Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Matayos 8 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ciise oo bogsiiyay nin baras qaba

1 Markii uu Ciise buurtii kasoo degay, dad badan ayaa raacay.

2 Nin baras qaba ayaa u yimid intuu hortiisa ku sujuuday ayuu ku yiri, “Rabbiyow, haddaad dooneyso waad i bogsiin kartaa.”

3 Ciise intuu gacantiisa fidiyay ayuu ninkii taabtay oo yiri, “Waan doonayaa, ee bogso.” Isla markiiba baraskii wuu ka bogsaday.

4 Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Arintan qofna ha u sheegin, laakiin tag oo wadaadka tus inaad bogsatay. Kadib hadiyad macbadka gee sidii uu Muuse amray, si ey marqaatifur ugu noqoto iyaga.”


Iimaankii Boqol u taliyaha

5 Markii uu Ciise galay Kafarna’um, waxaa u yimid Boqol u taliye caawimaad weydiisanaya,

6 wuxuu ku yiri, “Sayidow, adeegaheygi guriga ayuu dhex jiifaa mana kici karo aad ayuuna u dhibaatoonayaa.”

7 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Miyaan imaadaa oo bogsiiyaa?”

8 Boqol u taliyihii ayaa ku jawaabay, “Sayidow, uma qalmo inaad gurigeyga timaado, laakiin erey oo kaliya dheh adeegaheyguna wuu bogsan doonaa.

9 Waayo anigu xitaa waxaan ahay qof sharci ku hoos jira, askarna wey iga hooseysaa. Midkood ayaan ku dhahaa, ‘Tag,’ wuuna tagaa, mid kalaan ku dhahaa, ‘Kaalay,’ wuuna yimaadaa. Adeegaheyga ayaan ku dhahaa, ‘Waxan samee,’ wuuna sameeyaa.”

10 Ciise markii uu arintaas maqlay, aad ayuu ula yaabay wuxuuna kuwii la socday ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, reer binu Israa’iil dhexdooda kuma arag qof iimaankiisu sidan u weyn yahay.

11 Waxaan idin ku leeyahay, dad badan ayaa ka imaan doona bariga iyo galbeedka, waxeyna la fariisan doonaan Ibraahim, Isxaaq iyo Yacquub xafladda boqortooyada jannada dhexdeeda.

12 Laakiin kuwii boqortooyada ey ahayd iney ku jiraan banaanka mugdiga ah ayaa lagu tuuri doonaa, halkaas oo ey ka jiri doonto baroor iyo ilka isku qabsi.”

13 Kadib Ciise ayaa ku yiri boqol u taliyihii, “Tag gurigaaga, sidaad u aamintay hakuu ahaato.” Isla markiina adeegihiisi wuu bogsooday.


Ciise oo dad badan bogsiiyay

14 Markii uu Ciise yimid gurigii Butros, wuxuu arkay Butros sodohdiis oo sariirta qandha la jiiftay.

15 Gacanteeda ayuu taabtay, qandhadiina wey deysay, weyna kacday oo u adeegtay.

16 Markii fiidkii la gaaray, waxaa Ciise loo keenay dad badan oo ruuxyo wasakh leh qaba, erey oo kaliya ayuu ruuxyadii wasakhda lahaa ku saaray dadkii xanuusanaa oo dhanna wey bogsadeen.

17 Arintaas waxey ka dhabeyneysaa wixii lagu sheegay afkii nebi Isayos, “Wuxuu qaaday cuduradeeni wuuna na bogsiiyay.”


Ka mid noqoshada xerta Ciise

18 Markii uu Ciise arkay dadkii badnaa ee hareerahiisa joogay, wuxuu amray iney dhinaca kale ee harada tagaan.

19 Kadib waxaa u yimid mid ka mid ah macalimiinta sharciga Muuse wuxuuna ku yiri, “Macalinow, meel walboo aadid waan kuu raacayaa.”

20 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dawacooyinku godad ayey leeyihii shimbirruhuna buulal, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu u hoydo ma laha.”

21 Mid kale oo xerta ka mid ah ayaa Ciise ku yiri, “Rabbiyow, marka hore ii ogolaw inaan tago oo aan soo duugo aabahay.”

22 Laakiin Ciise ayaa ugu jawaabay, “Isoo raac oo dhaaf meydadku ha duugaan meydkooda.”


Ciise oo duufaantii dajiyay

23 Kadib Ciise wuxuu fuulay doon xertiisina wey raaceen,

24 isla markiiba duufaan daran ayaa wartii ka kacday, hirarkiina waxey garaaceen doontii. Laakiin Ciise wuu hurday.

25 Markaas ayaa xertii u tageen oo kiciyeen iyagoo leh, “Sayidow, na badbaadi! Waan dhiman rabnaaye!”

26 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Kuwiinan iimaanka yarow, maxaad sidan ugu cabsaneysaan?” Kadibna wuu kacay oo wuxuu canaantay duufaantii iyo hirarkii, weyna degeen.

27 Nimankii doonta saarnaa wey yaabeen waxeyna yiraahdeen, “Yuu yahay ninkan? Xitaa duufaanta iyo hirarka ayaa adeecaya!”


Ciise oo bogsiiyay laba nin oo ruuxyo wasakh leh qaba

28 Markii uu Ciise gaaray dhinicii kale ee warta soohdinta Gadareni, wuxuu la kulmay laba nin oo ruuxyo wasakh leh qaba oo xabaalaha kasoo baxaya. Aad ayey khatar u ahaayeen qofna jidkaas ma mari karin.

29 Waxey ku qayliyeen, “Ciisow, Wiilkii Illaaheyow, maxaad naga rabtaa? Ma waxaad u timid inaad na ciqaabto intaan waqtigii na la ciqaabi lahaa la gaarin?”

30 Meel xoogaa u jirta waxaa daaqayay doofaarro badan.

31 Markaas ayaa ruuxyadii wasakhda lahaa Ciise ka baryeen, oo ku yiraahdeen, “Haddaad na bixineysid, noo dir doofaarradaas.”

32 Ciise ayaa ku yiri, “Taga” Markaas ayey ninkii ka baxeen waxeyna galeen doofaarradii, doofaarradii ayaa hoos u daadagay oo ku yaacay warta, biyihii ayeyna ku dhinteen.

33 Kuwii doofaarrada daajinayay ayaa u cararay magaalada, qof walbana waxey u sheegeen wixii dhacay gaar ahaan wixii ku dhacay nimankii ruuxda wasakhda leh qabay.

34 Kadib dadkii magaalada oo dhan ayaa banaanka u soo baxay si ey Ciise ula kulmaan. Markey arkeen Ciise ayey ka baryeen inuu soohdintooda ka tago.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan