Matayos 27 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubYuudas oo is daldalay 1 Aroortii markey ahayd ayaa gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii oo dhan kulmeen waxeyna go’aansadeen in Ciise la dilo. 2 Markaas ayey xireen oo kaxeeyeen waxeyna u dhiibeen Bilaatos oo ahaa taliyaha reer Rooma. 3 Yuudas kii khiyaanay markii uu arkay in Ciise dil lagu xukumay, wuu ka shalaayay wuxuu sameeyay, wuxuuna gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii u celiyay sodonkii shilin ee qalinka ahaa. 4 Wuxuuna ku yiri, “Waan dembaabay, waayo waxaan khiyaanay nin dembi la’aan ah.” Markaas ayey ugu jawaabeen, “Maxaa naga galay? Adiga ayey ku quseysaa.” 5 Haddaba Yuudas intuu lacagtii macbadka gudihiisa ku tuuray kadibna tagay ayuu is daldalay. 6 Gudoomiyayaashii wadaaddada intey lacagtii qaadeen ayey yiraahdeen, “Waa xaaraan in lacagtan lagu daro khasnada macbadka, waayo waa lacag qof dhiigiis lagu gaday.” 7 Markaas ayey go’aansadeen iney lacagtii ku gadaan dhul uu lahaa nin dheryaha sameyn jiray si ey dadka shisheeyaha ah ugu aasaan. 8 Sababtaas darteed ayey dadku illaa maanta dhulkaas ugu yeeraan Dhulkii Dhiigga. 9 Sidaas ayeyna ku dhaboowday wixii nebi Yeremyaah uu sii sheegay, “Waxey qaateen sodankii shilin ee qalinka ahaa, oo ah lacagtii ey dadka reer binu Israa’iil ku qiimeeyeen isaga, 10 waxeyna u isticmaaleen iney ku gadaan dhulkii dheri sameeyaha, sida Rabbigu igu amray.” Ciise oo la hor geeyay Bilaatos 11 Ciise waxaa la hor geeyay taliye Bilaatos, wuxuuna weydiiyay, “Ma waxaad tahay boqorka Yuhuudda?” Ciise ayaa ugu jawaabay, “Adiga ayaa yiri.” 12 Markey gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii eedeeyeenna ma hadlin. 13 Kadib Bilaatos ayaa weydiiyay, “Ma maqashid miyaa waxyaalaha ey kugu eedeynayaan?” 14 Laakiin Ciise uma jawaabin, taliyihiina aad ayuu ula yaabay. 15 Marka la joogo Dabaaldaga Iidda kormaridda taliyaha caadadiisu waxey ahayd inuu dadka usii daayo maxbuuska ey dalbadaan. 16 Waqtigaas waxaa xirnaa nin caan ah oo la dhihi jiray Baraabbas. 17 Haddaba markey dadkii isku soo urureen, Bilaatos ayaa weydiiyay, “Keebaan idiin soo daayaa, ma Baraabbas mise Ciise Masiix?” 18 Waayo wuu ogaa iney Ciise maseyr dartiis ugu soo dhiibeen. 19 Markii uu Bilaatos wax xukumayay naagtiisi ayaa fariin u soo dirtay waxeyna ku tiri, “Waxba haku sameynin ninkaas xaqa ah, waayo waxaa la i tusay riyo xun isaga dartiis.” 20 Laakiin gudoomiyayaashii wadaaddada iyo odayaashii ayaa dadkii ku qanciyay iney dalbadaan in Baraabbas loo soo daayo oo Ciise la dilo. 21 Bilaatos ayaa dadkii weydiiyay, “Labadooda keebaan idiin soo daayaa?” Waxey ku jawaabeen, “Baraabbas.” 22 Markaas ayuu Bilaatos iyagii weydiiyay, “Haddaba Ciise Masiix maxaan ku sameeyaa?” Markaas ayey kuligood ku qayliyeen, “Iskutallaabta ku qodob.” 