Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Matayos 7 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Xukunka dadka kale

1 “Ha xukumina yaan la idin xukumine.

2 Waayo sidaad dadka u xukuntaan ayaa la idiin xukumi doonaa, qiyaastii aad ku qiyaastaan ayaa la idin ku qiyaasi doonaa.

3 “Maxaad u fiirineysaa saxarka isha walaalkaa ku jira oo aadan u arag dogobka ishaada ku jira?

4 Sidee ayaad ugu dhihi kartaa walaalkaa, ‘Kaalay aan saxarka ishaada ku jira kaa bixiyee,’ adigoo dogob ishaada ku jira?

5 Labawejiilayahow, marka hore dogobka ishaada ku jira iska bixi, kadibna si fiican ayaad u arki doontaa marka aad saxarka isha walaalkaa ku jira ka saarayso.

6 “Eeyaha ha siinina waxa quduuska ah, luulkiinana ha u tuurina doofaarrada, waayo wey ku dul tumanayaan kadibna wey kugu soo laabanayaan oo wax ayey kuu geysanayaan.


Weydii, doondoon, garaac

7 “Weydiista waana la idin siin doonaa, doondoona waadna heli doontaan, garaaca albaabkana waa la idin ka furi doonaa.

8 Waayo qof walboo weydiista waa la siiyaa, mid walboo doondoonana wuu helaa, mid walboo garaacana, albaabka waa laga furi doonaa.

9 “Midkee ayaa idin ka mid ah oo haddii uu wiilkiisu weydiisto kibis, siinaya dhagax?

10 Ama haddii uu weydiisto kalluun, siinaya mas?

11 Haddaba idinkan sharta leh haddaad garaneysaan sida wax fiican loo siiyo caruurtiina, intee ka badan ayuu Aabihiinna samada jooga siinayaa wax fiican inta weydiisata oo dhan!

12 Ula dhaqan dadka kale sidii aad jeclaan lahayd in laguula dhaqmo. Tani waa wixii ey kitaabadii nebiyada iyo sharcigii Muuse ka hadlayeen.


Iridda ciriiriga ah iyo iridda waasaca ah

13 “Albaabka ciriiriga ah ka gala waayo albaabka wadada dadka hoogga ku hagtaa waa waasac, jidka dhinaceeda aadana wey fududahay in la maro, oo dad badan ayaa albaabkaas ka gala.

14 Laakiin iridda noloshu waa ciriiri, jidka dhinaceeda aadana wey adagtahay in la maro, oo dad yar ayaa hela.


Nebiyada beenta ah

15 “Iska jira nebiyada beenta ah! Waxey idiin imaanayaan iyagoo qaba dharka idaha, laakiin gudaha waxey ka yihiin yeey wax weerareysa.

16 Mirahooda ayaad ku garan doontaan. Dadku miyay canab ka gurtaan geed qodxa leh, berdana miyaa laga gurtaa geedka tiitiinka?

17 Geed walboo wanaagsan wuxuu dhalaa mirro wanaagsan, laakiin geed walboo xun wuxuu dhalaa mirro xun.

18 Geed wanaagsan ma dhali karo mirro xun, geed xunna ma dhali karo mirro wanaagsan.

19 Geed walboo aan mirro wanaagsan dhalin waa la goyn doonaa dabkaana lagu tuuri doonaa.

20 Sidaa darteed mirahooda ayaad ku garan doontaan.


Xerta runta ah iyo xerta beenta ah

21 “Ma aha in qof walboo igu yiraahda, ‘Rabbiyow, Rabbiyow,’ uu gali doono boqortooyada jannada, laakiin waxaa gali doona oo kaliya kuwa adeeca doonista Aabahayga jannada ku jira.

22 Dad badan ayaa maalinta wax la xukumayo igu dhihi doona, ‘Rabbiyow, Rabbiyow, miyaanan magacaaga wax ku sii sheegin oo aanan magacaaga ruuxyada wasakhda leh ku bixin oo aanan magacaaga mucjisooyin ku sameynin?’

23 Kadibna si cad ayaan ugu dhihi doonaa, ‘Weligey idin ma aqoon. Iga fogaada, xumaan falayaal yahow!’


Labadii nin ee guryaha dhistay

24 “Qof walboo ereyadayda maqla oo ku dhaqma waa sidii nin caqli leh oo gurigiisa ka dul dhisay dhagax.

25 Markii uu roobkii da’ay, daadkii ayaa yimid, dabayshiina wey kacday oo waxey garaacday gurigii, laakiin ma uu dumin, maxaa yeelay aasaaskiisu wuxuu ku dhisnaa dhagax.

26 Laakiin qof walboo ereyadayda maqla oo aan ku dhaqmin waa sida nin doqon ah oo gurigiisa ka dul dhisay ciid.

27 Markii uu roobkii da’ay, daadkii ayaa yimid, dabayshiina wey kacday oo waxey garaacday gurigii, si xun ayuuna u burburay.”

28 Markii uu Ciise hadalkii dhameystay, wax baritaankiisi ayaa ka yaabiyay dadkii badnaa,

29 waayo wuxuu wax u baray sidii mid awood leh mana uu ahayn sida macalimiintooda sharciga oo kale.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan