Biblia Todo Logo
Bìoball air-loidhne

- Sanasan -

Matayos 18 - Ereyga Illaahey Axdiga Cusub


Yaa boqortooyada jannada ugu weyn

1 Markii uu Ciise la hadlay Butros kadib ayey xertii u yimaadeen oo waxey weydiiyeen, “Haddaba yaa ugu weyn boqortooyada jannada?”

2 Kadib Ciise wuxuu u yeeray cunug yar wuxuuna istaajiyay agtiisa.

3 Kadibna wuxuu iyagii ku yiri, “Runtii waxaan idin ku leeyahay, illaa aad isbadashaan oo aad ka noqotaan sida caruurta yar yar oo kale maahee, ma gali doontaan boqortooyada jannada.

4 Laakiin qofkii isku hooseysiiya sida caruurta yar yar, ayaa noqon doona kan ugu weyn boqortooyada jannada.

5 Qofkii magacayga ku soo dhaweeya caruurtan mid ka mid ah aniga ayuu isoo dhaweeyay.


Ciise oo ka digay in dadka dembi lagu sababo

6 “Haddii qof uu u sababo mid ka mid ah kuwan yar yar oo i aaminsan iney dembi galaan, waxaa u dhaami doonta in badda lagu tuuro isaga oo uu dhagax weyn qoortiisa ku xiranyahay.

7 Hoog ayaa u sugnaaday aduunka, waxyaalaha keena dadku iney turunturoodaan! Waxyaalahaas wey imaan doonaan, laakiin waa u hoog qofka ey xaggiisa ka yimaadaan.

8 Haddii gacantaadu ama cagtaadu xumaan kuu keeneyso iska jar oo tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad nolosha weligeed ah adiga oo curiyaan ah gashid intii naarta lagugu tuuri lahaa adiga oo laba gacmood iyo laba cagood leh.

9 Haddii ishaada xumaan kuu keeneyso iska saar oo tuur. Waxaa kuu wanaagsan inaad nolosha weligeed ah gashid adiga oo hal il leh intaad adiga oo laba indhood leh naarta lagugu tuuri lahaa.


Tusaalihii laxdii luntay

10 “Iska ilaaliya inaad yastaan mid ka mid ah carruurtan yar yar. Waayo waxaan idin ku leeyahay, malaa’igtooda jannada ku jirta ayaa mar walba wajiga Aabahayga jannada ku jira fiirinaya. [

11 Waayo Wiilka Aadanahu wuxuu u yimid inuu badbaadiyo kuwa lunsan.]

12 “Maxey idin la tahay, nin hadduu boqol ido leeyahay, oo hal lax ka lunto, miyuusan sagaal iyo sagaashanka haray cidlo kaga tagayn oo uusan laxdii luntay raadineyn?

13 Markii uu helana, runtii waxaan idin ku leeyahay halkaas lax ayaa uga farxad badan sagaal iyo sagaashankii aan lumin.

14 Sidaas si la mida ayuusan Aabihiinna jannada ku jiraa u rabin in mid ka mid ah caruurtan lumo.”


Sidii loola dhaqmi lahaa dembiga kaniisadda ka dhaca

15 Ciise hadalkii ayuu sii waday wuxuuna yiri, “Haddii qof walaalaha ka mid ah kugu qaldamo, qaladka uu kaa galay si gooni ah ugu sheeg. Haddii uu qaato qaladkiisa, waad ku guuleysatay walaalkaa.

16 Laakiin hadduu qaladkiisa qaadan waayo, u kaasho hal ama laba qof oo walaalaha ka mid ah, waayo kitaabku wuxuu leeyahay, ‘arin walba waa in laba ama saddex qof marqaati ka ahaadaan.’

17 Hadduu weli walaalaha maqli waayo kaniisadda u sheeg, haddii uu xitaa kaniisadda wax ka maqli waayo ula dhaqan sidii dadka aan Illaahey garaneyn ama canshuur qaadayaasha oo kale.

