Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Matayos 2 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Booqashadii nimankii xigmadda lahaa

1 Kadib markii uu Ciise ku dhashay magaalada Beytlaxam ee deegaanka Yahuudiya, waqtigii uu Herodos boqorka ahaa, waxaa Yeruusaalem xagga bari kaga yimid niman xigmad leh oo khibrad u leh cilmiga xiddigaha.

2 Waxeyna yiraahdeen, “Aaway ilmaha dhashay kaasoo ah boqorka Yuhuudda? Waxaan xiddigtiisi ka aragnay xagga bariga waxaanna u nimid inaan caabudno.”

3 Markii uu boqor Herodos maqlay arintaas isaga iyo dadkii Yeruusaalem joogay oo dhan wey welweleen.

4 Wuxuu iskugu yeeray gudoomiyayaashii wadaaddada iyo macalimiintii sharciga Muuse, wuxuuna weydiiyay, meesha uu Masiixu ku dhalanayay.

5 Waxeyna ku yiraahdeen, “Beytlaxamtii Yahuudiya, sidii ey nebiyadu qoreen,

6 “ ‘Beytlaxamtii dhulka Yahuudiya ku taalayey, waad ugu muhiimsantahay magaalooyinka Yahuudiya ku yaala, waayo waxaa kaasoo bixi doona taliye kaasoo hogaamin doona dadkeyga Israa’iil.’ ”

7 Kadib Herodos ayaa si qarsoodi ah ugu yeeray nimankii xigmadda lahaa wuxuuna ka hubsaday waqtiga ey xiddigtu u muuqatay.

8 Markaas ayuu Beytlaxam u diray wuxuuna ku yiri, “Taga oo si taxadar leh u raadiya cunugga. Si dhaqso leh iigu soo sheega markaad heshaan, si aan aniguna u booqdo oo aan u caabudo.”

9 Markey boqorka hadalkiisi dhageysteen kadib ayey tageen, oo xiddigtii ey bariga ka arkeen ayaa hor socotay illaa ey kor istaagtay meeshii uu cunuggu joogay.

10 Markey arkeen xiddigtii oo joogsatay aad ayey u farxeen.

11 Markey guriga yimaadeen oo ey arkeen cunuggii oo ey hooyadiis Maryan hayso, wey u sujuudeen oo caabudeen. Kadib waxey fureen qasnadoodi oo ey bixiyeen hadiyaddo dahab, foox iyo malmal ah.

12 Kadib riyo ayaa loogu digay in eysan ku laaban Herodos, waxeyna waddankoodi ugu laabteen wado kale.


U cararkii Masar

13 Markey nimankii xigmadda lahaa tageen malag xagga Rabbiga ka yimid ayaa riyo ugu muuqday Yuusuf wuxuuna ku yiri, “Kac oo dhaqso cunugga iyo hooyadiis ugula carar Masar. Halkaas jooga illaa aan soo noqda idin ku dhaho, waayo Herodos ayaa cunugga raadinaya si uu u dilo.”

14 Markaas ayuu Yuusuf kacay oo cunigii iyo hooyadiis kaxeeyay goor ey habeen tahay wuxuuna u cararay Masar,

15 halkaas ayeyna joogeen illaa uu Herodos ka dhintay. Sidaas ayeyna ku dhabowday wixii uu Rabbigu afkii nebiga ku sheegay, “Waxaan wiilkeyga uga yeeray Masar.”

16 Markii uu Herodos ogaaday in nimankii xigmadda lahaa ee bariga ka yimid ey isaga khiyaaneen, aad ayuu u xanaaqay, wuxuuna amray in la dilo wiilasha Beytlaxam iyo agagaarkeeda jooga ee laba sano jirka ah ama ka yar, isaga oo raacaya waqtigii uu nimankii xigmadda lahaa ka ogaaday.

17 Kadibna waxaa dhaboobay wixii uu Rabbigu afkii nebi Yeremyaah ku sheegay,

18 “Waxaa cod laga maqlay magaalada Raamaah, oohin iyo baroor weyn, Raaxeel oo u ooyaysa caruurteeda oo diidaysa in la qalbi qaboojiyo, waayo wey dhinteen.”


Kasoo laabashadii Masar

19 Kadib markii uu boqor Herodos dhintay, malag xagga Rabbiga ka yimid ayaa Yuusuf oo Masar jooga riyo ugu muuqday,

20 wuxuuna ku yiri, “Kac oo cunugga iyo hooyadiis u kaxee dhulka Israa’iil, waayo kuwii rabay iney qaadaan cunugga noloshiisa dilaan wey dhinteen.”

21 Markaas ayuu kacay oo kaxeeyay cunuggii iyo hooyadiis wuxuuna aaday dhulka Israa’iil.

22 Laakiin markii uu Yuusuf maqlay in Arkhela’os oo ahaa wiilkii Herodos uu hadda xukumayo Yahuudiya, wuu ka cabsaday inuu halkaas tago. Kadib riyo ayaa loogu sheegay inuu Galili tago.

23 Wuuna tagay waxeyna ku noolaayeen magaalo la yiraahdo Naasared. Sidaas ayeyna ku dhaboobeen wixii ey nebiyadu qoreen oo ahaa in loogu yeeri doono Naasaraani.

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan