Matayos 20 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubTusaalihii shaqaalaha beerta canabka ah 1 “Boqortooyada jannada waa sida nin dhul leh oo aroortii tagay si uu shaqaale ugu raadiyo beertiisa canabka ah. 2 Wuxuu kula heshiiyay inuu maalintii siiyo hal diinaar, wuxuuna u diray beertiisi si ey uga shaqeeyaan. 3 “Mar ey tahay saddex saac oo subaxnimo ayuu haddana baxay wuxuuna arkay kuwa kale oo suuqa taagan oo shaqo la’aan ah. 4 Markaas ayuu ku yiri, ‘Idinkuna taga beertayda oo ka shaqeeya, waxaanna idin siin doonaa wax kasta oo sax ah.’ 5 Kadibna beerta ayey aadeen. “Haddana lix saac oo duhurnimo iyo sagaal saac oo galabnimo ayuu baxay, mar walbana shaqaale ayuu beerta ku soo kordhiyay. 6 Haddana kow iyo toban saac oo galabnimo ayuu baxay wuxuuna arkay kuwa kale oo suuqa taagan, markaas ayuu weydiiyay, ‘Maxaad maanta oo dhan halkan u taagneydeen idinka oo aan waxba qabaneyn?’ 7 “Markaas ayey ku jawaabeen, ‘Waayo qofna shaqo nooma dirsan.’ “Markaas ayuu ku yiri, ‘Idinkuna taga oo beertayda ka shaqeeya.’ 8 “Markii fiidkii la gaaray, ayuu ninkii beerta lahaa u yeeray madaxii shaqaalaha wuxuuna ku yiri, ‘U yeer shaqaalaha siina mushaharkooda, adigoo ka bilaabaya kii ugu dambeeyay ee shaqada yimid una dambaysiinaya kii ugu horeeyay ee shaqada yimid.’ 9 “Markey yimaadeen kuwii la shaqaaleysiiyay kow iyo toban saac oo galabnimo, ayaa waxaa la siiyay hal diinaar midkiiba. 10 Haddaba markey yimaadeen kuwii ugu horeeyay ee la shaqaaleysiiyay, waxey u maleynayeen iney wax kuwa kale ka badan heli doonaan. Laakiin mid walboo iyaga ka mid ah wuxuu helay hal diinaar. 11 Waxey qaateen iyagoo ku gunuunacaya ninkii beerta lahaa. 12 Waxey yiraahdeen, ‘Kuwan gadaal ka yimid waxey shaqeeyeen oo kaliya hal saac, waadna na la sintay inagu oo qoraxda ku shaqeyneynay maalintii oo dhan shaqada culeyskeedina qabanay.’ 13 “Laakiin wuxuu ugu jawaabay midkood, ‘Saaxiib xaqdaro idin kuma sameyn. Miyaanan idin kula heshiin inaad iigu shaqeysaan hal diinaar? 14 Mushaharkaaga qaado oo tag. Waxaan rabaa inaan midkii ugu dambeeyay ee la shaqaaleysiiyay siiyo wax la mida waxaan adiga ku siiyay. 15 Miyaan xaq u lahayn inaan lacagtayda waxaan rabo ku sameeyo? Mise waxaad ka xun tahay inaan deeqsi ahay?’ 16 “Haddaba kuwa sareeya wey hooseyn doonaan kuwa hooseeyana wey sareeyn doonaan.” Ciise oo markii saddexaad dhimashadiisa sii sheegay 17 Intuu Ciise Yeruusaalem usii socday, ayuu laba iyo tobankii xertiisa ahaa gooni ula baxay wuxuuna ku yiri, 18 “Waxaan u soconaa Yeruusaalem, Wiilka Aadanahana waxaa loo gacangelin doonaa gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga Muuse. Waxey ku xukumi doonaan dil 19 Waxaana loo dhiibi doonaa dadka aan Yuhuudda ahayn si ey u bahdilaan oona garaacaan oo iskutallaabta loogu qodbo. Saddex maalmood kadibna wuu soo sarakici doonaa!” Codsigii hooyada 20 Kadib waxaa Ciise u yimid wiilashii Sebedi hooyadood oo ey wiilasheedi la socdaan, weyna u sujuuday iyadoo wax ka baryaysa. 21 Ciise ayaa ku yiri, “Maxaad rabtaa?” Markaas ayey ku tiri, “U ogolow in labadeydan wiil ey kaa kala fariistaan gacantaada midigta kan kalana fariisto bidixda boqortooyadaada dhexdeeda.” 22 Markaas ayaa Ciise ku yiri, “Ma garaneysaan waxaad weydisaneysaan, miyaad ka cabi kartaan koobka aan ka cabi doono?” Markaas ayey ku yiraahdeen, “Waan awoodnaa.” 23 Ciisana wuxuu iyagii ku yiri, “Runtii waad ka cabi doontaan koobkeyga silaca ah, laakiin inaad midigtayda ama bidixdayda fariisataan anigu ma idiin ogolaan karo. Boosaskaas waxaa leh kuwa uu Aabahay u diyaariyay.” 24 Markey tobankii kale ee xerta ahaa arintan maqleen, aad ayey uga xanaaqeen waxey labadii walaalaha ahaa sameeyeen. 25 Laakiin Ciise ayaa iskugu yeeray oo ku yiri, “Waad garaneysaan sida ey boqorrada dadka aan Yuhuudda ahayn ugu taliyaan dadkooda, iyo sida ey madaxdu dadka awood ugu taliyaan. 26 Laakiin idinku sidaas ha u dhaqmina. Qofkii raba inuu madax noqdo waa inuu dadka u adeego, 27 qofkii raba inuu ugu hormarana waa inuu adoon oo kale idiin noqdo. 28 Sida uusan Wiilka Aadanahu ugu imaan in loo adeego, laakiin inuu adeego, iyo inuu naftiisa u huro si uu kuwo badan u badbaadiyo.” Labadii indhoole ee aragooda helay 29 Markey Ciise iyo xertiisa Yerixoo kasii baxayeen, waxaa Ciise raacay dad badan. 30 Laba nin oo indha la’ ayaa jidka dhiniciisa fadhiyay, oo markey maqleen inuu Ciise meesha marayo ayey qayliyeen, iyagoo leh, “Sayidow, ina Daa’uudow, noo naxariiso!” 31 Dadkii ayaa canaantay oo u sheegay iney aamusaan, laakiin aad ayey usii qayliyeen iyagoo leh, “Sayidow, Wiilkii Daa’uudow, noo naxariiso!” 32 Ciise ayaa joogsaday oo ku yiri, “Maxaad rabtaan inaan idiin sameeyo?” 33 Waxeyna ku jawaabeen, “Sayidow, waxaan rabnaa inaan wax aragno.” 34 Ciise intuu u naxariistay ayuu indhahooda taabtay. Isla markii ayey wax arkeen weyna raaceen. |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.