Matayos 22 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubTusaalihii xafladii arooska 1 Ciise mar labaad ayuu iyagii kula hadlay tusaale, wuxuuna ku yiri, 2 “Boqortooyada jannada waa sida boqor wiilkiisa u sameeyay xaflad aroos. 3 Adoomadiisi ayuu u diray kuwii uu martiqaaday si ey ugu yeeraan, laakiin wey diideen iney yimaadaan. 4 “Kadib adooma kale oo badan ayuu u diray wuxuuna ku yiri, ‘U sheega kuwii aan martiqaaday inaan diyaariyay casho, dibiyadaydi iyo lo’daydi buurbuurnayd waan diyaariyay, wax walbana waa diyaar. Imaada xafladda arooska.’ 5 “Laakiin martidii wey fududaysteen shaqooyinkoodi ayeyna kala aadeen, mid wuxuu aaday beertiisi mid kalana ganacsigiisi. 6 Kuwii soo harayna waxey qabteen adoomadii boqorka, si xun ayey ula dhaqmeen weyna dileen. 7 Boqorkii aad ayuu u xanaaqay. Wuxuu diray ciidankiisi wuxuuna baabi’iyay kuwii adoomadiisa dilay magaalooyinkoodina wuu gubay. 8 “Kadib adoomadiisi ayuu ku yiri, ‘Martiqaadka aroosku waa diyaar, laakiin kuwii aan martiqaaday uma qalmin iney imaadaan. 9 Haddaba jidadka taga oo u yeera qof walboo aad aragtaan.’ 10 Markaas ayey adoomadii tageen jidadka oo soo wadeen qof walboo ey arkeen, iyagoo iskugu jiray dad wanaagsan iyo dad xun, hoolkii arooskana marti ayaa ka buuxsantay. 11 “Laakiin markii uu boqorkii u yimid inuu martidii arko, wuxuu arkay nin aan dhar u qalma arooska xirneyn. 12 Wuxuuna weydiiyay, ‘Saaxiib sidee halkan ku soo gashay adoon xirneyn dhar arooska u qalma?’ Ninkii wuu hadli waayay. 13 “Kadib boqorkii wuxuu adeegayaashiisi ku yiri, ‘Ninkan lugaha iyo gacmaha ka xira oo banaanka mugdiga ah ku tuura, halkaas oo ey dadku barooran doonaan ilkahoodana xanuun dartiis iskugu qabsan doonaan.’ 14 “Waayo kuwo badan ayaa la martiqaaday, laakiin dad yar ayaa la doortay.” Canshuurta oo Kaysar la siiyo 15 Kadib Farrisiintii ayaa kulmay waxeyna qorsheeyeen siday Ciise ugu sababi lahaayeen inuu wax khalad ah ku hadlo. 16 Markaas kadib ayey waxey direen xertoodi oo ey la socdaan qaar dadkii boqor Herodos ka mid ah. Waxeyna ku yiraahdeen, “Macalinow, waan ognahay inaad nin daacad ah tahay dadkana aad barto wadada Illaahey ee runta ah. Dadkana waxaad ula dhaqantaa si isku mid ah, adigoo aan fiirinayn waxey yihiin. 17 Haddaba noo sheeg maxey kula tahay, ma banaantahay inaan Kaysar canshuurta siino mise ma banaana?” 18 Laakiin Ciise oo fahmay qorshahooda sharta leh ayaa ku yiri, “Labawejiilayaal yahow, maxaad iskugu dayeysaan inaad i shirqooshaan? 19 I tusa shilinka canshuurta loo bixiyo.” Waxey u keeneen diinaar, 20 markaas ayuu Ciise iyagii weydiiyay, “Yuu sawirkiisa iyo magaciisa ku yaalaa shilinkan?” 21 Waxey ku jawaabeen, “Kaysar.” Markaas ayuu ku yiri, “Haddaba Kaysar siiya wuxuu Kaysar leeyahay, Illaaheyna siiya wuxuu Illaahey leeyahay.” 