23 Bilaatos ayaa weydiiyay, “Sabab, waa maxey dembiga uu galay?” Laakiin waxey aad ugu sii qayliyeen, “Ha la qodbo.” 24 Bilaatos markii uu arkay in uusan waxba sameyn karin dadkuna ey rabshad kicin rabaan, wuxuu qaatay biyo hortooda ayuuna gacmaha ku dhaqday wuxuuna yiri, “Ninkan dhiigiisa shaqa kuma lihi, idinka ayaa dembigiisa qaadi doona!” 25 Dadkii oo dhan ayaa ku jawaabay, “Dembiga dhiigiisa anaga iyo caruurteena ayaa qaadayna!” 26 Bilaatos wuxuu amray in Baraabbas iyaga loo sii daayo. Kadibna wuxuu amray iney Ciise garaacaan oo ey iskutallaabta ku qodbaan. Askartii oo ku jeesjeestay Ciise 27 Kadib askartii gudoomiyaha ayaa Ciise u kaxeeyeen xaruuntii gudoomiyaha waxeyna iskugu yeereen askartii kale oo dhan. 28 Dharkiisi ayey ka jeexjeexeen waxeyna u galiyeen dhar guduudan, 29 madaxiisana waxey saareen taaj qodax laga sameeyay. Waxey gacanta midig u galiyeen ul, kadibna intey ku hor sujuudeen ayey si jeesjees ah u yiraahdeen, “Boqorka Yuhuudda ha noolaado!” 30 Wejiga ayey kaga candhuufeen kadibna ushii ayey madaxa kaga mudmudeen. 31 Markey ku jeesjeeseen kadib, waxey ka siibeen dharkii guduudnaa waxeyna u geliyeen dharkiisi. Kadibna waxey u kaxeeyeen iney iskutallaabta ku qodbaan. Ciise oo iskutallaabta lagu qodbay 32 Markey sii socdeen waxey jidka kula kulmeen nin reer Sayriin ah, oo lagu magacaabo Simoon, waxeyna ku qasbeen inuu iskutallaabta qaado. 33 Waxey yimaadeen meel la yiraahdo Golgota oo macnaheedu yahay, “Meeshii lafta Madaxa.” 34 Markii meeshii la gaaray waxey siiyeen khamri wax qaraar lagu daray, laakiin markii uu dhadhamiyay wuu diiday inuu cabo. 35 Markey iskutallaabta ku qodbeen ayey qori tuur ku qeybsadeen dharkiisi. 36 Kadibna meeshaas ayey fariisteen oo ku waardiyaynayeen. 37 Waxey meel madaxiisa ka sareysa ku qoreen eeddii ey ku eedeeyeen, waxaana ku qornaa, Kani Waa Ciise Boqorka Yuhuudda. 38 Waxaa lala qodbay laba dembiile, mid wuxuu ka jiray dhinaca midig midka kalana dhinaca bidix. 39 Dadkii meesha marayay oo dhan waxyaalo xun ayey Ciise ka sheegeen. Madaxooda ayeyna ruxayeen, 40 waxeyna ku qaylinayeen, “Adiga ayaa sheegtay inaad burburin doonto macbadka kadibna aad ku dhisi doonto saddex maalmood gudahood! Is badbaadi oo iskutallaabta kasoo deg haddii aad Wiilka Illaahey tahay!” 41 Sidoo kale ayeyna gudoomiyayaashii wadaaddada, macalimiintii sharciga Muuse iyo odayaashii ugu jeesjeeseen Ciise, 42 waxeyna yiraahdeen, “Wuxuu badbaadiyay dad kale, laakiin naftiisa ma badbaadin karo! Hadduu yahay boqorka Israa’iil, ha kasoo dego iskutallaabta, waanna rumeyn doonnaa. 43 Illaahey ayuu isku haleeyay, haddaba Illaahey hadda ha badbaadiyo hadduu raali ka yahay, waayo wuxuu yiri, ‘Waxaan ahay Wiilka Illaahey.’ ” 44 Sidoo kale labadii dembiile ee iskutallaabta kula qodbanaa ayaa waxyaalo xun ku yiri Ciise. Dhimashadii Ciise 45 Laga bilaabo lix saac mugdi ayaa qariyay dhulka oo dhan illaa saddexdii duhurnimo. 