18 “Runtii waxaan idin ku leeyahay wax walboo aad dhulka ka diidaan jannadana waa laga diidi doonaa, wax walboo aad dhulka ka ogolaataanna jannada waa laga ogolaan doonaa.

19 “Runtii waxaan kaloo idin ku leeyahay, haddii laba idin ka mid ah arin ku heshiiyaan aduunka oo ey Illaahey ka baryaan, Aabahayga jannada ku jira wuu u oofin doonaa.

20 Waayo meesha ey laba ama saddex qof magaceyga ugu kulmaan, waan la joogi doonaa.”


Muhiimada uu cafisku leeyahay

21 Kadib Butros ayaa Ciise u yimid oo weydiiyay, “Sayidow, meeqa jeer ayaan walaalkey ama walaashey cafiyaa hadday igu qaldamaan? Ma waxaan cafiyaa illaa toddobo jeer?”

22 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waxaan kuu sheegayaa toddobo jeer oo kaliya ma cafinaysid ee waxaad cafinaysaa toddobaatan iyo toddobo jeer.

23 “Sidaa darteed, boqortooyada jannada waa sida boqor rabay inuu xisaab xir ku sameeyo adoomadii uu deynta ku lahaa.

24 Markii uu bilaabay xisaab xirkii ayaa loo keenay nin uu ku lahaa deyn malaayiin doolar ah.

25 Ninkiina ma awoodin inuu lacagtaas oo dhan bixiyo, kadib sayidkii wuxuu amray in isaga iyo xaaskiisa iyo caruurtiisa iyo wax walboo uu leeyahay la gado kadibna deynta lagu bixiyo.

26 “Markaas ayaa adeegihii jilba jabsaday boqorkii hortiisa oo baryay isaga oo leh, ‘Ii dulqaado, wax walba waan bixin doonaa.’

27 Adoonkii sayidka ayaa u naxariistay ninkii, deyntiina wuu u dhaafay wuuna cafiyay.

28 “Laakiin markii uu adeegihii banaanka u baxay ayuu arkay adoon kale oo uu ku lahaa xoogaa doolar ah, intuu qabtay ayuu ceejiyay wuxuuna ku yiri, ‘Isii lacagta aan kugu leeyahay.’

29 “Adeegihii deynta lagu lahaa ayaa jilbaha dhulka dhigtay oo baryay adoonkii kale isaga oo leh, ‘Ii dulqaado, wax walba waan bixin doonaa.’

30 “Laakiin kii deynta lahaa wuu diiday inuu u naxariisto wuxuuna ku xiray xabsi illaa uu deynta lagu leeyahay ka bixiyo.

31 Markey adoomadii kale arkeen wixii dhacay wey ka xanaaqeen, waxeyna u tageen sayidkii oo ey u sheegeen wixii dhacay.

32 “Kadib sayidkii ayaa u yeeray adeegihii wuxuuna ku yiri, ‘Adeega yahow sharka badan, waan kuu cafiyay deyntaadi oo dhan waayo waad i bariday.

33 Miyaysan ahayn inaad ugu naxariisato adeegaha kula shaqeeya sidii aan kuugu naxariistay?’

34 Kadibna xanaaq dartiis ayuu sayidkiisi askarta ugu dhiibay adeegihiisi si xabsiga loo galiyo oo loo ciqaabo, illaa uu deynta lagu leeyahay ka bixiyo.

35 “Sidaas ayuuna idin kula dhaqmi doonaa Aabahayga jannada ku jira illaa aad walaalihiin qalbiga ka cafisaan.”

Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub

Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.

Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.

Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.

Somali Contemporary Bible™ New Testament

Copyright © 2024 by Biblica, Inc.

Used with permission. All rights reserved worldwide.

Biblica, Inc.
Lean sinn:



Sanasan