Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Matayos 4 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Ibliis ayaa isku dayay inuu Ciise tijaabiyo

1 Ruuxa Quduuska ah ayaa Ciise u hogaamiyay cidlada si ibliisku u jarribo.

2 Kadib markii uu soomanaa afartan maalmood iyo afartan habeen ayuu aad u gaajooday.

3 Markaas ayaa jarribihii u yimid oo ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay, ku dheh dhagaxyadaan kibis noqda.”

4 Ciise ayaa u jawaabay oo ku yiri, “Wey qoran tahay, ‘Binu aadanku waa in uusan kibis kaliya ku noolaanin, laakiin erey walboo Illaahey afkiisa kasoo baxa.’ ”

5 Kadib ibliiskii ayaa u kaxeeyay magaalada quduuska ah wuxuuna kor istaajiyay darbigii ugu dheeraa ee macbadka,

6 wuxuuna ku yiri, “Haddaad Wiilka Illaahey tahay meeshan iska tuur. Waayo wey qoran tahay, “ ‘Illaahey wuxuu kuu amri doonaa malaa’igtiisa, oo gacmahooda ayey kugu qaban doonaan, si eysan cagtaadu dhagaxa ugu dhicin.’ ”

7 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Sidoo kale wey qorantahay, ‘Ha jarribin Rabbiga Illaahaaga ah.’ ”

8 Ugu dambeyntii Ibliiskii wuxuu Ciise kor saaray buur aad u dheer, wuxuuna tusay boqortooyada aduunka oo dhan iyo hantida taala.

9 Wuxuuna ku yiri, “Waxan oo dhan waan ku siin doonaa haddaad ii sujuudo oo aad i caabudo.”

10 Ciise ayaa ugu jawaabay oo ku yiri, “Iga fogow, Shaydaan yahow! Waayo wey qoran tahay, ‘Waa inaad caabudid Rabbiga Illaahaaga ah oo aadna kaligiis u adeegtid.’ ”

11 Kadib ibliiskii wuu ka tagay Ciise, waxaana u yimid malaa’ig oo caawisay.


Ciise oo bilaabay inuu wacdiyo

12 Ciise markii uu maqlay in Yooxanaa xabsi la galiyay ayuu Galili aaday.

13 Marka hore wuxuu tagay Naasared kadibna wuxuu kasii aaday oo degay Kafarna’um, taas oo ku taalay warta Galili agteeda soohdinta Sebulun iyo Naftaali.

14 Si looga dhabeeyo wixii kitaabkii nebi Isayos lagu sheegay,

15 “Dhulka Sebulun iyo dhulka Naftaali, jidka badda, webi Urdun shishadiisa, Galili dhulka ey ku nool yihiin dad aan Yuhuud ahayn.

16 Inkastoo ey dadkiinu mugdi ku noolaayeen, waxey arkeen iftiin weyn. Inkastoo ey ku noolaayeen hooska dhimashada, iftiin ayaa u ifay.”

17 Haddaba Ciise wuxuu bilaabay inuu wacdiyo, isaga oo leh, “Toobadkeena, waayo boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.”


Ciise oo doortay xertiisi ugu horeysay

18 Ciise oo ag maraya badda Galili ayaa arkay laba walaalo ah, mid wuxuu ahaa Simoon oo loo yaqaanay Butros kan kalana wuxuu ahaa Andaros. Waxey badda ku tuurayeen shabaag waayo waxey ahaayeen kalluumaysato.

19 Ciise ayaa ku yiri, “Kaalaya oo isoo raaca, waxaan idin ka dhigi doonaa kuwa dadka jillaabta.”

20 Isla markiiba intey shabaagyadoodi ka tageen ayey Ciise raaceen.

21 Markii uu meeshaas ka tagay wuxuu arkay laba kale oo walaalo ah, waxeyna kala ahaayeen Yacquub ina Sebedi iyo walaalkiis Yooxanaa. Waxey aabahood la saarnaayeen doon waxeyna hagaajinayeen shabaagyadooda. Ciise ayaa iyagana sidoo kale u yeeray,

22 isla markiiba intey doontii iyo aabahoodba ka tageen ayey Ciise raaceen.


Ciise oo bogsiiyay dad xanuusan

23 Ciise wuxuu dhex maray Galili oo dhan, isaga oo sunagogyadooda wax ku baraya oo ku wacdinaya warka wanaagsan ee boqortooyada Illaah, bogsiinayana cudur walba ee dadka dhexdooda ka jiray.

24 Warka Ciise ku saabsan ayaa ku faafay Suuriya oo dhan, dadkuna waxey u keeneen dhamaan kuwii cudurada kala duwan qabay, kuwii la rafaadsanaa xanuunka daran, kuwii ruuxyada wasakhda leh qabay, kuwii suuxdinta qabay iyo kuwii curyaanka ahaa, kuligoodna wuu bogsiiyay.

25 Dad badan oo ka kala yimid Galili, Dekabolis, Yeruusaalem, Yahuudiya iyo agagaarka webiga Urdun ayaa Ciise raacay.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan