Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 14 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Wanka iyo 144,000 dadka ah ee la madax furtay

1 Kadibna waxaan arkay Wanka oo taagan buur Siyoon korkeeda, isagana waxaa la jiray boqol afartan iyo afar kun oo qof kuwaas oo magaciisa iyo magaca Aabihiis wejiga uga qornaa.

2 Samada waxaan ka maqlay cod sida biyo qulqulaya oo kale iyo onkod dhacaayo. Codkaan maqlay wuxuu u ekaa kataaraley kataaradooda ka dhawaajinaya.

3 Waxeyna carshiga iyo afartii xayawaan iyo odayaasha ka hor heeseen hees cusub. Qofna heestaas ma baran karin waxaan ka ahayn boqol afartan iyo afartaas kun ee aduunka laga soo madax furtay.

4 Kuwan waa kuwa isku nijaaseyn dumarka, kuwaasoo Wanka u raacaya meel walboo uu tago. Waxaa laga soo dhex madax furtay dadka aduunka sida allabariyo ku qaali ah Illaahey iyo Wankaba.

5 Wax been ah kuma hadlaan, waana eed la’aan.


Saddexda malaa’ig

6 Waxaan arkay malag kale oo hawada ku duulayo isaga oo wada injiilka daa’iimka ah si uu u soo wacdiyo kuwa ku nool aduunka, quruumaha oo dhan, qabiilada oo dhan, luuqadaha oo dhan iyo dadka oo dhan.

7 Wuxuuna cod dheer ku yiri, “Illaahey ka cabsada oo siiya ammaantiisa, waayo waqtigiisa wax la xukumayo wuu yimid. Caabuda kan abuuray samada, dhulka, badda iyo ilaha biyaha.”

8 Malagii labaad ayaa ka daba yimid oo yiri, “Waxaa dhacday! Waxa dhacday magaaladii weyneyd ee Baabuloon, taas oo quruumaha oo dhan ka dhigi jirtay in ey cabaan khamrada waalida sinadeeda.”

9 Kadibna malagii saddexaad ayaa ka daba imaaday isaga oo cod dheer ku dhahaya, “Haddii uu qof jiro kaasoo caabuda bahalka iyo sawirkiisa oona calaamadiisa aqbalo in loogu qoro wejiga ama gacanta,

10 iyaguna waxey cabi doonaan khamrada carada Illaahey. Caradiisa oo dhan ayuuna ku ciqaabi doonaa, malaa’igta quduuska ah iyo Wanka hortooda ayaa lagu ciqaabi doonaa dab iyo baaruud.

11 Qiiqa ciqaabtooda weligiis ayuu kor u kici doonaa, nasasho uma jirto kuwa caabuda bahalka iyo sawirkiisa habeen iyo maalinba, ama mid walboo qaata calaamada magaciisa.”

12 Tani macnaheedu waa in dadka Illaahey u dulqaataan silaca iyagoo ku samraya, oona ilaalinaya amarradiisa, iimaanka ey Ciise ku lahaayeenna sii heystaan.

13 Kadibna waxaan samada ka maqlay cod dhahaya, “Qor hadalkan, waxaa barakeysan kuwa dhintay iyagoo Rabbiga aaminsan hadda laga bilaabo.” Ruuxa wuxuu yiri, “Haa, waa run wey barakeysanyihiin, waayo wey ka nasan doonaan shaqadooda adag oo camalladooda wanaagsan ayaa iyaga raaci doona.”


Beer gooyska aduunka

14 Kadibna waxaan arkay daruur cad, daruurtaasna waxaa kor fadhiyay qof u eg Wiilka aadanaha isaga oo taaj dahab ah qaba oo mindi af lehna gacanta ku haya.

15 Kadibna waxaa xagga macbadka ka yimid malag, wuxuuna cod dheer ugu yiri midka daruurta ku fadhiyo, “Mindidaada qaado oo gurashada bilow, waayo waqtiga gurashada waa la gaaray, waayo badarkii dhulku waa diyaar.”

16 Sidaa darteed midkii daruurta ku fadhiyayna mindidiisa ayuu aduunka kor mariyay, oo badarkii dunidana waa la gooyay.

17 Malag kale ayaa xagga macbadka ka yimid samada dhexdeeda, isaguna wuxuu watay mindi af leh.

18 Kadibna waxaa meesha allabariga ka yimid malag kale oo leh awood uu dab wax ku burburiyo. Wuxuuna cod dheer ugu yiri malagii kale ee mindida afka leh haystay, “Canabkii aduunka wuu bislaaday ee tag oo kusoo ururi mindidaada afka leh.”

19 Malagii wuu tagay oo wuxuu mindidiisi kor mariyay aduunka wuuna isku ururiyay canabkii kadibna wuxuu ku tuuray meesha carada Illaahey ee sharaabka canabka lagu shiido.

20 Kuwii sharta lahaa waxaa lagula tuntay goobta canabka lagu shiido ee magaalada banaankeeda, dhiigooduna wuu ka qulqulay, wuxuuna joogiisu gaaraayay xakamaha fardaha oo fogaantiisuna gaartay saddex boqol iyo labaatan kiiloo mitir.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan