Matayos 16 - Ereyga Illaahey Axdiga CusubCiise oo calaamad la weydiistay 1 Farrisiintii iyo Sadukiintii ayaa Ciise ugu yimid iney tijaabiyaan, waxey doonayeen inuu tuso calaamad xagga samada ka timid. 2 Ciise ayaa ugu jawaabay, “Markii uu cirku guduudanyahay fiidkii waxaad tiraahdaan, ‘Waxey noqon doontaa maalin wanaagsan waayo cirku wuu guduudanyahay,’ 3 subixii markii uu cirku guduudanyahay oo kacsanyahayna waxaad tiraahdaan, ‘Maanta waxey noqon doontaa maalin dabayl iyo roob leh waayo cirku waa guduud wuuna kacsanyahay.’ Waad kala garaneysaan muuqashada cirka laakiin ma garaneysaan calaamadaha Illaahey ee dhacaya waqtigiinan. 4 Qoom shar leh oo sino badan ayaa calaamad raba! Laakiin calaamad lama siin doono aan ahayn calaamaddii Yoonis.” Kadib Ciise wuu iska dhaafay iyaga wuuna ka tagay. Khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta 5 Ciise iyo xertiisi markey u gudbeen dhinicii kale ee warta xertii waxey illoobeen iney kibis sii qaataan. 6 Ciise ayaa iyagii ku yiri, “Iska jira oo iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.” 7 Markaas ayey xertii dhexdooda iskala hadleen arintan oo yiraahdeen, “Sababta uu Ciise sidan u leeyahay waa kibistii aanan soo qaadan awgeed.” 8 Ciise oo fahmay waxey iskula hadlayeen ayaa ku yiri, “Iimaan yarayaal yahow, maxaad iskula hadleysaan kibista eydan haysan darteed? 9 Weli wax ma eydan fahmin miyaa? Miyeydan xasuusan shantii kibis ee ey shanta kun oo qof cuneen iyo meeqa dambiil oo jajab ka buuxo ayaad ururiseen? 10 Ama ma xasuusataan miyaa toddobadii kibis ee ey afartii kun oo qof cuneen iyo intii dambiil oo jababka ahaa ee aad soo ururiseen? 11 Sidee ayaad u fahmi weydeen in aanan idin kala hadleyn kibis? Laakiin iska ilaaliya khamiirka Farrisiinta iyo Sadukiinta.” 12 Markaas kadib ayey xertii fahmeen in Ciise uusan iyaga kala hadleyn iney iska ilaaliyaan khamiirka ku jira kibistii ey soo illoobeen, laakiin uu kala hadlayay iney iska ilaaliyaan waxbaridda Farrisiinta iyo Sadukiinta. Butros oo qiray in Ciise yahay Masiixa 13 Markii uu Ciise yimid deegaanka Kaysariya Filibos, ayuu xertiisi weydiiyay, “Dadku yey ku sheegaan Wiilka Aadanaha?” 14 Waxey ku jawaabeen, “Qaarkood waxey dhahaan waxaa tahay Yooxanaa Baabtiisaha, kuwa kalana waxey dhahaan Eliyaas, qaar kalana waxey dhahaan waa Yeremyaah ama nebi nebiyada ka mid ah.” 15 Markaas ayuu Ciise xertii weydiiyay, “Laakiin idinku yaad igu sheegtaan?” 16 Simoon Butros ayaa ugu jawaabay oo yiri, “Waxaad tahay Masiixa, Wiilka Illaaha nool.” 17 Markaas ayuu Ciise Butros ku yiri, “Waad barakeysan tahay Simoon ina Yoonisow, waayo arintan binu aadan kuuma muujinin, laakiin waxaa kuu muujiyay Aabahayga jannada ku jira. 18 Waxaanna kugu leeyahay waxaa tahay Butros oo macnahiisu yahay dhagax, oo dhagaxan ayaan ka dul dhisan doonaa kaniisadayda, albaabada naartana kaama hor imaan doonaan. 19 Waxaan ku siin doonaa furayaasha albaabada boqortooyada jannada, wax walboo aad dhulka ka diidaan jannadana waa laga diidi doonaa, wax walboo aad dhulka ka ogolaataanna jannada waa laga ogolaan doonaa.” 20 Kadib Ciise wuxuu xertiisi ku amray in eysan qofna u sheegin inuu Masiixa yahay. Ciise oo dhimashadiisa sii sheegay 21 Waqtigaas laga bilaabo Ciise wuxuu bilaabay inuu xertiisi u sharaxo waxa ku dhici doona oo ah inuu Yeruusaalem tago oo uu si xun ugu silco gacanta odayaasha, gudoomiyayaasha wadaaddada iyo macalimiinta sharciga, iyo in la dili doono maalinta saddexaadna uu soo sarakici doono. 22 Markaas ayuu Butros Ciise gooni ula baxay oo la canaantay wuxuuna ku yiri, “Lagama yaabo Sayidow, arintaas weligeed kugu dhici mayso!” 23 Ciise ayaa u jawaabay oo Butros ku yiri, “Dib iiga leexo Shaydaan yahow! Aqabad aan ku turunturoodo ayaad igu tahay, waayo fikiradahan kama yimaadaan Illaahey xaggiisa ee waxey ka yimaadaan dabeecada binu aadanka.” 24 Kadib ayuu Ciise xertiisi ku yiri, “Mid walboo xerteyda noqon raba waa inuu is nacaa oo iskutallaabtiisa soo qaataa oona isoo raacaa. 25 Waayo qofkii raba inuu naftiisa badbaadiyo wuu lumin doonaa, laakiin qofkii naftiisa u lumiya aniga dartey wuu heli doonaa. 26 Qof maxey u tari doontaa hadduu aduunka oo dhan helo, laakiin uu nafsadiisa lumiyo? Ama muxuu qof ku bedelan karaa nafsadiisa? 27 Waayo Wiilka Aadanahu wuxuu ku imaan doonaa ammaanta Aabihiis isaga oo ey malaa’igtiisu la socdaan, kadibna qof walba wuxuu ku abaalmarin doonaa wuxuu sameeyay. 28 “Runtii waxaan idin ku leeyehay, qaar idin ka mid ah oo halkan taagan dhimashada ma arki doonaan illaa inta eysan arkin Wiilka Aadanaha oo boqortooyadiisa ku imaanaya.” |
Kitaabka Quduuska Ah: Ereyga Illaahey™ Axdiga Cusub
Daabacaadan anaga ayaa leh © 2024 waxaa soo saaray Biblica, Inc.
Waxaa lagu isticmaalay ogolaasho.
Xaqeeda oo dhanna waa la xaafiday meel walba oo aduunka ka tirsan.
Somali Contemporary Bible™ New Testament
Copyright © 2024 by Biblica, Inc.
Used with permission. All rights reserved worldwide.
Biblica, Inc.