Muujintii 1 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubBilowgii 1 Tani waa muujin ka timid Ciise Masiix, taas oo Illaahey siiyay inuu tuso adeegihiisa waxyaalaha mar dhow dhici doona. Wuxuu soo diray malag si uu muujintaan ugu keeno adeegihiisa Yooxanaa. 2 Isaguna wax walboo uu arkay wuu ka marqaatifuray, taas oo ah ereyga Illaahey iyo marqaatifurka Ciise Masiix. 3 Waxaa barakeysan midka kaniisadda ka akhriya ereyadan lasii sheegay, waxaa kale oo barakeysan kuwa maqla oona adeeca, waayo waqtigu wuu dhowyahay. Waxaa la salaamay toddoba kaniisadood 4 Warqaddan waxey ka socotaa Yooxanaa wuxuuna u dirayaa toddobada kaniisadood ee ku yaala gobolka Aasiya. Nimco iyo nabad ka timid kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, iyo toddobada ruux ee carshiga hortiisa jooga ha idin la jirto. 5 Taas oo ka socota Ciise Masiix oo ah marqaatiga aaminka ah, kan ah midka ugu horeeya ee dhimashada kasoo sarakacay, iyo taliyaha boqorrada aduunka. Kaasoo na jeclaaday oo dhiigiisi nagaga xoreeyay dembiyadeena, 6 oo nagana dhigay boqortooyada wadaaddada si aan ugu adeegno Illaahiisa iyo Aabihiis, isaguna ammaan iyo awood weligeed ah ha u ahaato! Aamiin. 7 “Bal arag wuxuu ku imaanayaa daruuraha,” “sidoo kalana il walba wey arki doontaa isaga, xitaa kuwii isaga waranka ku duray,” oo dadka aduunka oo dhan, “dartiis ayey u murugoon doonaan.” Sidaasna ha ahaato! Aamiin. 8 Rabbiga Illaaha ah wuxuu leeyahay, “Anigu waxaan ahay Alfa iyo Oomeega, kan jira, kan jiray iyo kan imaan doona, oo ah Qaadirka.” Yooxanaa oo arkay Masiixa 9 Aniga oo ah Yooxanaa, walaalkiin iyo midki idin kala qeyb qaatay dhibaatada iyo boqortooyada iyo dulqaadashada Ciise, waxaan joogay jasiiradda Batmos aniga oo wacdinaya ereyga Illaahey oo Ciisana u marqaatifuraya. 10 Maalinta Rabbiga, Ruuxa Quduuska ah ayaa igu soo dul dagay waxaan gadaasheyda ka maqlay cod u dheer sidii turumbada. 11 Codkuna wuxuu yiri, “Wixii aad aragtid buug ku qor una dir toddobada kaniisadood kuwaasoo ah, Efesos, Simurna, Bergamos, Tu’ateyra, Sardis, Filadelfiya iyo La’odikiya.” 12 Intaan gadaal u jeestay ayaan fiiriyay si aan u arko qofkii ila hadalayay. Markaan jeestayna waxaan arkay toddobo laambadood oo dahab ah. 13 Laambad saaryada dhexdooda waxaa taagnaa qof u eg Wiilka Aadanaha, oo gashan maro dheer ee gaareysa illaa cagahiisa, xabadkana shakaal dahab ah ayaa ugu xirnaa. 14 Timaha madaxiisana waxey u cadaayeen sida suuf iyo baraf, indhihiisuna waxey ahaayeen sida holaca dabka ah. 15 Cagihiisuna waxey u ekaayeen maar foorno lagu dhalaaliyay, oo codkiisuna wuxuu ahaa sida codka hirarka badda. 16 Gacantiisa midigna wuxuu ku hayay toddobo xiddigood, afkiisana waxaa kasoo baxayay seef soofeysan oo laba af leh. Wejigiisuna wuxuu ahaa sida qorax dhalaaleysa. 17 Markaan arkayna waxaan ku dhacay cagihiisa sida qof dhintay oo kale. Kadibna wuxuu i saaray gacantiisa midig oo wuxuu igu yiri, “Ha cabsan, waayo waxaan ahay kan ugu horeeya oo uguna dambeeya. 18 Waxaan ahay Midka Nool, waan dhintay, haddana arag, weligey waan noolaan doonaa! Waxaanna hayaa furaha dhimashada iyo xabaalahaba.” 19 “Sidaa darteed qor waxyaalaha aad aragtay, waxa hadda jira iyo waxa dhici doona. 20 Macnaha toddobada xiddigood ee aad aragtay aniga oo gacanteyda midig ku haya iyo toddobada laambadood ee dahabka ah. Toddobada xiddigood waa malaa’igta toddobada kaniisadood, toddobada laambadoodna waa toddobada kaniisadood.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.