46 Markii sagaal saac oo galabnimo la joogay, ayaa Ciise cod dheer ku yiri, “Eloy, Eloy, lama sabakhtani?” (Taas oo macnaheedu yahay “Illaaheyow, Illaaheyow, maxaad ii deyrisay?”) 47 Markii qaar ka mid ah kuwii meesha taagnaa maqleen hadalkaas, waxey yiraahdeen, “Wuxuu u yeeranayaa Eliyaas.” 48 Mid iyagii ka mid ah ayaa orday oo suuf ku dhex riday khamro dhanaan, kadibna ul ku muday Ciisana u dhiibay si uu bishimaha ugu qoysto. 49 Kuwii kale ayaa ku yiri, “Iska dhaaf aan aragnee in Eliyaas u yimaado oo uu badbaadiyo.” 50 Markii uu Ciise mar labaad cod dheer ku qayliyay, ayuu ruuxiisi bixiyay. 51 Isla waqtigaas daahii macbadkana laba meel ayuu u kala jeexmay kor ayuu kasoo bilowday illaa hoos. Dhulkii ayaa gariiray, dhagaxyadii ayaa burburay. 52 Xabaalihii ayaa furmay, jirrarka dad badan oo quduus ah ee dhintay ayaa nolol loo sarakiciyay. 53 Xabaalahoodi ayey kasoo baxeen markii uu Ciise soo sarakacay kadib waxeyna tageen magaalada quduuska ah dad badan ayaana arkay. 54 Markii boqol u taliyihii iyo askartiisi Ciise ilaalinayay arkeen dhul gariirkii iyo wax walboo dhacay, wey argagaxeen waxeyna yiraahdeen, “Xaqiiqdii wuxuu ahaa Wiilka Illaahey!” 55 Halkaasna waxaa joogay dumar badan oo meel fog ka daawanayay, kuwaas oo Ciise kala yimid Galili si ey ugu adeegaan. 56 Dumarkaas waxaa ka mid ahaa Maryantii reer Magdala, iyo Maryan oo ahayd Yacquub iyo Yuusuf hooyadood, iyo wiilashii Sebedi hooyadood. Aaskii Ciise 57 Markii galabtii la gaaray nin taajir ah oo Ciise xertiisa ka mid ahaa magaciisana Yuusuf la yiraahdo kana yimid magaalada Arimataya, 58 ayaa Bilaatos u yimid oo weydiistay in la siiyo jirka Ciise. Bilaatosna wuxuu amar ku bixiyay in Yuusuf jirka Ciise la siiyo. 59 Yuusuf wuxuu jirkii Ciise kasoo dajiyay iskutallaabtii wuxuuna ku duuduubay karfan nadiif ah. 60 Kadibna wuxuu galiyay qabri uu lahaa oo dhagax laga qoday oo aan weligiis qof lagu aasin, kadibna wuxuu albaabkii xabaasha ku daboolay dhagax weyn wuuna tagay. 61 Waqtigaas oo dhan Maryantii reer Magdala iyo Maryantii kale waxey fadhiyeen meel kasoo hor jeeda xabaasha. Ilaaladii qabriga 62 Maalintii ku xigtay oo ahayd Sabti, gudoomiyayaashii wadaaddada iyo Farrisiintii waxey u tageen Bilaatos. 63 Waxeyna ku yiraahdeen, “Mudane, waxaan xasuusanaa beenaalahaas intuu noolaa inuu yiri, ‘Saddex maalmood kadib waan soo sarakici doonaa.’ 64 Haddaba amar ku bixi in xabaasha la ilaaliyo illaa maalinta saddexaad. Waayo waxaa laga yaabaa in xertiisu yimaadaan oo ey jirkiisa xadaan kadibna dadka ugu sheekeeyaan wuu sarakacay. Beentan dambe ayaana ka darnaan doonta tii hore.” 65 Markaas ayuu Bilaatos ugu jawaabay, “Waardiyayaal qaata, oo ilaaliya xabaasha in alla intaad awoodaan.” 66 Markaas ayey tageen oo hubiyeen qabrigii iyagoo dhagax kula shaabadeynaayo waardiyana saaraaya. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.