaqa Illaahey soo gaba gabeynaya.

2 Waxaana arkay wax u eg bad muraayad ah taas oo dab la dhalaaleyso, badda agteedana waxaa taagnaa dadkii kasoo guuleystay bahalkii, sawirkiisi iyo nambarkii magaciisa. Waxeyna haysteen kataarad uu Illaahey siiyay,

3 waxeyna heesayeen heesaha adeegaha Illaahey ee Muuse iyo Wanka, iyagoo dhahaya, “Waxaa weyn oo yaab leh camalladaada, Rabbiyow Illaaha Weynow. Run iyo xaqnimo ayaa jidkaaga ah, Boqorkii quruumahaw.

4 Rabbiyow yaan kaa cabsaneynin, oo aan ammaan magacaaga u keeneynin? Waayo adiga kaliya ayaa ah quduus. Quruumaha oo dhan hortaada ayey imaan doonaan oo ey ku caabudi doonaan, waayo ficiladaada xaqa ah waa la muujiyay.”

5 Waxyaalahaas kadib waxaan samada ka arkay macbad, kaasoo ah teendhada Quduuska axdiga sharciga oo furantay.

6 Macbadkii waxaa kasoo baxay toddobo malaa’ig oo wada toddobo balaayo. Dhar nadiif ah oo dhalaalaya ayey qabeen, shakaal dahab ah ayaa xabadka ugu xirnaa.

7 Kadibna mid ka mid ah afarta xayawaan ayaa toddobadii malaa’ig siiyay toddobo baaquli oo ey carada Illaahey ka buuxdo, kaasoo weligiis nool.

8 Macbadkana waxaa ka buuxay qiiq ka yimid ammaanta iyo awoodda Illaahey. Qofna ma uusan gali karin macbadka illaa ey toddobada malaa’ig ka dhameeyaan toddobadoodi balaayo.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan