Muujintii 10 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubMalaga iyo buugga yar 1 Kadibna waxaan arkay malag weyn oo ka imaanaya samada. Waxaana ku wareegsanaa daruur, qaansaroobeed ayaana xagga madaxiisa ku taalay, wejigiisuna wuxuu u ifayay sida qorax, lugihiisuna waxey u ekaayeen tiirar dab ah. 2 Wuxuuna hayay buug yar kaasoo horey loo furay. Lugtiisa midigna wuxuu saaray badda tan bidixna wuxuu saaray dhulka, 3 wuxuuna ku qeyliyay cod weyn oo u eg libaax. Markii uu qeyliyayna, codkii toddobada onkod ayaa hadlay. 4 Markey toddobadii onkod hadleen, waxaan ku rabay inaan wax qoro, laakiin waxaan maqlay cod ka yimid samada oo dhahaya, “Shaabadey waxey toddobada onkod dheheen, hana qorin.” 5 Kadibna malagii aan arkay isaga oo taagan badda iyo dhulka wuxuu gacantiisa kor ugu taagay xagga samada. 6 Wuxuuna ku dhaartay magaca kan weligiis nool, kaasoo abuuray samada iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, dhulka iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan, badda iyo waxyaalihii ku jiray oo dhan. Wuxuuna yiri, “Waqtigii sugitaanka wuu dhamaaday. 7 Markii uu malaga toddobaad uu buunkiisa dhawaajin doono, qorshihii qarsoonaa ee Illaahey waa la dhabeyn doonaa. Waxeyna u dhici doontaa sida uu ugu sheegay nebigii adeegihiisa ahaa.” 8 Haddana codkii aan samada ka maqlay wuu ila hadlay isaga oo leh, “Tag oo ka qaad buugga uu malagii dhulka iyo badda taagnaa gacanta ku hayay isaga oo furan.” 9 Kadibna waxaan u tagay malagii oo ku iri, isii buugga yar ee aad hayso. Wuxuuna igu yiri, “Qaado oo cun. Caloosha ayuuna kaa xanuujin doonaa laakiin markaad cuneysid macaan ayuu ahaanayaa.” 10 Buuggii yaraa ayaan ka qaaday gacanta malaga oo waan cunay. Wuxuuna u dhadhamayay macaan sida malabka, laakiin markaan cunay caloosheyda waxaan ka dareemay xanuun. 11 Kadibna waxaa la igu yiri, “Waa inaad wax kasii sheegtaa wax ku saabsan dad badan, quruumo badan, luuqado badan iyo boqorro badan.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.