Matayos 3 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubYooxanaa Baabtiisaha oo jidka sii diyaarinaya 1 Maalmahaas waxaa yimid Yooxanaa Baabtiisaha oo ka wacdinaya cidladii Yahuudiya. 2 Isaga oo leh, “Toobadkeena, waayo boqortooyada jannada wey soo dhawaatay.” 3 Yooxanaa waa kii uu nebi Isayos ka hadlay isaga oo leh, “Codka kan cidlada ka dhawaaqaya oo leh, ‘Rabbiga jidka u hagaajiya, waddooyin toosan isaga u sameeya.’ ” 4 Dharka Yooxanaa waxey ka sameysnaayeen dhogorta geela, dhaxdana waxaa ugu xirnaa suun maqaar ah. Wuxuuna cuni jiray anyax iyo malab duureed. 5 Dadku waxey uga kala imaanayeen Yeruusaalem, Yahuudiya oo dhan iyo waddanka Urdun. 6 Dembiyadooda markey qirtaanna wuxuu ku baabtiisayay webi Urdun. 7 Laakiin Yooxanaa markii uu arkay qaar badan oo ka mid ah Farrisiinta iyo Sadukiinta oo imaanaya meeshii uu dadka ku baabtiisayay ayuu ku yiri, “Idinkan sharta leh sida abeesooyinka! Yaa idin kaga digay inaad ka carartaan carada Illaah ee imaaneysa? 8 Noloshiina ha laga arko inaad toobadkeenteen. 9 Hana is dhihina, ‘Ibraahim ayaa awoowgeen ah oo Illaahey nama ciqaabi doono.’ Waayo waxaan idin ku leeyahay Illaahey dhagaxyadaan dhexdooda ayuu caruurta Ibraahim kasoo saari karaa. 10 Haddaba faasku wuxuu yaalaa geedaha salkooda, geed walboo aan mirro fiican dhalinna waa la goyn doonaa oo dabka ayaa lagu tuuri doonaa. 11 “Waxaan ku baabtiisaa biyo kuwa dembiyadooda ka toobadkeena. Laakiin waxaa iga daba imaan doona mid iga awood badan, mid aanan xitaa anigu istaahilin inaan kabahiisa u qaado. Wuxuu idin ku baabtiisi doonaa Ruuxa Quduuska ah iyo dab. 12 Masaftiisa gacantiisa ayuu ku wataa, meesha wax lagu tumana wuu nadiifin doonaa, isaga oo sarreenkiisa maqsinka ku guraya buunshadana ku gubaya dab aan damayn.” Baabtiiskii Ciise 13 Ciise wuxuu ka tagay Galili wuxuuna aaday webi Urdun si uu Yooxanaa isaga u baabtiiso. 14 Laakiin Yooxanaa wuxuu isku dayay inuu diido isaga oo leh, “Aniga ayaa u baahan inaad i baabtiisto. Maxaad iigu timid?” 15 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Hadda waa inaad ogolaataa, waayo waa inaan oofiyo waxa xaqa ah ee uu Illaahey naga rabo.” Markaas ayuu Yooxanaa ogolaaday inuu Ciise baabtiiso. 16 Markii Ciise la baabtiisay ee uu biyaha kasoo baxay, isla markiiba samada ayaa furantay wuxuuna arkay Ruuxa Illaahey oo ugu soo degaya sidii qoolley oo kale. 17 Oo cod ayaa samada ka dhawaaqay oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, oo waan ka raali noqday.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.