Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Muujintii 11 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Labadii marqaati

1 Kadibna waxaa la i siiyay ul wax lagu cabbiro waxaana la igu yiri, “Bal tag oo soo cabbir macbadka Illaahey, meesha allabariga iyo tirada kuwa cibaadeysanaya.

2 Laakiin deyrka macbadka banaankiisa ah haku darin, waayo waxaa la siiyay dadka aan Yuhuudda ahayn. Waxey 42 bilood cadaadin doonaan magaalada quduuska ah.

3 Waxaanna dooran doonaa labadeyda marqaati kuwaas oo wax sii sheegi doona 1,260 maalmood iyagoo gashan jawaan.”

4 Labadan nebi waa labada geed ee saytuunka ah iyo labada laambadood ee hor taagan Rabbiga aduunka leh.

5 Haddii qof isku dayo inuu dhibaateeyo, dab ayaa afkooda kasoo bixi doona oo gubi doona cadowgooda. Sidan ayey kuwa walboo iyaga dhibaateyn raba u dhiman doonaan.

6 Waxey leeyihiin awood ey cirka ku aamusiyaan si uusan roobku u da’in markey wax sii sheegayaan, waxeyna leeyihiin awood ey biyaha ugu beddelaan dhiig, una keenaan aduunka bilaayo kasta sida ey rabaan.

7 Haddaba markey dhameeyaan marqaatifurkooda, waxaa u imaan doona bahal ka yimid bohosha oo la dagaali doona, wuuna ka guuleysan doonaa wuuna dili doonaa.

8 Jirkooduna wuxuu yaali doonaa jidka weyn ee Yeruusaalem, magaalada qaab ahaan lagu yeeray Sodom iyo Masar, magaalada Sayidkooda lagu qodbay.

9 Saddex maalmood iyo bar ayaa dadkoo dhan, qabiil walba, kuwa luuqado kala duduwan iyo quruumaha oo dhan fiirsan doonaan jirkooda, qofna looma ogolaan doono inuu soo aaso.

10 Dadka aduunkan jooga oo dhan wey dabaaldegi doonaan weyna ku farxi doonaan, waxeyna is siin doonaan hadiyad waayo labada nebi ee iyaga soo dhibay dhimashadooda darteed.

11 Saddex maalin iyo bar kadibna, Illaahey wuxuu iyaga ku afuufay neef nolol ah, weyna kaceen oo kuwii iyaga arkayna aad ayey u argagaxeen.

12 Kadibna waxey maqleen cod weyn oo samada ka imaanaya oo iyaga ku dhahaya, “Bal kaalaya halkan.” Iyaguna kor ayey samada ugu aadeen daruuraha dhexdooda, iyagoo ey cadowyadoodu fiirinayaan.

13 Isla markaasna waxaa dhacay dhul gariir daran oo magaalada toban meelood meel ayaa burburtay. Toddobaatan kun oo qof ayaa dhul gariirkaas ku dhintay, kuwii badbaadayna cabsi ayaa gashay oo Illaaha samada ku jira ayey ammaaneen.

14 Hooggi labaad wuu gudbay, kii saddexaadna wuu imaanayaa mar dhow.


Buunka toddobaad

15 Malagii toddobaad ayaa ka dhawaajiyay buunkiisi, cod weyn ayaana ka dhawaaqay xagga samada isaga oo dhahaya, “Boqortooyada aduunku waxey noqotay, boqortooyada Rabbigeena iyo tan Masiixiisa, weligiis ayuuna taliye ahaan doonaa.”

16 Labaatan iyo afartii odayaasha ahaa, kuwaasoo carshiga ku fadhiyay Illaahey hortiisa ayey ku sujuudeen oo Illaahey caabudeen,

17 iyagoo dhahaya, “Waan kuu mahadcelineynaa, Rabbiga weyn ee Illaaha ahaw, Kan jira iyo kan jiray, waayo waxaad qaadatay awoodaada weyn, waxaadna bilowday inaad taliso.

18 Quruumaha wey xanaaqeen, laakiin caradaaduna wey timid. Waqtiga kuwii dhintay la xukumana wey gaartay, iyo waqtiga aad u abaalgudi lahayd adeegayaashaada nebiyada ah, sidoo kale dadkaaga magacaaga ixtiraama, kuwa wax haysta iyo kuwa aan waxba haysaninba waa waqtigii aad baabi’in lahayd dhamaan kuwa dhulka balaayada keenay.”

19 Kadibna macbadka Illaahey ee samada ku yaaleyna wuu furmay, macbadkiisa dhexdiisa waxaa laga arkay sanduuqa axdigiisa. Waxaana jiray hilaac, onkod, dhul gariir iyo duufaan daran ee roob baraf leh wadata.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan