Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 13 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Bahalkii kasoo baxay badda

1 Masduulaagii wuxuu taagnaa badda qarkeeda, kadibna waxaan arkay bahal badda kasoo baxaya. Wuxuuna lahaa toban geesood iyo toddobo madax, toban taaj ayuuna ku watay geesihiisa, madax walbana waxaa ku yaalay magac caay ah.

2 Bahalkan arkayna wuxuu u ekaa haramcad, laakiin cagihiisu waxey u ekaayeen bahal, afkiisuna wuxuu u ekaa sida af libaax. Masduulaagii wuxuu bahalkii siiyay awoodiisi, carshigiisi iyo amarkiisi weynaa.

3 Waxaan arkay in mid ka mid ah madaxyadiisa uu lahaa dhaawac daran, laakiin dhaawacaas waa la bogsiiyay. Aduunka oo dhan ayaa la yaabay oo waxeyna bilaabeen iney bahalka raacaan.

4 Dadku waxey caabudeen masduulaagii waayo wuxuu amar siiyay bahalkii, sidoo kalana waxey caabudeen bahalka oo ku yiraahdeen, “Yaa sida bahalkan ah? Yaana la dagaali kara?”

5 Kadibna bahalkii waxaa loo ogolaaday inuu ku hadlo hadallo faan iyo caay leh. Waxaa kaloo la siiyay awood uu wuxuu rabo ku sameeyo illaa muddo afartan iyo laba bilood ah.

6 Wuxuu Illaahey kaga hadlaa ereyo caay ah, wuxuuna aflagaadeeyaa magaciisa iyo halkuu joogo iyo kuwa ku nool samada.

7 Waxaana bahalkaas la siiyay awood uu dadka Illaahey kula dagaallo oo uu iyaga kaga guuleysto. Sidoo kalana waxaa la siiyay amar uu ugu taliyo qabiil walba, dad walba, luuqad walba iyo quruumaha oo dhan.

8 Dadka aduunka oo dhanna wey caabudi doonaan bahalka. Kuwaasna waa kuwa aan magacyadooda lagu qorin buugga nolosha ee Wanka intaan aduunka la abuurin ka hor, buugana waxaa leh Wankii la gowracay.

9 Mid walboo dheggo leh ha maqlo.

10 “Haddii mid loo qoro inuu maxbuus noqdo, xabsi ayaa la geynayaa. Haddii mid loo qoro inuu ku dhiman doono seef, seef ayuu ku dhiman doonaa.” Tani waxey tahay in dadka Illaahey ey u dulqaataan silaca iyagoo u samraya oona ahaadaan kuwa aamin ah.


Bahal kasoo baxay dhulka

11 Kadibna waxaan arkay bahalkii labaad, isaga oo kasoo baxaya dhulka. Wuxuu lahaa laba gees sida kan wanka, laakiin wuxuu u hadlayay sida masduulaaga.

12 Wuxuuna adeegsaday dhamaan awooddii uu bahalkii hore haystay, wuxuuna aduunka iyo kuwa ku nool oo dhan ka dhigay iney caabudaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay.

13 Mucjisooyin waaweyn ayuuna sameeyay, wuxuu sababay in dab ka yimaado samada ilaa dhulka iyadoo ey dadka oo dhan arkayaan.

14 Mucjisadii loo ogolaaday inuu sameeyo beddelkii bahalka hore, wuxuu khiyaanay dadkoo dhan kuwaas oo ah kuwa aduunka. Wuxuuna dadka ku amray iney taalo weyn u dhisaan bahalkii hore, kaasoo dhaawaciisi laga bogsiiyay oona nolol kusoo laabtay.

15 Bahalkaas labaad waxaa la siiyay awood uu nolol ku siiyo taalada bahalkii koowaad, si uu u hadlo oo u amro in kuwii taalada caabudi diiday la dilo.

16 Wuxuuna dadkoo dhan ku qasbay yar iyo weynba, taajir iyo maskiinba, kuwa xor ah iyo adoonba in calaamad la saaro gacantooda midigta ah ama wejigooda,

17 si eysan wax u iibin ama eysan wax u gadan haddii eysan lahayn calaamadaas, taas oo ah magaca bahalka ama nambar u taagan magaciisa.

18 Tanna waxey u baahantahay xigmad, mid walboo fahansan waxyaalahan ha xisaabiyo nambarka bahalka, waayo waa nambarka binu aadanka. Nambarkaasna waa 666.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan