Matayos 17 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise muuqaalkiisa oo isbadalay 1 Lix maalmood kadib Ciise wuxuu kaxaystay Butros, Yacquub iyo Yooxanaa oo ahaa Yacquub walaalkiis, wuxuuna geeyay buur dheer korkeed halkaas oo ey kaligood ku ahaayeen. 2 Hortooda ayuuna ku beddelmay, wejigiisuna wuxuu u dhalaalay sidii qoraxdii, dharkiisuna waxey u caddaadeen sidii iftiinkii. 3 Isla markiina waxaa iyaga u muuqday Muuse iyo Eliyaas oo Ciise la hadlaya. 4 Markaas ayuu Butros Ciise ku yiri, “Sayidow, wey wanaagsan tahay inaan halkan sii joogno. Ii ogolow inaan saddex teendho dhiso, mid adiga ayaa leh, midna Muuse midna Eliyaas.” 5 Butros oo weli hadlaya, ayaa waxaa iyagii daboolay daruur dhalaalaysa, cod ayaana daruurta ka dhex dhawaaqay oo yiri, “Kani waa Wiilkeyga aan jeclahay, waana ka raali noqday ee isaga dhagaysta!” 6 Markey xertii hadalkaas maqleen, dhulka ayey weji weji ugu dhaceen, iyagoo argagaxsan. 7 Laakiin Ciise ayaa u yimid oo taabtay, wuxuuna ku yiri, “Kaca! Ha cabsanina.” 8 Markey indhahoodi kala fureen waxey arkeen Ciise kaliya. 9 Markey buurta kasoo dagayeen Ciise wuxuu xertii ku amray oo ku yiri, “Waxaad aragteen qofna ha u sheegina, illaa Wiilka Aadanaha dhimashada laga soo sarakiciyo.” 10 Xertii ayaa Ciise weydiiyeen, “Haddaba macalimiinta sharciga Muuse maxey u yiraahdaan Eliyaas waa inuu Masiixa kasoo hormaraa?” 11 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Waa runtood, Eliyaas wuu imaanayaa wax walbana wuu hagaajin doonaa. 12 Laakiin waxaan idin ku leeyahay, Eliyaas wuuba yimid mana eysan garan, wax walboo ey doonayeenna wey ku sameeyeen. Sidaas oo kale ayeyna Wiilka Aadanaha gacantooda ugu silcin doonaan.” 13 Kadib xertii waxey fahmeen qofka uu Ciise ka hadlayo inuu yahay Yooxanaa Baabtiisaha. Ciise oo bogsiiyay wiil ruuxyo wasakh leh qaba 14 Markey Ciise iyo xertiisi dadkii badnaa ku soo laabteen, ayaa waxaa Ciise u yimid nin oo hortiisa ku sujuuday, 15 wuxuuna ku yiri, “Sayidow, wiilkeyga u naxariiso, wuxuu qabaa suuxdin aad buuna u dhibaataysan yahay, mararka qaar wuxuu ku dul dhacaa dab ama biyo. 16 Waxaan u keenay xertaada, laakiin wey bogsiin waayeen.” 17 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Dad yahow aan iimaanka lahayn, illaa goorma ayaan idin la joogi doonaa, oo illaa goorma ayaan idiin dulqaadan doonaa? Wiilka halkan iigu keena.” 18 Ciise wuxuu canaantay ruuxyadii wasakhda lahaa, weyna kasoo baxeen wiilkii, isla markiina wuu bogsaday. 19 Kadib xertii ayaa Ciise si gooniya ugu yimaadeen oo weydiiyeen, “Maxaanu inagu u awoodi weynay inaan ruuxyada wasakhda leh bixino?” 20 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Iimaankiina oo yar darteed ayaad ruuxyada wasakhda leh u bixin waydeen. Runtii waxaan idin ku leeyahay, haddii aad lahaan lahaydeen iimaan sida iniinta khardalka u yar, waxaad ku dhihi lahaydeen buurtan, ‘Halkan ka dhaqaaq oo halkaas tag,’ weyna dhaqaaqi lahayd, oo waxba idin kuma adkaan lahayn. [ 21 Laakiin ruuxyada wasakhda leh oo noocaan oo kale ah, waxaa lagu saari karaa oo kaliya inaad soonka iyo salaadda badsataan.”] Ciise oo markii labaad dhimashadiisa sii sheegay 22 Markey Ciise iyo xertiisi Galili joogeen ayuu ku yiri, “Wiilka Aadanaha waxaa loo gacangelin doonaa dad. 23 Weyna dili doonaan, maalinta saddexaadna waa la soo sarakicin doonaa.” Xertii markey hadalkaas maqleen aad ayey u murugoodeen. Ciise oo bixiyay canshuurtii macbadka 24 Kadib markey Ciise iyo xertiisi yimaadeen Kafarna’um, ayaa waxaa Butros u yimid kuwii qaadi jiray labada dirham ee canshuurta macbadka waxeyna weydiiyeen, “Macalinkiinu ma bixiyo miyaa canshuurta macbadka?” 25 Markaas ayuu Butros ku jawaabay, “Haa, wuu bixiyaa.” Markii uu Butros guriga soo galay Ciise ayaa weydiiyay, isaga oo leh, “Maxey kula tahay Simoonow? Boqorrada aduunku yey canshuurta ka qaadaan? Ma wiilashooda mise dadka kale?” 26 Markaas ayuu Butros ku jawaabay, “Dadka kale.” Kadib Ciise ayaa ku yiri, “Haddaba wiilashoodu kuma jiraan dadka canshuurta bixinaya. 27 Laakiin si aanan dhibaato u sababin, warta tag oo maqaalintaada ku tuur kadibna kalluunka ugu horeeya ee aad qabataan afkiisa kala fur, waxaadna ka heli doontaa afar dirham, kuwa canshuurta qaada sii waa canshuurtayda iyo tiina.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.