22 Markey arintaas maqleen, wey yaabeen weyna iska tageen. Ciise oo la weydiiyay sarakicidda 23 Isla maalintaas ayaa waxaa Ciise u yimid Sadukiin, kuwaasoo aan aaminsaneyn sarakicidda, waxeyna weydiiyeen, 24 “Macalin, Muuse wuxuu nagu yiri hadduu nin dhinto isaga oo aan caruur lahayn, waxaa walaalkiis ku waajib ah inuu carmalada walaalkiis dumaalaa uuna ka dhalaa caruur walaalkiis dhaxasha. 25 Haddaba waxaa jiray toddobo nin oo walaala ah oo halkan ku noolaa. Kii ugu weynaa ayaa guursaday laakiin wuxuu dhintay isaga oo aan caruur lahayn. Sidaa darteed xaaskiisii waxaa dumaalay walaalkiis. 26 Isla sidii ayaa ku dhacday walaalkii labaad iyo kii saddexaad illaa laga gaaray kii toddobaad oo waxey wada dhinteen iyagoo aan wax dhalin. 27 Ugu dambeyntiina haweeneydii wey dhimatay. 28 Haddaba noo sheeg, yey xaaskiisa ahaan doontaa maalinta sarakicinta ileen kuligood wey soo guursadeene?” 29 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waad qaldantihiin waayo ma garaneysaan qorniinka ama awoodda Illaahey. 30 Waqtiga sarakicidda dadku ma guursan doonaan lamana guursan doono, waxeyna noqon doonaan sida malaa’igta jannada ku jirta. 31 Laakiin xagga sarakicinta kuwii dhintay miyaydnaan akhrin wuxuu Illaahey idin kula hadlay markii uu yiri, 32 ‘Waxaan ahay Illaaha Ibraahim, Illaaha Isxaaq iyo Illaaha Yacquub’? Ma aha Illaaha kuwa dhintay ee waa Illaaha kuwa nool.” 33 Markey dadkii badnaa arintaas maqleen aad ayey ula yaabeen waxbaridda Ciise. Qeynuunka ugu weyn 34 Kadib markey maqleen in Ciise aamusiyay Sadukiintii ayey Farrisiintii meel iskugu yimaadeen. 35 Mid iyaga ka mid ah oo macalin sharciga Muuse khabiir ku ahaa ayaa Ciise tijaabiyay isaga oo weydiiyay, 36 “Macalin, amarkee ayaa ugu weyn sharciga?” 37 Ciise ayaa ugu jawaabay, “ ‘Waa inaad Rabbiga Illaahaaga ah ka jeclaataa naftaada iyo qalbigaaga iyo caqligaaga oo dhan.’ 38 Kani waa amarka ugu horeeya oo ugu weyn. 39 Kan labaadna wuu u egyahay, ‘Waa inaad deriskaaga u jeclaataa sida aad adigu isku jeceshahay.’ 40 Sharciga oo dhan iyo wixii ey nebiyadu qoreen waxey ku dhan yihiin labadan amar.” Waa ina ayo Masiixa 41 Farrisiintii oo weli meeshii jooga ayuu Ciise weydiiyay, 42 “Maxaad ka aaminsan tihiin Masiixa? Waa ina ayo?” Waxey ku jawaabeen, “Waa wiilka Daa’uud.” 43 Markaas ayuu Ciise iyagii ku yiri, “Haddaba sidee ayey ku dhacday markii uu Daa’uud Ruuxa ka dhex hadlayay, inuu ugu yeeray ‘Sayid’? Waayo wuxuu yiri, 44 “ ‘Rabbiga ayaa Sayidkeyga ku yiri, “Fariiso gacanteyda midig illaa aan cadowgaaga cagahaaga hoos keeno.” ’ 45 Haddaba haddii uu Daa’uud ugu yeeray ‘Sayid’ sidee ayuu wiilkiisa ku noqon karaa?” 46 Qof hadla ayaa meeshii laga waayay, maalintaas kadibna qof ku dhaca inuu Ciise su’aal weydiiyo ma jirin. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.