Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 12 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Naagta iyo masduulaaga

1 Calaamad weyn ayaana ka muuqatay samada, waxaan arkay naag gashan qorax oo dayaxuna lugaheeda ku hoos jiro, qabtana taaj toban iyo laba xiddig leh.

2 Waxeyna lahayd uur oo xanuunka dhalmada dartiis ayey u ooyneysay waayo wey dhali rabtay.

3 Kadibna waxaa samada kasoo muuqday calaamad kale, waxaan arkay masduulaa weyn oo gaduudan wuxuuna lahaa toddobo madax iyo toban geesood, madaxiisana wuxuu ku watay toddobo taaj.

4 Seyntiisuna waxey xaaqday saddex meelood meel xiddigaha oo dhulka ku daadisay. Masduulaagii wuxuu hor istaagay naagtii dhali rabtay, si uu u dilo cunuggeeda isla markii uu dhasho.

5 Waxeyna dhashay cunug wiil ah kaasoo aduunka u talin doona isaga oo isticmaalaya ul bir ah. Cunugiina waxaa kor loogu qaaday xagga Illaahey iyo carshigiisa.

6 Naagtiina waxey ku carartay cidlada halkaas oo Illaahey meel ugu diyaariyay si uu ugu daryeelo 1,260 maalmood.

7 Kadibna waxaa samada ka dhacay dagaal. Mikaa’iil iyo malaa’igtiisi waxey la dagaaleen masduulaagii. Masduulaagii iyo malaa’igtiisuna wey la dagaalameen.

8 Masduulaagii waa laga adkaaday, isaga iyo malaa’igtiisi waxaana laga saaray samada.

9 Masduulaagii weynaa oona ahaa maskii hore kaasoo la dhihi jiray ibliis ama Shaydaan, kaasoo aduunka oo dhan khiyaanayay dhulka ayaa lagu tuuray isaga iyo malaa’igtiisi oo dhan.

10 Kadibna waxaan xagga samada ka maqlay cod weyn oo dhahaya, “Haddaba wey timaaday badbaadada iyo awoodda iyo boqortooyada Illaaheena, iyo amarkii Masiixiisa. Waayo kan eedeeya walaalaheen, kaasoo iyaga ku eedeynaya Illaahey hortiis maalin iyo habeen, dhulka ayaa lagu soo tuuray.

11 Waxey uga guuleysteen dhiigga Wanka iyo marqaatifurkooda, iyagu aad uma jeclaanin noloshooda oo waxey diyaar u ahaayeen dhimasho.

12 Sidaa darteed samooyinka iyo idinkan ku noolow farxa! Laakiin waxaa hoog leh dhulka iyo badda, waayo ibliisku idinka ayuu idiin imaaday! Waxaa ka buuxa xanaaq, waayo wuu garanayaa in waqtigiisi dhowyahay.”

13 Masduulaagii markii uu ogaaday in dhulka lagu tuuray, wuxuu bilaabay inuu haweeneydii dhashay cunug wiil ah ka daba galo.

14 Naagtii waxaa la siiyay laba baalal oo sida kuwa gorgor weyn ah, si ey ugu duusho oo ey u tagto halkii loo diyaariyay xagga cidlada, halkaas oo lagu daryeeli doono in muddo saddex sano iyo bar ah si uusan masku u helin.

15 Kadibna maskii afkiisa wuxuu ka tufay biyo sida webi oo kale ah, si uu daadku iyada u qaado.

16 Laakiin dhulka ayaa naagtii caawiyay markii uu is furay oo uu webigii masduulaagu afkiisa kasoo baxay laqay.

17 Masduulaagiina aad ayuu ugu xanaaqay naagta oo wuxuuna bilaabay inuu la dagaallo caruurteeda kale, kuwaas oo amarka Illaahey iyo marqaatifurkoodi xagga Ciise xajiyay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan